Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaan kala soconaa qaraxii Gu’jir galaaftay??
    Somalia

    Maxaan kala soconaa qaraxii Gu’jir galaaftay??

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 3, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu khaarajiyay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Gu’jir xogo khatar badan,ayaa dul hoganaya.

    Xogta 1-aad ee sirdoonka Dowlada!!

    Qaraxa waxaa ka danbeeyay Alshabaab,waxaana fuliyay Nin horay uga mid ahaan jiray laguna qabtay Bosaso xiligii Dowladii Faroole kadibna la shaqaystay Booliska laguna magacaabi jiray Cabdifitaax M.Khaliif.

    Sirdoonku waxay leeyihiin,waxaan uqabanay abaabulka ismiidaamintan 8-Qof oo aan ku kala qabanay 3-Garowe,3-Bosaso,1-Galkacyo-1-Laascaanood.

    Xarunta abaabulka qorshahan fadhigeedu waa Laascaanood sida sirdoonka Puntland sheegayaan waxayna wada shaqayn dhow kala leeyihiin Somaliland.

    Sirdoonka Puntland maamlmaha soo socda ayay sheegeen in baaristu usoo gabagaboobayso.

    Xogta 2-aad??

    Qaraxa waxaa ka danbeeyay Muxyidiin Talyaha Booliska Puntland oo baqdin xoog leh ka qabay sida xogtu sheegayso in Gu’jir lagu badalo.

    Xogtu waxay leedahay Muxyidiin waxyar ka hor buu ka baxay shirka amniga Gobolka

    Markale waxay leedahay xogtu Muxyidiin shirkii amniga ee loo balansanaa ma imaan.

    Waxaa kaloo jira Nin udhashay beesha Gerikoombe oo lagu tuhmayo in uu qayb ka ahaa qorshaha ii Muxyidiina xiriir la lahaa.

    Xogtu waxay kaloo leedahay Muxyidiin,waxaa adeegsaday gacan kale.

    Xogta 3-aad??

    Qaraxa waxaa ka danbeeyay Maxamuud Shido oo Gu’jir ku noqday darbi ka hor taagan maamulashadii Gobolka.

    Sida xogtu leedahay Gu’jir rabi ha unaxariistee waa is af dhaafeen Maxamuud Shido,waxaana dhawr jeer laga maqlay Maxamuud oo leh waa badalayaa Gudoomiyahan madaxa adag.

    Gu’jir intuusan dhiman ka hor waxuu utagay Madaxweyne Deni oo uga dacwooday Maxamuud,isla markaana ku dooday in uu iscasilayo oo uusan udulqaadan karin hanjabaada Nin aan Dowlada meelna kaga jirin.

    Xogta waxay sii sheegaysaa in galabkii qaraxu dhacayay uu Maxamuud dad ku yiri xaalka magaaladu ma fiicnee ka xarooda.

    Xogtan aadbay u xoog badan tahay,waxayna sii iftiiminaysaa in Maxamuud yahay gacanta Muxyidiin adeegsatay.

    Xogta 4-aad??

    Qaraxan waxaa ka danbeeya kooxda sheegata in ay Deni soo maalgashteen,waxaana ujeedadu ahayd in la baqdin galiyo Madaxweynaha oo ay maalmahan danbe u arkayeen in dhagihiisii lala qaybsaday oo koox isku xiran oo Dhabancad hogaaminayo ay kusoo baxeen.

    Sida xogtan leedahay Dhabancad iyo hogaamiyaha kooxda sheegata in ay Deni maalgashteen ee Maxamuud Shido si weyn ayay isku khilaafeen oo hadalku uga xumaaday kulankoodii ugu danbeeyay.

    Gu’jir iyo Beeshiisa??

    Beesha uu kasoo jeeday Gudoomiye Gu’jir alle ha unaxariistee,ayaa dareenka xogahan qaba,waxayna diideen gudi Madaxweynuhu usaaray baarista oo ay ku jireen Muxyidiin iyo Khaliif Ciise Mudan.

    Sidoo kale beeshu waxay la kulantay Madaxweyne Deni oo ay ugudbisteen codsi ah in aan booska Gudoomiyihu ka geeriyooday la dhaafin oo lagu tixgaliyo sida xoguhu sheegayaan.

    Isku soo wada duuboo dilkii Gu’jir rabi ha unaxariistee xogo khatar badan leh,ayaa dul hoganaya.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.