Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Farmaajo waxuu ku jiraa dabin siyaasadeed
    Somalia

    Faallo:-Farmaajo waxuu ku jiraa dabin siyaasadeed

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 13, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Farmaajo wuxu ku jiraa dabin siyaasadeed, waxayse u egtahay inuu si taxadar leh uga fikiray sidu uga bixilahaa.

    Looma baahna in ay somaliland dhabar jabiso mucaaradka somaliya iyo umada somaliyeed ee isbadal doonka ah ee La daalaa dhacaysa beenta iyo borobagaandada xukuumada N&N ee aan social media ha dhaafsanayn, waxan u arkaa ilduuf siyaasadeed inay somaliland ka ogolaato Farmaajo wadahadal xilli ay xukuumada somaliya u hadhay muddo lix bilood oo kaliya.

    Ka sakow muddo xileedka dawlada somaliya ee gebo-gabada ku dhaw; Farmaajo waxa uu badhtanka ugu jiraa mawjado khilaaf siyaasadeed oo ay adagtahay inuu ka sabato baxo, markaad eegto duruufaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto.

    Wadahadal kasta oo somaliya iyo somaliland dhexmara waxa sal u ah inuu haysto kalsoonida xisbiyada ka jira labada dhinac, dhinaca somaliya; maadaama ay dawladu tahay dawlad federaal ah waxa muhiim ah inay ugu yaraan maamul goboleedadu kalsooni ku qabaan dawlada federaalka waa haddaanayba si toosa ugu lug lahayn wadahadalada, taasoo aynu maanta ognahay halka ay kala marayaan Farmaajo iyo inta badan madaxda dawlad goboleedyadu.

    Dhinaca somaliland waa muhiim in xisbiyada dalka ka jira laga talo galiyo wadahadal kasta ama ugu yaraan loo bandhigo waxa socda si ay aragti iyo talo ugu yeeshaan.

    Markaad dib uyara raacdo afcaasha xukuumada Farmaajo, malaha taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka somaliyeed, waa xukuumada aalaaba ka shaqaysa fadqalalo iyo cunfi xaasidnimo ka muuqato oo ay ugu danbaysay waraysigii wasiirka arimaha dibada ee dawlada federaalku ku weeraray PD world oo mashaariic horumarineed kawada somaliland waraysigaa wasiirka oon marnaba u adeegayn isu soo dhawaanshaha ummada.

    Markaan dhan walba iska taagay aniga aragtidayda iima muuqato wax haba yaraatee fursad ah oo wakhti xaadirkan wada hadal ugu jirta somaliland iyo guud ahaan ummada soomliyeed oo u baahan in farmaajo laga hor dhaqaqjiyo.

    Taa bedelkeeda, waxay fursad u tahay Farmaajo oo doonaya inuu indha ummada somaliyeed iyo kuwa beesha caalamka ee sida dhaw ula socda waxa ka dhacaya somaliya uu ka jeediyo kuna mashquuliyo mawduuc kale.

    Waxan hubaa in xalay oo kaliya uu yaraaday culayskii social media ha ka haystay N&N oo social media u yahay garoobka diyaaradaheedu ka kacaan, kadib markii mar qudha lasoo tuuray wadahadalka tasoo noqotay mowduuc lagaga nastay mashaqadii siyaasadeed ee ay ku jireen N$N waana sida ay doonayeen.

    Xildhibaan:-Mustafe Qodax.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.