Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video+Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo iskugu yeeray safiirada Dalalkooda ay ku jiraan Ciidamada AMISOM
    Somalia

    Video+Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo iskugu yeeray safiirada Dalalkooda ay ku jiraan Ciidamada AMISOM

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 18, 2017Updated:February 19, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isu yeeray safiirrada dalalkooda ay ku jiraan ciidammada AMISOM iyo saraakiishooda, waxaana uu kala hadlay howlgalka AMISOM iyo in ay muhiim tahay waqtigaan dardargelinta howlgallada ka dhan ah kooxaha nabad-diidka.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey AMISOM iyo madaxdooda sida ay ciidammada Soomaaliyeed u gacan siiyeen, laakiin waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in ciidammada Qalabka Sida  ee Soomaaliya loo diyaariyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin sida qalabka iyo waxyaabaha kale ee la xiriira awooddooda, AMISOM-na looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan  dhismaha ciidammada Soomaaliyeed ee mar ka ugu dambeysa AMISOM kala wareegi doona amniga guud ee dalka.

    Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dalka gobollo badan oo ka tirsan ay ka jiraan Abaaro, sidaa darteedna ay waajib tahay in  si nabad ah dadka loo gaarsiiyo gurmadka ay u baahan yihiin, iyadoo ay iska kaashanayaan dowladda, ciidammada Qalabka Sida iyo AMISOM oo wadajira.

    Kulan waxaa joogey oo madaxweynaha ku wehliyey, Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha agaasimaha Guud ee madaxtooyada, safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo howl-wadeenno kale, waxaana la isku afgartay in  si deg deg ah loo dardargaliyo howlgallada lagu soo afrjarayo kooxaha argagixisada ah ee nabadda diiddan,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/DImW9XUXy7I

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.