Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Kushner wuxu doonayey khad sir ah oo uu Moscow kula xiriiro
    President Donald Trump speaks to White House Senior Adviser Jared Kushner, left, in the Oval Office in Washington, Friday, April 21, 2017. With his tweets and his bravado, Trump is putting his mark on the presidency in his first 100 days in office. He's flouted conventions of the institution by holding on to his business, hiring family members as advisers and refusing to release his tax returns. He's tested conventional political wisdom by eschewing travel, church, transparency, discipline, consistency and decorum. But the presidency is also having an impact on Trump, prompting him, at times, to play the role of traditional president. (AP Photo/Andrew Harnik)
    Somalia

    Video:-Kushner wuxu doonayey khad sir ah oo uu Moscow kula xiriiro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 27, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in wiilka madaxweyne Trump soddoga u yahay isku dayey in uu si sir ah xidhiidh ula yeesho Moscow dhawr bilood ka hor intii aan Trump ku guulaysan doorashadii.

    Jared Kushner wuxuu doonayey in uu adeegsado qalab Ruushku sameeyo si aan Maraykanku u ogaanin xidhiidhka uu lalahaa Moscow, sidaana waxa sheegay labada wargeys ee Washington Post iyo New York Times.

    Kushner oo ah la taliye sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaan isagu eedaymahan ilaa haatan waxba ka odhan.

    Waxa la sheegay in isaguna ka mid yahay dadka ay FBI-du ku hayso baadhitaanka culus ee lagu hayo eedaynta ah in Ruushku farageliyey doorashadii Maraykanka si uu Trump ugu guulaysto.

    Wararka ka imanaya Maraykanku waxay sheegayaan in baadheyaashu rumaysanyihiin in [wiilkaa madaxweynuhu sodogga u yahay] hayo xog loo baahanyahay laakiin aanu weli jirin shaki isaga laga qabaa oo aan wax dambi ah lagu tuhunsanayn.

    Wararka ugu dambeeyey, ee laga soo xigtay saraakiil Maraykan ahi, waxay sheegeen in Kushner kala hadlay danjiraha Moscow u fadhiya Maraykanka, Sergei Kisylak, sidii ay u suurto geli lahayd in ay si qarsoodi ah ugu isticmaali lahaayeen marinada diblomaasiyadeed ee Ruushku ku adeegsado Maraykanka dhexdiisa.

    Qareenka Kushner ayaa isaguna hore u sheegay in ninka uu wakiilka ka yahay la shaqayn doono baadhitaan kasta oo la wado oo lagaga codsado inuu xog ku siiyo saraakiisha hawlahaa wada,hoos ka daawo muuqaalka

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    August 22, 2025

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    August 22, 2025

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.