Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamada Sare ee Kenya oo laashay go’aankii Qaxootiga Somalida looga rayay xeryaha Qaxootiga
    Somalia

    Maxkamada Sare ee Kenya oo laashay go’aankii Qaxootiga Somalida looga rayay xeryaha Qaxootiga

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 9, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa is hortaagtay go’aanka ay dowladda ku dooneysay in ay ku xirto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, dibna ugu celiso qoxootiga halkaas ku nool dalka Soomaaliya.

    Maxkmadda sare ayaa go’ankaasi ku tilmaantay mid aan dastuuri ahayn oo ka hor imaanaya sharciga dalka, waxaana ay sidoo kale sheegtay in go’aankaasi uu xadgudub ku yahay xuquuqda qaxootiga.

    ‘‘Go’aanka dowladda wuxuu si gooni ah u bartilmaameedsanayaa qaxootiga Soomaalida taasoo ah mid sharci darro ah, sidaas darteedna waxaan go’aankaasi ka sooq aaday mid aan waxba ka jirin”, ayuu yiri John Mativo, xaakimka maxkamadda sare.

    Bishii May ee sanadkii tagay ayaa wasiirka amniga ee Kenya wuxuu shaaciyey in Kenya ay albaabada u laabi doonto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, halkaas oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qaxooti ah.

    Markii hore qorshuhu waxa uu ahaa in xeradaasi la xiro dabayaaqadii bishii Nofeember, balse Kenya ayaa sheegtay in muddo lix bilood ah ay ku kordhisay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee ay u qabatay in la xiro xeryaha qaxootiga.

    Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ee sida Human Right Watch iyo Amnesty international ayaa soo dhoweeyey go’aanka maxkamada waxa ayna sheegeen in uu yahay mid taarikhi ah.

    Human Right waxay sheegtay in go’aanka maxkamada uu ka turjumayo in maxakmada ay doonayso in ay ilaaliso xuquuqda qaxootiga.

    Kenya ayaa xeryaha qaxootiga sheegtay iay noqdeen meelo laga soo maleego weerarada argigixisada, gaar ahaan weeraradii ka dhacay dalka Kenya, eedeyn ay si xooggan u beeneeyeen qaxootiga iyo hoggaamiyaashooda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    August 10, 2025

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    August 10, 2025

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    August 10, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Faahfaahinta Deegaamada ay Ciidamada PL Gacanmarinayaan

    Ciidamada PL oo ku dhaqaaqay Gacan marinta Godadka argagixisadu ku gubato

    Waa kuma Sarkaalka noqday Talyaha Africom?

    Madaxweynaha Maraykanka oo si cad usheegay in aqoonsiga SL lagu guda jiro

    Faallo:-Maxaa sababay in Maraykanku soo celiyo Siyaasadii Laba Wajiilaynta?

    Faallo:-Maxay PL uga dhigan tahay booqashada Talyayaasha Bariga Afrika Ee Maraykanka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.