Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maxaa looga xaajooday Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland?
    Somalia

    Video:-Maxaa looga xaajooday Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 13, 2020Updated:August 13, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WAR-SAXAAFADEED: 13/08/2020Golaha Wasiirrada Somaliland Oo go’aamiyey In Maxkamadda Sare Loo Gudbiyo Go’aan-ka-gaadhista Doorashooyinka, Siyaasado Qaranna Ansixiyey.

    Fadhigii 62aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga dooday qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey siyaasado qaran.

    Ugu horrayn wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda nabad-gelyada dalka. Sidoo kale wasiirka isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada ayaa golaha warbixin ka siiyey hirgelinta nidaamka E-government iyo halka uu marayo isagoo wasiirku tilmaamay ahmiyadda uu u leeyahay dalka.

    Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha warbixin dheer ka siiyey xaaladda dhaqaale ee dalka iyo saamaynta uu ku yeeshay safmarkii xanuunka karoona Fayris (Corona-virus), wuxuuna wasiirku golaha horkeenay siyaasadda haykalka guud ee dhaqaalaha iyo maaliyadda ee saddexda sanno ee soo socda 2021-2023, si aragti guud iyo saadaalin runa looga helo geeddi-socodka dhaqaalaha iyo maaliyadda Dalka, loona hubiyo in dakhli ururinta guduhu ku filan tahay daboolidda kharashaadka dawladda iyo mashaariicda horumarineed ee mudnaanta leh, waxayna siyaasaddani jaangoynay samaynta miisaaniyad-sanadeedka 2020 -2021.Dhinaca kale, wuxuu goluhu ansixiyey siyaasadda shaqo abuurka qaran ee Somaliland oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.

    Ugu danbayn waxa goluhu dood dheeer ka yeeshay qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, wuxuuna goluhu go’aamiyey in loo gudbiyo maxkamadda sare ee Jamahuuriyadda Somaliland.

    ALLAA MAHAD LEHMaxamuud Warsame JaamacAf-hayeenka Madaxweynaha JSL.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/L-ZspSnZCCo
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.