Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Warmurtiyeed laga soo saaray Shirkii Wadatashiga Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada Dalka.
    Somalia

    Warmurtiyeed laga soo saaray Shirkii Wadatashiga Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada Dalka.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 17, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qodobada ay ku Heshiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka.

    1. In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.

    2. In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta.

    3. In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas.

    4. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.

    5. In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.

    6. In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare

    .7. In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah.

    8. in doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

    9. Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020.

    10. In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

    11. Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.

    12. Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada.

    13. Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay.

    14. Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.

    15. Ugu dambeyntii, Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.