Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muran wali ka taagan Soo wareejinta hawada somaliya
    Somalia

    Muran wali ka taagan Soo wareejinta hawada somaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 6, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed A Salaad (Oomaar) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kulan xasaasi ah la qaatay madaxda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista ee ICAO.
     
    Kulankaas oo ka dhacay xaruunta hay’adda ICAO ee Montreal ayeey madaxa hay’adda ku soo bandhigeen qorshooyin ay hay’addu ugu tala gashay soo wareejinta hawada Soomaaliyeed.
     
    Madaxa qaybta farsamada ee hay’adda ICAO Mr. Ivan Galan ayaa warbixintiisa ku sheegay in qorshaha wareejinta hawada Soomaaliyeed ku kicidoonto lagac dhan $12 Milyan oo dollar, lacagtaas oo laga rabo in ay bixiyaan dowladda Soomaaliya. Mr. Ivan Galan ayaa sidoo kale sheegay in qarashka ay bishiiba ka aruuriyaan hawada Soomaaliya uu yahay $1.2 Milyan oo dollar.
     
    Wasiir Omaar ayaa ka biyo diiday qorshaha ay hay’adda ICAO soo bandhigtay, wuxuna u sheegay madaxda hay’adda ICAO in Soomaaliya uu isbedel dowladeed ka dhacay bishii Feberaayo, dowladdane ka go’antahay in ay hawadeeda soo cishato sida ugu dhaqsiyaha badan.
     
    Wuxuuna u soo gudbiyey qorsh cusub oo ay dowladda Soomaaliya ka shaqeyneysay oo lagu soo wareejindoono hawada dalka Soomaaliya.
     
    Wasiir Omaar ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyey agaasimaha hay’adda duulista hawada Soomaaliyeed mudane Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaale) iyo madax kale oo ka tirsan hay’adda. Waana socdaalkii ugu horeeyey oo wasiirka iyo agaasimaha ay ku yimaadaan xaruunta hay’adda ICAO ee magaalada Montreal.
     
    Xoghayaha hay’adda ICAO Dr. Fang Liu oo ah haweeneey u dhalatay dalka Shiinaha ayaa warbixin kooban ka soo jeedisay kulankaas, ayada oo sheegtay in ay wixii kaalmo ah ee loo baahanyahay ka geysandoonto sidii hawada Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa dalka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista Hawada ee (ICAO) ayaa waxaa ka dhex aloosan muran ku saabsan soo wareejinta maamulka hawada Soomaaliyeed oo soo jiitamayey in muddu ah.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.