Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump iyo Erdogan oo dhexdhexaadinaya muranka waddamada Khaliijka
    Somalia

    Trump iyo Erdogan oo dhexdhexaadinaya muranka waddamada Khaliijka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 7, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa taleefoon kula xiriiray boqorka dalka Sacuudiga si uu ugala hadlo khilaafka soo kala dhexgalay waddamada khaliijka kaddib markii dhowr dowladood ay xiriirka u jareen dowladda Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay argagaxisada taageerto.

    Donald Trump ayaa horay u taageeray tallaabada ay Sacuudiga iyo saaxibadiisa kale ka qaadeen dalka Qadar.

    Sarkaal Mareykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in farriinta Trump ay ahayd in midnimada gobolka ay muhiim u tahay la dagaalanka afkaarta xagjirnimada iyo maal-gelinta argagixisada.

    Trump ayaa kal hore sheegtay mas’uuliyadda cadaadiska ka dhanka ah Qadar, waxa uuna sheegay in durbaba ay miro dhal noqotay booqashadii uu dhawaan Sucuudiga ku tagay.

    Trump ayaa qoraallo dhowr ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in xilligii uu booqashada ku marayay Bariga Dhexe uu caddeeyay in aysan jiri karin cid maalgelisa fikradaha xagjirnimnada, hoggaamiyeyaasha gobolkuna ay farta ku fiiqeen Qadar.

    Balse Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa dhammaan dhinacyada ay arrintani khuseysa la wada xiriiray oo isku dayay in la xalliyo muranka u dhaxeeya waddamada xulufada la ah mareykanka.

    Waaxda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa Qadar uga mahadcelisay martigelinta saldhigga milatari ee ugu weyn ee ciidamada cirka mareykanka ee Bariga Dhexe.

    Dhowr waddan ayaa isniintii la soo dhaafay xiriirka u jaray dalka Qadar, kuwaasi oo xitaa hakiyay duulimaadyadii dhanka hawada ee dalalkani kala dhaxeeyay dalkaasi Qadar.

    Dowladda Qadar ayaa si weyn u beenisay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ay taageerto islaamiyiinta xagjirka ah.

    Dhanka kale, waddamada Turkiga iyo Kuweyd ayaa hadda u kala dab-qaadaya Qadar iyo waddamada kale ee uu muranka kala dhaxeeyo.

    Madaxweynaha Turkiga Rajib Tayyib Erdogan ayaa sheegay in xasaaradda ka dhex aloosan waddamadani aanan lagu xallin karin go’doomin iyo xayiraado.

    Sidoo kale madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa qadka taleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Turkiga iyo amiirka Qadar, waxa uuna caddeeyay in uu diyaar u yahay in uu taageero dedaal kastaa oo lagu xallinayo arrintan.

    Murankan ayaa saameyn ku yeeshay sicirka saliidda, isu socodka dhanka hawada iyo badda ee gobolka, waxaana arrintaasi ka dhashay in goobaha laga dukaameysto ee Qadar ay cunnadu gabaabsi noqoto.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa Qadar ugu baaqay in ay xiriirka u jarto kooxda Falastiyiniinta ee Xamaas iyo kooxda ikhwaanul muslimiinka ee dalka Masar, waa haddii ay dooneyso in xayiraadaha laga qaado.

     

     

     

    Xigasho BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.