Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo galay maalintii labaad
    Somalia

    Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo galay maalintii labaad

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 28, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dalalka Azerbaijan iyo Armenia ayaa galay maalintii labaad ayada oo tobaneeyo qof ay ku dhinteen xilli ay jirto cabsi la xiriirta in dagaalka u noqdo mid aan waxba la isula harin.

    Saraakiisha gaashaandhigga labada dal ayaa xaqiijiyey in dagaalka uu si xooggan u socday xalay kadib markii uu Isniintii ka billowday furumaha gobolka Nagorny Karabakh, oo ah gobol ay degan yihiin dad Armenian ah balse doonaya inuu ka go’o Azerbaijan.

    Kooxda gooni u goosadka ee gobolka ayaa Isniinta maanta ah sheegay in ka badan 15 ka mid ah dagaal-yahanadooda la dilay saacadihii tegay, taasi oo tirada guud ee dhimashada guud ka dhigeysa 39.

    Ayada oo labada dhinacba uu midba midka kale ku eedeynayo dagaalka, ayaa hogaamiyayaasha dunida waxa ku baaqeen deganaan, ayada oo ay jirto cabsi ah in dalal quwado weyn sida Turkey iyo Russia ay soo geli karaan dagaalka.

    Armenia iyo Azerbaijan oo labadaba horey uga tirsanaa Midowga Soviet ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhuleed la xiriira gobolka Nagorny Karabak, oo ay marar badan ku dagaalamee, uguna dambeysay 2016.

    Gobolkan ayaa madax-banaani ku dhowaaqay horraantii sagaashamaadkii kadib dagaal ay ku dhinteen in ka badan 30,000 qof, balse ma jirto cid aqoonsan, xitaa Armenia, balse caalamka ayaa u aqoonsan inuu ka tirsan yahay Azerbaijan.

    Wasaaradda difaaca Karabakh ayaa sheegtay in maanta laga dilay 32 dagaal-yahan oo kale, halka 7 qof oo kale horey loo weriyey. Azerbaijan ayaa weli ma aysan shaacin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.