Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Trump oo ka hadlay caafimaadkiisa
    Somalia

    Video:-Trump oo ka hadlay caafimaadkiisa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 4, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu hayo xanuunka COVID19 ayaa xalay sii daayay muuqaal cusub oo uu kasoo duubay Isbitaalka uu kujiro, kaasoo uu ku sheegay inuu dareemayo inuu soo fiicnaanayo islamarkaana uu rajeynayo inuu dhaqso kusoo bagsoodo.

    Muuqaal afar daqiiqo ah oo dadka uu kula hadlay ayuu ku sheegay inuusan fiicneyn markii la dhigayay isbitaalka Walter Reed ee duleedka Washington, kadib baaritaankii la masriiyay Jimcihii ee looga helay xanuunka.

    Laakiin waxuu sheegay inuu aad u fiican yahay hadda islamarkaana ay si adag uga shaqeynayaan inuu dib usoo kabto, isagoo intaasi ku daray inaysan garaneynin sida uu xaalka noqon doono maalmaha soo socda oo uu sheegay inay mari doonaan tijaabada dhabta ah.

    Trump codkiisa ayaa laga dareemayay waxoogaa daal ah intii muuqaalka uu socday, laakiin wuxaa ka muuqday niyad wanaag waxuuna sheegay inuu u dagaallamayo malaayiin dad oo dunida daafaheeda ku nool kuwaas oo la ildaran Virus-ka, isagoo intaasi ku daray inay ka adkaan doonaan cudurka COVID19.

    Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee isaga daweyntiisa ku howolan, dadweynaha Mareykanka iyo hogaamiyeyaasha caalamka ee usoo diray farriimaha ay wanaagga iyo caafimaadka ugu rajeynayeen.

    Xanuunka COVID-19 ee ku dhacay madaxweyne Trump ayaa imanaya, muddo bil ah ka hor inta aysan dhicin doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 3-da November.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    October 31, 2025

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    October 31, 2025

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.