Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Azarbajaan iyo Armaaniya
    Somalia

    Video:-Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Azarbajaan iyo Armaaniya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 6, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saraakiisha qowmiyadda Armenian-ka ah ee gobolka Nagorno-Karabakh ayaa xaqiijiyey in 21 askari oo kale looga dilay dagaalka ay kula jiraan ciidamada Azerbaijan, taasi oo tirada guud ee laga dilay ka dhigeysa 244 askari, tan iyo markii uu dagaalka billowday 27-kii September.

    Dagaalka ayaa ah kii ugu xoogganaa ee labada dhinac dhex-mara tan iyo sagaashamaadkii, markaasi oo 30,000 oo qof lagu dilay dagaalka.
    Hoggaanka Karabakh ayaa sidoo kale sheegay inay dagaal-yahanadooda kala baxeen qaar ka mid ah furumaha dagaalka, “sababo xeelad dagaal dartood.”

    Hadalkan ayaa yimid kadib markii Azerbaijan ay sheegtay in gooni u goosatada ay ka carareen dhufeysyadooda.

    Dhinaca kale, dalalka Ruushka, Mareykanka iyo Faransiiska ayaa ugu baaqay Armenia iyo Azerbaijan inay isku raacaan “xabad-joojin shuruud la’aan ah,” kadib markii dhinacyada ay billaabeen inay duqeeyaan magaalooyin waa weyn.

    In ka badan 40 qof oo shacab ah oo labada dhinac ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalka.

    Bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen wasiirada arrimaha dibedda Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska ayey ku sheegeen in xiisadda dagaal ee kasii dareysa, oo ay ku jirto weerarada la tuhunsan yahay in lagu beegsanayo xarumaha dadweyne “ay la macno tahay halis aan la aqbali karin oo ka dhan ah xasiloonida gobolka.”

    Wasaaradda gaashaandhigga Azerbaijan ayaa sheegtay in ciidamada Armenia ay madaafiic ku garacaayaan dhowr magaalo, oo ay ka mid tahay magaalada labaad ee dalkaas ugu weyn ee Ganja, taasi oo markii ugu horreysay la garaacay Axaddii.

    Gooni u goosatada gobolka Karabakh ee Azerbaijan balse asal ahaan kasoo jeeda Armenia, ayaa dhankooda sheegay in dagaalka uu ka socdo forumaha magaalada caasimad goboleedka ah ee Stepanakert, halkaasi oo madaafiic culus lagu garaacayo.

    Madaafiicda sii kordhaya ee lagu garaacayo magaalooyinka waa weyn ayaa kordhiyey cabsida laga qabo inuu sii kordho khasaaraha dhimashada dagaalka, oo mar horeba ay ku dhinteen 260 qof.

    AFP + REUTERS

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    October 31, 2025

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    October 31, 2025

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.