Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Roob-ka-daal.WQ.Maxamed Xasan “Alto”
    Somalia

    Roob-ka-daal.WQ.Maxamed Xasan “Alto”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 17, 2017Updated:June 17, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaybta Afraad

    Afartii galabnimo ayay saacaddu garaacday. Daruurtu aaggii wali kama dulteginnin oo sidii iyo si xoog badan ayuu roobkii u da’ayay. Shaqaalihii goobta waxay iclaamiyeen in aanu jiri doonnin wax tareemmo ah oo London u bixitima ilaa iyo amar dambe. Daadad baa qadhaarkii tareemmada ee Cheltenham ku soo fatahmay. Rugtii wax tareen ah oo ka baxa ama soo gala ayaa la waayay. Biyihii maxaddada ku soo rogmay ayaa lugihii tareemmada kor u dhaafay. Rakaabkii rajobbeel ayaa heshey. Qaar waxay isku dayeen in ay qabtaan rugta basaska. Qaar kale taksiyo ayaa la doontay. Kuwii magaalada martida ku ahaa waxay raadsadeen hodheello ay habeenkaa seexdaan. Wuxuu ruux kasta iskula hadlay:

    “Waxa mayay soo madow

    Waxa miiraale yimid

    Ninkii meellow, ka roor!”

    Waxaa dhacday, sidoo kale, in la waayay basas ama tagsiyo meelna magaalada uga baxda ama soo gasha. Gawaaridii yaryaraa ee gaarka loo lahaa ayaa wada joogsaday. Dadkii dhinacyada waddooyinka lugeeyn jirey ayaa la waayay. Waxaa intaa sii dheeraa, hoodheelladii magaalada ayaa sariirro bannaan oo la seexdo laga waayay. Rakaabkii reer Cheltenham ahaa ee doonayay in ay London gaadhaan goortay quusteen ayay aqalladoodi iskaga laabteen oo u lugeeyeen, iyagoo qaaditaanka shandadahoogii la dhibaataysan. Dadkii kale ee magaalada martida ku ahaa, kob ay ciirsadaan ama caymo bidaan ayay garanwaayeen. Waxaa lagu soo wada laabtay rugtii tareemmada ee Cheltenham.

    Lixdii fiidnimo weeye. Ballantii roobdoonta ee London laba saacadood oo qudha baa ka hadhsan. Raabbi wali wuxuu ku suganyahay rugta tareemmada ee Cheltenham. Telefoon ayuu xaaskiisii u direy. Wuxuu uga warramay waxa dhacay. Dabadeed waxay damacday in ay taksi soo qaadato oo u timaaddo. Wuxuu u sheegey in meel walba ay daadad ku fatahmeen, laamiyadii waddooyinka ay biyo dulsabbeeynayaan oo biriishyadii qaarkood ay biyo jabsadeen. Barteeda in ay ku nagaato ayuu kula taliyey.

    Sidoo kale, wuxuu telefoon u direy walaashii, Sureer Rooraaye, oo Birmingham degganayd. Wixii haystay ayuu uga warramay. ”Haddaba, walaal, aan kuu imaaddo,” ayay ku tidhi. Waa uu ka diiday oo ku yidhi: “Baayo, cir iyo dhul si aad igu soo gaadho waa adagtahay. Waxaad yeeshaa bartaada ku ekow!”

    Gooray toddobadii fiidnimo ahayd ayuu saaxiibkiisii London joogay, Rafle Carraale, qabanqaabiyihii kulanka roobdoonta, la hadlay. Wuxuu si tifaftiran uga warramay xaaladda la soo deristay iyo in ay adagtahay in uu kulanka London ka soo gaadhi karo. “Maxaa talo ah, walaal?” ayuu Raabbi yidhi.

    “Waa Maqaaddiir Rabbi, Ina-adeer, bartaadaa ka soo ducee!

    Ilaa iyo lixdii aroornimo ayuu roobkii da’ayay, isagoon kala go’ lahayn. Dad tiradoodu boqol dhaaftay ayaa kulankii London ka soo qaybgalay.

    Wayska xaal adduun! Dhan baa oomane, abaar, baad iyo biyo la’aan la liidata oo roob-doon ku jira, barbarka kalena roob-ka-daal ayay ku sugantahay.

    D  H  A  M  M  A  A  D

     

    Maxamed Xasan “Alto”

    London, 27.07.2007

    xasan_maxamed@hotmail.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.