Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»SAAXIIBADA CAALAMKU WAXAY KU BAAQAYAAN IN LA XALLIYO IS-MARI-WAAGA KA TAAGAN DOORASHOOYINKA
    Somalia

    SAAXIIBADA CAALAMKU WAXAY KU BAAQAYAAN IN LA XALLIYO IS-MARI-WAAGA KA TAAGAN DOORASHOOYINKA

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 12, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    SAAXIIBADA CAALAMKU WAXAY KU BAAQAYAAN IN LA XALLIYO IS-MARI-WAAGA KA TAAGAN DOORASHOOYINKA

    Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay aad uga walaacsan yihiin is-mari-waaga ka taagan hirgelinta hanaanka doorasho ee 17-kii Sebtember ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

    Waxaan ugu baaqaynaa saamilayda siyaasadeed ee sare inay muujiyaan hogaan iyadoo la tixgelinayo danta umadda iyo inay si dhakhso leh u xalliyaan arrimaha ka taagan hirgelinta iyadoo loo marayo isu-tanaasul, si loosii guda galo geedi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo u dhaca sida ugu dhakhsiyaha badan.

    Saaxiibadu waxay ka mahad celinayaan dadaalladii lagu dhaqaaqay dhowaan. Gaar ahaan, waxay soo dhoweynayaan booqashadii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku tegay Galmudug iyo Puntland; wada hadalladii dhex maray madax sare oo badan oo Soomaaliyeed oo uu Garowe ku martigaliyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni; iyo xiriiradii uu sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor,” oo soo gudbiyay talooyinkii ka yimid Garowe unasoo gudbiyay madaxda DFS iyo xubnaha kale ee siyaasadda.

    Saaxiibadu waxay garwaaqsanyihiin in Heshiiska 17kii Sebtember ay ansixiyeen Dowladda Federaalka ah, dhammaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo labada gole ee Baarlamaanka, waxaana sidoo kale soo dhoweeyay musharaxiin badan oo u taagan xilka madaxweyne. In kasta oo saaxiibada iyo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka niyad jabeen in hanaankan uu aad uga hooseeyo doorashooyinka “qof-iyo-cod” ah, ayaa haddana heshiiska 17kii Sebtember wuxuu yahay aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021.

    Ma jiri karo dib-u-furid lagu sameeyo Heshiiska 17-kii Sebtember ama abuuritaanka hanaan kale ama mid barbar-socda. Waxaa loo baahan yahay in is-faham ballaaran oo loo wada dhanyahay laga gaaro hirgelinta [heshiiskaas] si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo geeddi-socodkan.

    Tani waa in ay la jaan-qaaddo ballan-qaadyadii lagu heshiiyay ee shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya. Saaxiibadu waxay soo dhaweynayaan dadaallo dardar-gelin leh oo sida ugu dhakhsiyaha badan loogu xalliyo arrimaha taagan, looguna soo gabagabeeyo is-faham la gaaro maalmaha soo socda, si ay doorashadu u bilaabato dabayaaqada bishan.

    Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan madaxda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan oo ay si buuxda u hirgeliyaan qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ku yeelanayaan baarlamaanka, sidii ay ugu ballanqaadeen heshiiska 17kii Sebtember.

    Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku celinayaan in hanjabaad kasta ama adeegsiga rabshado aan la aqbali karin. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeynayaan ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed xor ah oo furan kaas oo musharaxiinta ay awoodaan inay si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyadooda isla markaana ay warbaahintu awood u leedahay inay ku shaqeyso xayiraad la’aan.

    Waa in la joogteeyo jawigii wadahadalka iyo isu-tanaasulka ku salaysnaa ee hor-seeday in la gaaro Heshiiska 17kii Sebtember si geedi-socodka doorashada horay loogu sii amba qaado.

    • Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.