Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas oo wasiir Juxaa kusoo dhaweeyay qasriga madaxtooyada garowe
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas oo wasiir Juxaa kusoo dhaweeyay qasriga madaxtooyada garowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 23, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23 June 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS iyo dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa, kaas oo saaka subax nimadii ka soo kici timay magaalada Gaalkacayo.

    Kahor kulanka ayaa waxaa duleedka magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Wasiirka iyo weftigiisa masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, waxgarad, aqoon yahano iyo qaar kamida bulshada rayidka ah ee magaalada Garoowe.

    Soo dhoweyn kadib Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa iyo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa siwada jira ula hadlay bulsha magaalada Garoowe, waxaana ayย  si isku mida uga hadleen muhiimada ay leedahay kawada shaqaynta amniga iyo is dhexgalka bulshadda Soomaliyeed.

    Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Puntland Mudane. Axmed Karaash ayaa sheegay in shacabka Puntland markasta diyaar u yihiin is dhexgalka shacabka soomaaliyeed iyo sidii laysaga kaashanlahaa sugida amaanka Dalka, waxaana uu sidoo kale xushay in dawladda Puntland diyaar u tahay kawada shaqaynta waxkasta oo masiir u ah horumarka dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

    Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS iyo dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa oo shacabka magaalada Garoowe uga mahad celiyey soo dhoweynta diiran ee ay ku qabileen maanta ย isaga iyo weftigiisa ayaa kubooriyey shacabka Puntland inay iska kaashadaan nabada iyo xasiloonida ay Puntland ย ku caanbaxday, isla markaana ay markasta diyaar u ahaadaan sidii ay cadawgooda meel uga soo wada jeesan lahaayeen,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.