Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Michael Keating oo ka hadlay Qaraxii shalay khasaaraha balaaran sababay ee ka dhacay Muqdisho
    Somalia

    Michael Keating oo ka hadlay Qaraxii shalay khasaaraha balaaran sababay ee ka dhacay Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keatig ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay  Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.

    “Waxaan cambaareynayaa weerarki argagixiso ee naxdinta lahaa , kaas oo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo ay ka dhalatay  khasaaro baaxad weyn. Xeeladaha aan kala sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo.” ayuu yiri Keating.

    Wuxuu ammaan u jeediyay shaqaalaha hay’adaha amniga iyo caafimaadka gurmadkii degdegga ahaa ee ay u fidiyeen dadkii ku waxyeelloobay qaraxa isaga oo soo jeediyay in caddaaladda la hor geeyo dadkii ka dambeeyay Qaraxaasi.

    “Waxaan sii xoojineynaa taagerada aan ku taageereyno dadka Soomaaliyeed sida ay uga shaqeynaayaan xaqiijinta rajadooda ku aadan mustaqbal xasilooni iyo nabad ay ku dheehantahay.” ayuu raaciyay.

    Micheal Keating  ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxiibada dhammaan dadkii dhibku ka soo gaaray Qaraxii shalay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.