Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dabaqabasho Ma Laha.WQ.Maxamuud Guuleed Yuusuf ”Jeeni”
    Somalia

    Dabaqabasho Ma Laha.WQ.Maxamuud Guuleed Yuusuf ”Jeeni”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Oday baa waa waayada ka mid ah arkay nin doonayay in uu is-daldalo.

    “Adeer, maxaad isu dilaysaa?” odaygii ayaa ninkii ku yidhi.
    “Arrin reerkayaga iga haysata oo aan xal u waayay awgeed baan isu dilayaa,” ayuu ninkii ku warceliyey.

    “Adduunka waxaan xal loo heli karin ma jiraane, adeer, ii sheeg siday wax u jiraan, waa intaas oo aan dhibaatadaada xalkeeda helaa!”

    “Adeer, iskaddaa! Waa arrin cakiran oo aan xal loo heli karinnin. Adiguna waxba kama qaban kartid. Waxay ku habboontahay in aadan isku daalinnin oo aadan isku hawlinnin oo aadan waqtiga iskaga luminnin,” ayuu ninkii odaygii u sheegey.

    ”Nin kaa da’ weyn baan ahay. Nin dhacdooyin fara badan goobjoog u ahaa baan ahay. Nin garta naqa oo guurtida geyiga joogta ka mid ah baan ahay. Waaya-aragnimadayda ayaan doonayaa in aan la kaashado dhibta adiga ku haysata sidii aan uga jibaggaadhi lahaa. Horta, adeerow gacaliye, sababta aad isu dilayso ii sheeg!”

    Muddo ayuu ka meermeerey oo ka warwareegey in uu jawaab ka bixiyo waxyaabaha ku kallifay in uu is-daldalo. Ugu dambeeyntii, ninkii wuxuu odaygii ku yidhi: “Adeer, garoob gabadh wadata ayaan aabbahay ula imid, dabadeed wuu ii guuriyey oo iigu duceeyey. Goortaan haweeneydaydii la aqalgalay, ayuu aabbahay isna inantii ay ooridaydii dhashay, aniguna iyada aan aabbe ugu aaddanahay ayuu guursaday.”

    Muddo gaaban ayuu ninkii aammus galay oo hadal ka soo bixi waayay.

    ”Adeer ii wad sheekada oo ii dhammeeystir!” ayaa odaygii yidhi.

    Ninkii dhallinyarada ahaa waa sii watay hadalkiisii oo wuxuu yidhi: ”Inantii xaaskaygu dhashay ee aan waalidka u ahaa baa hooyo ii noqotay, illayn aabbahay baa qaba’e. Kolka dhinac kale laga eego. Aniga ayaa iyada aabbe u ah, illayn hooyadeed baan qabaaye. Xaaskaygii baa aabbahay soddoh u noqotay, illayn inanteedii buu qabaaye. Marka doc kale laga eego, aabbahay baa mar soddog u noqday, illayn aniga ayuu i dhalaye. Barbarka kale, wiilkaygii baa aabbahay seeddi u noqday, illayn walaashii buu aabbahay qabaaye. Odaygii i dhalay baa, si kale haddii loo dhigo, awoowe u noqday, illayn aniga ayaa dhalaye. Mar kalena, wiilkaygii baa walaalkay abti u noqday, illayn walaashii baa dhashaye, kolna isagii ayaa adeer loo noqday, saa walaalkay baa dhalay. Walaashii baa wiilkaygii ayeeyo u noqotay, illayn awoowgii baa qaba’e, mar kalena waa wada dhasheen. Ashqaraar iyo afkalaqaad waxaa noqday, xaaskaygii baa aniga ayeeyo ii noqotay, illayn walaalkay bay ayeeyo u tahaye. Argaggax iyana waxaa ah, walaalkay baan mar awoowe u noqday, illayn ayeeydii baan qabaaye.”

    Halkaa markii uu marinayay ayuu odaygii yidhi: ”Maandhow, bes iga dheh! Anigu xaajadan ku wareerey. Sheeko aan sii dhammeeystiran karo oo sii dhegeysan karo maaha. Arrintuna dabaqabasho ma laha. Bisinka iyo Burdaha inoo wada qabo, aynnu is-daldalno!”

    Maxamuud Guuleed Yuusuf ”Jeeni”
    London, 19.11.2016

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.