Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Puntland iyo Jubaland oo si wada jir ah uga hor yimid sharciga isgaarsiinta ee dawlada fadaraalku wadato
    Somalia

    Video:-Puntland iyo Jubaland oo si wada jir ah uga hor yimid sharciga isgaarsiinta ee dawlada fadaraalku wadato

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 9, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    C/nuur Cali Aadan wasiirka wasaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland ayaa sheegay in shir 06- bishii May ay isugu yimaadeen madaxda wasaaradaha isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada looga wadahadlay arimo ku saabsan sharciga isgaarsiinta dalka, waxa uu sheegay in shir kale lagu ballamay in la isugu yimaado magaalada Kismaayo si loo dhameystiro sharciga islamarkaana madaxda dowlad goboleedyada kasoo talo bixiyaan.
     
    “Waxaan ku ballannay Sharciga in naloo soo diro oo aan ka talo bixinno, way noo soo direen waana ka talo bixinnay, shir guud oo la isugu yimaado oo lagu soo bandhigo talooyinkii lasoo jeediyay ayay ahayd in Kismaayo la isugu yimaado 05 bishan, mana dhicin, oo waxaan ka warhelnay in xukuumadda loo gudbiyay oo ay meelmarisay sharciga” ayuu wasiiirku hadalkiisii raaciyay.
     
    Waxa uu sheegay in wixii ka yimaada arintaasi in uu masuuliyaddeeda qaadan doono wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka.
     
    Dhanka kale dawlada Puntland ayaa iyana dhankeeda ka hor timid sharcigaas ku saabsan isgaarsiinta ee ay ku talo xumaatay dawlada fadaraalka,
     
    Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Puntland cabdirisaaq Shiikh Aduunyo ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay arinkaas.
     
    Cabdirisaaq Shiikh Aduunyo wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Puntland ayaa sheegay in xeerkan aan lakala tashan,isla markaan uu ugooni yaay dawlada fadaraalka oo kaliya.
     
    ”Waxaan ku balansanayn shir aan Kismaayo iskugu nimaano hadaan nahay dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka iyo wasaarada isgaarsiinta fadaraalka,balse waxaan ka war helnay xeerkii waxaa loo gudbiyay golaha wasiirada fadaraalka oo waa la ansixinayaa shirkii Kismaayo waa la fashiliyay”ayuu yiri Shiikh Aduunyo.hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.