Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Turkiga oo laga xusay sanad kadib inqilaabkii fashilmay iyo Erdogan oo si kulul u weeraray reer galbeedka
    Somalia

    Sawiro:-Turkiga oo laga xusay sanad kadib inqilaabkii fashilmay iyo Erdogan oo si kulul u weeraray reer galbeedka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 15, 2017Updated:July 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa ku eedeeyay waddamada Galbeedka munaafaqnimo, xilli maanta uu dalkiisa xusayo sanad guuradii koobaad ee kasoo wareegtay isku-daygii afgembi.
     
    Madaxweyne Erdogan oo maqaal ku qoray wargeys ayaa sheegay in aanay wax marmarsiyo ah haysan dalalka saaxiibka la ah Turkiga ee sugay inta ay ka kala caddaanayso xaaladda isku-daygii afgembi.
     
    Waxa uu intaa ku daray in dalalka qaar ay magangelyo siiyeen xulafada Fethullah Gulen, oo ah wadaad fadhigiisu yahay Maraykanka, Erdogan-na uu ku eedeeyay inuu ka dambeeyay falkaasi.
     
    Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku gacan-sayray eedeymaha ah in xukuumaddiisa ay gacan bir ah ku qabatay dadka lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen isku-daygaasi afgembi.
    Dalka Turkiga waxaa maanta ka dhacaya munaasabado dhowr ah oo lagu xusayo sanad guurada koobaad ee kasoo wareegtay isku-daygii afgembi ee ka dhanka ahaa madaxweyne Rajab Tayid Erdogan.
     
    15-ka July ayaa waddankaasi looga asteeyay maalin fasax qaran ah, ayadoo la xusayo dhacdo uu madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid bedeshay taariikhda Turkiga.
     
    Madaxweynaha ayaa shir gudoomin doona kulan gaar ah oo uu maanta baarlamaanka Turkiga yeelan doono, ka hor inta aanu magaalada Istanbul uga qeybgalin isu soo bax ka dhici doona buundada Bosphorus, halkaasi oo dad diiddan isku-dayga afgembi ay habeenkii 15-ka July 2016 kaga hortageen askartii fulinaysay.
     
    Xukuumadda Ankara ayaa soo saartay wareegto aya shaqada kaga ceyrisay in ka badan todobo kun oo isugu jira saraakiil booliis ah, xubno dowladda ka tirsan iyo aqoonyahanno.
    Ankara ayaa ka dooneysa Maraykanka inuu Turkiga ku wareejiyo wadaadka Fethullah Gulen, oo ay sheegtay inuu ka dambeeyay isku-daygaasi afgembi.
     
    Madaxweyne Erdogan ayaa dalbaday in marnaba aan wax damqasho ah loo muujin kuwa shaqada laga tiray.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.