Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka oo Miisaaniyada Dawlada Fadaraalka ka doodisteedii bilaabay
    Somalia

    Video:-Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka oo Miisaaniyada Dawlada Fadaraalka ka doodisteedii bilaabay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 15, 2017Updated:July 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Miisaaniyada Lixda Bilood ee soo socota ay ku shaqaynayso Dawlada Fadaraalka Somaliya taasoo gaaraysa US$ 246,018,876. wadarta Guud,ayaa maanta xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya waxay bilaabeen in ay ka doodaan ansixinteeda.

    Miisaaniyadan oo lagu tilmaami karo midii ugu hufnayd uguna soo diyaarin wanaagsanayd ee soo marta Dawlada Fadaraalka,ayaa waxaa qoondo ka helay Ciidamada iyo Dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka sida Puntland,Jubaland,Koonfur-Galbeed,Hir-Shabelle iyo maamulka Cadaado ee aan sharciyada buuxin.

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaale Bayle ayaa wuxuu xubnaha Golaha Shacabka u sharaxay Isbadalka Miisaaniyada ee Sanadkan iyo waxyaabihii ay sanadkii hore kaga duwantahay, wuxuuna sheegay in sanadkan uu jiro isbadal badan oo ku yimid dadaalka ay dowladdu samaysay.

    Maamul Gobolka Banaadir ayaa Miiisaaniyada ka helaya dhaqaalaha ugu badan,kaasoo gaaraya $7,000 000 (Todobo milyan oo dollar).

    Puntland oo ah dawlada ugu faca weyn,ugu dhulka weyn,uguna shacabka badan dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka ayaa ka helaysa miisaaniyada dhaqaale ka hooseeya kan maamulka halka magaalo aan sida buuxda uga arimin ee Gobolka Banaadir,qoonadada miisaaniyada ee Puntland ay helayso,ayaa gaaraysa,$4,675,000 (Afar milyan iyo todobo boqol iyo todobaatan iyo shan kun).

    Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu helayaa lacag dhan $2,695,000 (Labo milyan lix boqol iyo sagaashan iyo shankun)

    Maamulka Cadaado ee aan sharciyada buuxin iyo maamulka Koonfur-Galbeed ayaa si isku mid ah waxay u kala helayaan lacag gaareysa $1,475,000 (Hal milyan afar boqol iyo todobaatan iyo shan kun) min maamul.

    Maamulka Hirshabeelle oo ah maamulkii ugu dambeeyay ee la dhiso ayaa noqday maamulka ugu lacagta yar, waxaana uu helayaa lacag dhan $700,000 (Todobo boqol oo kun).

    Ugu Danbayntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo kulanka soo xiray ayaa sheegay Miisaaniyadda uu soo gudbiyay wasiirka Maaliyadda ay la wareegeen Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka,Gudigaas oo marka uu soo Akhristo dib ugu soo celin doona Golaha,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/N3iYrsDJ_W4

     

     

     

     

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.