Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga xaajooday Shirkii Khamiislaha ahaa Ee Wasiirada Jubaland?
    Somalia

    Maxaa looga xaajooday Shirkii Khamiislaha ahaa Ee Wasiirada Jubaland?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 5, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kismaayo, 05, Ogoosto, 2021-Madaxweyne ku xageenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Adan, ayaa shir gudoomiyay shirka todobadlaha ah ee golaha xukuumada.

    Ugu horayn Shirka ayaa lagaga hadlay arimaha amaanka iyo xaaladahii u danbeeyay ee deegaanada Jubaland iyadoo Wasaarada amniga laga dhagaystay faah faahin ku saabsan qaraxii dhawaan lala beegsaday baska kooxda kubada cagta JCCI halkaas oo khasaare uu ka dhashay, waxaana Wasaarada amniga iyo hay’adaha amaanku ay sheegeen in wali baaritaan uu socda isla markana ay jiraan dad loo qabqabtay falkaas.

    Wasaarada Maaliyada ayaa soo gudbisay xeerka isbadalka sharciga qoondad Wasaarada maaliyada taas oo golahu ay falanqayn kadib dib ugu soo celin doonan fadhiyada danbe.

    Dhinaca kale Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa golaha la wadaagtay sidii gurmadka ay ugu samaysay ciyaartooydii waxyeeladu kasoo gaartay mashaqadii ay ku waxyeeloobeen qaar kamid ah ciyaartooyda kooxda JCCI iyadoo wasaaradu ay sheegtay in sidoo la daah furay tartanka horyaalka kooxaha kubada cagta Jubaland oo si habsi leh u socda.

    Wasaarada waxbarashadana waxaa ay soo gudbisay sida ay qeyb uga tahay heshiiska hormarinta waxbarashada ee Soomaaliya iyo Maraykanka kaas oo dib loogu habaynayo adeegyada waxbarashada Soomaaliya isla markana diirada la saarayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa kasoo laabanaya xeryaha qoxootiga.

                                  DHAMAAAD.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    October 31, 2025

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    October 31, 2025

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.