Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Deni oo daahfuray Shirka Madasha Bangiyada Islaamiga ah Ee Somaliya
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Deni oo daahfuray Shirka Madasha Bangiyada Islaamiga ah Ee Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 5, 2021Updated:August 5, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    https://youtu.be/hM4Z9YUkjbI

    Garoowe: 05 August 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Shirka Madasha Bangiyada Islaamiga ah oo muddo labo maalmood ah ka socon doona Garoowe.

    Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shirweynaha Bangiyada, wuxuuna rajeeyay in hadii siwanaagsan loo hagaajiyo nidaamka Bangiyada dalka in dalku horumar fiican uu gaari doono. Wuxuuna la wadaagay madaxda Bangiyada ee Shirka ka qeybgalaysa in Dowladda Puntland ay ahmiyad gaar ah siisay horumarinta maalgashiga iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

    “Bangiyada waxaan rajeynaynaa inay maalgashi u sameeyaan dhallinyarada iyo fursadaha ganacsi ee ay sameyn karaan, Dowladd ahaana diyaar baan u nahay inaan idinkala qeybgalno, xagga la fududeynta in damaanada ” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

    Shirweynaha Bangiyada Islaamiga ah ee Soomaaliya oo ay ka qeybgalayaan illaa 10 Bangi oo ka kala yimi guud ahaan Soomaaliya oo dhan, waa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Soomaaliya, waxaana kasoo qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Madaxda Bangiyada iyo Khuburo ku takhasustay dhaqaalaha adduunka .

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.