Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Nuxurka Warbixinta Somaliya Ee Swan ka hor jeediyay Shirka Golaha amaanka
    Somalia

    Nuxurka Warbixinta Somaliya Ee Swan ka hor jeediyay Shirka Golaha amaanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 13, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ergeyga Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo maanta warbixin kooban siinayay Golaha Ammaanka ayaa sheegay in horumar laga sameeyey siyaasadda Soomaaliya, tan iyo markii ugu dambeysay ee uu golahan la hadlo oo aheyd maalmo ka hor 27-kii bihsii May, xilligaas oo ay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Federaalka ah ay kala saxiixdeen heshiiskii hirgelinta doorashada.

    Swan ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu muujiyay hogaamiyenimo, isagoo kullamo wada tashi oo joogta ah la lahaa madaxda maamul goboleedyada si loo hirgeliyo heshiiskii doorashada.

    Waxa uu u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ay ka bilaabatay maamul goboleedyada.

    Swan ayaa intaas ku daray in kastoo guulo la taaban karo la gaaray, haddana loo baahanyahay in la xoojiyo ammaanka doorashada, oo uu sheegay in si gaar ah uu uga werwersanyahay.

    Waxa uu sheegay in sidoo kale loo baahanyahay in la xaqiijiyo qoondada kuraasta ee dumarka, dhallinyarada, iyo dadka la takooro oo laga qeyb geliyo siyaasadda.

    James Swan ayaa booriyay in caqabada mustaqbalka ka hor imaan kara doorashadan loo baahanyahay in lagu xaliyo si xasiloon iyo wada-hadal ku dhisan ismaqal.

    Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay weli ku tahay halis amaanka Soomaaliya, isla markaana ay xafiiska QM ee Somaliya ee UNSOM uu diwaan geliyay sanadkan 202-1ka 708 qof oo rayid ah oo rabshadaha Soomaaliya wax ku noqday. Dadkaas ayuu sheegay in 321 ka mid ah ay dhinteen, 387 kalena la dhaawacay.

    Swan ayaa sidoo kale sheegay in tacdiyada ka dhanka ah dumar ay kordheen, islamarkaana xaaladda bani’aadaminimo ay meel xun mareyso.

    Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay James Swan in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan howlaha doorashada, si buu yiri, waddanku uu xoogga u saaro dhinaca nabad gelyada iyo ahdaaftiisa horumarineed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    October 31, 2025

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    October 31, 2025

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.