Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Haldoor uqalma in loo xusho u adeegida bulshada Puntland
    Somalia

    Haldoor uqalma in loo xusho u adeegida bulshada Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 19, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Mohamed Abdirahman Jama Waa wadani reer Puntland ah oo firfircoon kana mid ah dhalinta Dalka gudihiisa wax ku baratey kana shaqaysay mudo dheer heerar kala duwan.
     
    Wuxuu lasoo shaqeeyey:-
     
    1.Ururada dhalinyarada (2000 – 2003).
    2.Hay’adaha caalimiga isagoo la fuliyey mashaariic ku wajahan bini-aadantinimada iyo marxaladaha adag sida musiibooyinka dabiiciga ah ee loo gurmanayay xiliyadii kala duwanaa ee Puntland soo marey.
     
    3.Masiibadii Tsumani ee dalka ku dhufatey 2004-tii,
     
    4.Dhawrista xaquuqda aadanaha gaar ahaan caruurta (UNICEF Funded Projects 2004 – 2005),
     
    5.Soo-celintii Qaxootiga Soomaaliyeed ee Ku Dhaqnaa Dalka Yemen (UNHCR-DRC 2006-2007),
     
    6.Xalinta khilaafaadka iyo fududaynta hawlaha nabadoonada Puntland (Conflict Mitigation & Management – MercyCorps 2008 – 2010),
     
    7.Tababarida & Kor-u-qaadida awooda fulineed ee ururada wadanigaa ee ka hawl-gala mashaariicda Xaquuqda aadanaha (PMN/PMT project -NRC/UNHCR 2011-2013).
     
    Mohamed Abdirahman Jama (Janogele) waxaa kaloo uu ka mid ahaa dhalintii iyo aqoon-yahankii heer farsamo ugu gurmadey hanaankii dhismaha ee dawlad goboleedka Jubaland,iyagoo ka duulaya taageeradii Puntland la garab taagnayd Maamulka Jubaland iyo heshiisyadii labada Dhinac ahaa oo ay saxiixeen hogaanka maamulada Puntland iyo Jubaland, isagoo gaar ahaan door muhiim ahaa ka qaaatay qorsitii dastuurka Jubaland iyo fududeyntii hanaankii doorashada madaxtooyada.
     
    Mohamed Abdirahman Jama (Janogele) waa haldoorka dhalinta ee reer Puntland oo leh han siyaasadeed isla markaana u carbisan,isagoo leh xiriir bulsho oo balaaran taasoo uu uga faaiideysan karo hawshii loo igmado.
     
    Waxaan Madaxweynaha talada haya ee Puntland Mudane Abdiwali Ali Gaas kula talinayaa in uu tixgaliyo khibrada Mohamed Abdirahman,isla markaana uu ku darsado hawl-wadeenada u adeegaya bulshada Puntland,gaar ahaan golaha wasiirada ee uu soo magacaabi Doono.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.