Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maanta Kulan La yeeshay Madaxa Hay’adda INSO Soomaaliya Iyo Madaxa Hay’adda UNSOM Puntland
    Somalia

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maanta Kulan La yeeshay Madaxa Hay’adda INSO Soomaaliya Iyo Madaxa Hay’adda UNSOM Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 19, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 July 2017 Qasriga madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Madaxa hay’adda INSO ( international NGO safety Organization) Mr. Marcos Ferreiro ee wadamada Soomaaliya, Kenya, Nigeria, iyo Cameroon iyo Madaxa hay’adda UNSOM xafiiskeeda Dawladda Puntland mr Haward Bell.

    Kulankan ay yeesheen Madaxweynaha iyo labadani masuul ayaa lagaga wadda hadlayey arrimo la xidhiidha gorfaynta warbixino si khalada ay ugud biyaan hay’addo ka shaqeeya gudaha degaanada dawladda Puntland, kuwaasi oo caadeystey inay xaaladd been abuura ka sheegan amniga iyo xasiloonida ka jirta Puntland.

    Arrinkani ayaa imanaya kadib markii shirkii Golaha Wasiiradda Dawladda Puntlaand  06 July 2017 kasoo sareen go’aan ah inaanay hay’adahaasi kasii shaqayn gudaha Puntland, waxaana ay golaha xukuumada dawladda Puntland isla shirkaasi fariin adag ugu direen hay’adaha ka hawlgala gudaha Puntland inaanay aaminin wararka been abuurka ah ee ay usoo gudbinayaan hay’addaha war xuma tashiilka caadeystey.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in aanay marnaba dawladda Puntland aqbalayn wax kasta oo wax yeelaynaya sumcadda, sharafta, cisiga iyo karaamada dawladda Puntland iyo shacabkeeda, isla markaana aan loo ogolaan doonin inay kasii shaqeeyaan gudaha Puntland cidii ku dhaqanta falalka been abuur ka ah iyo kuwa xanbaarsan ajandayaasha gaar ka ah, huwanna siyaasaddo dana gaara leh.

    Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay hay’addaha ka beriga ah arrimahaasi inaanay marna aqbalin, qaadana beentaasi cad ee lagu wax yeelaynayo shaqadooda.

    ==DHAMMAAD==

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.