Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qatar oo u muuqata in ay saaxada siyaasada kaga adkaatay dalalkii go’doomiyay
    Somalia

    Qatar oo u muuqata in ay saaxada siyaasada kaga adkaatay dalalkii go’doomiyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 20, 2017Updated:July 21, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Afarta dal ee Carbeed ee hormuudka u ahaa go’doominta Qatar ayaa ka soo debcay halkii ay taagnaayeen oo haatan kuma adkaysanayaan in Qatar saddex iyo tobankii qodob ee ay bishii hore u soo gudbiyeen ay fuliso.

    Diblomaasiyiin ka kala socda Sucuudiga, Imaaraatka, Baxrayn iyo Masar ayaa warfidiyeenka ugu sheegay xarunta Qaramada Midoobay in ay haatan doonayaan in Qatar fuliso lix qodob oo mugweyn.

    Qodobadan ay sheegeen waxa ka mid ah la dagaalanka argagixisada iyo xag jirka iyo in ay joojiso talaabooyinka carinta iyo kicinta ah.

    Qatar oo beenisa in ay argagixisada taageerto ayaan iyadu markiiba ka jawaabin hadalkan diblomaasiyiintu sheegeen.

    Waxay sidoo kale ganafka ku dhufatay qodobadii ay u soo jeediyeen dalalkaasi oo ay ku sheegtay in ay halis ku yihiin qarannimadeeda ama ay xad gudub ku yihiin xeerka caalamiga ah, waxaanay sidoo kale dhaleecaysay “go’doonka” ay geliyeen dalalka la olloga ahi.

    Diblomaasiyiinta ka socday afarta dal waxay warbixintii ay warfidiyeenka ku siiyeen xarunta Qaramada Midoobay ee New York ku sheegeen in ay doonayaan in xiisadda lagu dhameeyo xal sokeeye.

    Danjiraha Sucuudiga u fadhiya Qaramada Midoobay, Cabdullah al-Mucallimi, ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibadda ee dalalkoodu lixdan qodob ee cusub isku raaceen markii ay ku shireen Qaahira 5 Juulaay “waana kuwo u fudud Qatar oo ay aqbali karto” ayuu yidhi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.