Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Deg-deg:-Alshabaab oo dib uqabsaday Camaara
    Somalia

    Deg-deg:-Alshabaab oo dib uqabsaday Camaara

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 26, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta dib u qabsaday deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka Mudug, oo ay ka mid yihiin Bacaadweyne iyo Camaara.

    Al-Shabaab ay qabsashadan u suurta-gashay kadib markii deegaanadaas ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

    Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaas ay hadda ku sugan yihiin maleeshiyo badan oo aad u hubeysan oo kooxdan ka tirsan.

    Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay in deeganada ay qabsadeen aysan ku koobneyn oo kaliya Bacaadweyne iyo Camaara, balse ay sidoo kale la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Qaycad, Shabeellow, Sabeena, Gowraca, Gaadaay iyo Laas Gacamaye.

    Dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Camaara Talaadadii, ayey dowladdu sheegtay in Al-Shabaab looga dilay 90 maleeshiyo oo duqeymo lala beegsaday,halka Al-Shabaab ay sheegatay inay ku qabsatay 14 baabuurta dagaalka ah, dhowr askarina ku dishay.

    Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada dowladda iyo maamulka Galmudug oo la xiriira qabsashada Al-Shabaab ee Bacaadweyne iyo Camaara.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.