Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Wiilka Sodoga uu u yahay Trump oo beeniyay in uu xiriir la leeyahay Ruushka
    Somalia

    Video:-Wiilka Sodoga uu u yahay Trump oo beeniyay in uu xiriir la leeyahay Ruushka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 24, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Jared Kushner ayaa hor tagaya guddi ka tirsan Senet-ka oo baaraya inuu ka mid yahay koox ka tirsanayd ololihii Trump oo Ruushka wax la maleegtay si Trump uu u guulaysto.
     
    Kushner wuxuu sheegay inuusan samayn xiriir aan haboonayn, oo uusan ku tiirsanayn dhaqaale Ruushka ka yimid oo lagu maalgeliyey hawlihiisa ganacsiga.
     
    Wuxuu sii daayey hadalkiisa furitaanka ka hor kulanka uu guddiga la yeelanayo. Senetka, aqalka cad iyo guddi gaar ayaa intaba baaraya faragelinta Ruushka ee doorashada.
    Mr Kushner oo 36 jir ah wuxuu la taliye sare u yahay madaxweynaha, wuxuuna u xil saarnaa istaraatijiyada xagga internetka ee ololihii doorashada. Wuxuu qabaa gabadha madaxweyne Trump ee la yiraahdo Ivanka.
     
    Mr Kushner oo aan inta badan saxaafadda ka soo muuqan ayaa hor fariisanaya maanta guddiga senetka u qaabilsan sirdoonka, berrina wuxuu hor fariisan doona isla guddigaas oo kale oo ka tirsan kongareeska.
     
    Hadalka oo guddiyada labada aqal uu ugu tala galay ayuu ku yiri “ma aanan maleegin, mana garanayo qof ololaha ka mid ah oo wax la maleegay dawlad shisheeye”.
    “Marka laga hadlayo xiriirradayda Ruushka ama wakiillada Ruushka intii uu ololuhu socday, aad bay u adag tahay in wax laga dhex helo” ayuu yiri.
     
    Dhamaadka hadalkiisa qoraalka ah ayuu ku yiri “laga yaabee afar xiriir oo wakiillo Ruush ah” intii uu ololuhu socday iyo ka dib labadaba.
     
    Wuxuu ula jeeday kulan uu la yeeshay qareen Ruush ah oo la yiraahdo Natalia Veselnitskaya bishii Juun ee sannadkii hore.
    Sida la sheegay waxay ballan qaadday macluumaad dhaawac u gaysanaya Hillary Clinton.
     
    Trump iyo Putin oo la ogaaday in ay kulan qarsoodi ah yeesheen Mr Kushner wuxuu sheegay inuu kulanka goor dambe yimid, isagoo xaqiiqsaday in wax aan badnayn laga wada hadlay oo aan “wakhti badan la wada qaadan”.
    Wiilka Madaxweynaha,
     
    Donald Trump Jr ayaa sheegay in ninkii ololaha madaxda ka ahaa, Paul Manafort, uu sidoo kale kulanka joogay, isla markaana macluumaad wax u dhimaya Mrs Clinton aan halkaa lagu soo bandhigin.
     
    Hal arrin oo Mr Kushner lagu kululayn karo ayaa ah caddaynta uu sameeyey ee xagga amniga ah, isagoo markii hore ogolaaday inuu ku guul darraystay inuu shaaca ka qaado xiriirrada uu ku leeyahay Ruushka.
     
    Wuxuu sheegay in faylka hore oo ahaa qoraal qabyo ah oo meelo badan laga tirtiray uu si khaldan u fayl gareeyey qof gacan yare u ah 18kii January, caddaynta xiriirradiisa uu dibadda ku leeyahay oo Ruushka kaliya aan ahaynna si caadi ah loogu soo daray 6dii bilood ee ku xigtay.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.