Go’aanka ICJ Soomaaliya maxuu uga dhiganyahay?
Soomaaliya waxay u tahay guul taariikhi ah go’aanka Maxkamadda ay gaartay maanta.
Codsiyada Soomaaliya ee Maxkamadda ay u gudbisay inta badan waa la aqbalay, halka la diiday kuwa Kenya badankood, waxaa kamid ahaa codsiyada Soomaaliya.
- In si dhamaystiran loo kala xadeeyo Xadka Kenya iyo Soomaaliya, taas oo ay Maxkamadda aqbashay, una xadeysay si dhameystiran.
- In la cadeeyo halka dhulka uu ku dhamaanayo ee laga qaadayo Cabirka, taas oo ay Maxkamadda aqbashay, go’aamisayna in PB-29 ay tahay halka laga qaadayo cabirka.
- Soomaaliya waxa ay codsatay in cabirka badda loo raaco xariiqa loo yaqaano equidistance line kaas oo ay Maxkamadda raacday balse ay wax ka badashay, halkii Soomaaliya ay rabtay professional equidistance line ayey Maxkamadda fara-galisay, waxayna sameeyey wax loo yaqaano adjustment line iyadoo tix-galin sameeyey, balse dhulka lagu murunsanaa waxuu galayaa xoogiisa xariiqa Soomaaliya.
- Maxkamadda waxa ay diiday dooda Kenya ee ah in dhulka Soomaaliya iyo Kenya uu horey u kala xadaysnaa laga soo bilaabo 1979-kii.
- Maxkamadda waxa ay diiday dooda Kenya ee xadeynta badda in loo raaco xariiqa “The parallel of latitude”.
- Maxkamadda waxa ay Soomaaliya ka diiday Mag-dhawgii iyo dacwaddii ku xad-gudubka biyaheeda, waxayna Maxkamadda ku sababaysay in uu jirey murun, horeyna aan loo kala xadayn labada dal.
Si kastaba go’aanka Maxkamadda waxuu u yahay Soomaaliya guul taariikhi ah.
Halkan ka daawo muuqaalka