Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirkada Facebook Oo magacii iska badashay
    Somalia

    Shirkada Facebook Oo magacii iska badashay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 28, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay iska baddashay magaca lagu aasaasay, ayna la baxday Meta, tallaabadaas oo qayb ka ah isbaddal weyn oo lagu sameynayo shirkaddan.

    Waxaa sidooda ahaan doona adeegyada Facebook, Instagram iyo WhatsApp balse shirkadda wayn ee ay hoos imaadaan oo markii hore xitaa dusha sare ka ahayd Facebook ayaa loo yeelay magaca cusub.

    Maamulka shirkaddan ayaa sheegay inay “sii badinayaan” waxa uu magacooda ka dhigan yahay marka loo eego adeegyada ay qabtaan, kuwaasoo ka gudbay baraha bulshada oo hadda gaaray meelo kale sida muuqaallada qalabka indhaha la isu galiyo.

    Tallaabadan ayaa daba socotay sheekooyin lagu weeraray Facebook oo lagu saleeyay dukumiintiyo uu soo dusiyay nin horay uga tirsanaa shaqaalaheeda.

    Frances Haugen ayaa ku eedeeyay shirkaddan in ay “badbaadada ka hormariso sidii ay dhaqaale ku heli lahayd”.

    Sanadkii 2015-kii waxaa sidan oo kale magaca looga baddalay shirkadda Google oo loo bixiyay Alphabet, hase yeeshee, magacaas cusub ayaan meeshiisa laga qaadin, ilaa haddana lalama qabsanin.

    Arrintan ayaa kusoo aadday xilli horaantii bishan October ay cillad ku timid adeegyada Facebook oo mar qura hawada ka baxay meelo badan oo ka mid ah dunida.

    Bal qiyaas Duni bilaa facebook ah.

    Dhowr saacadood ayay Facebook hawada ka maqneyd waxaana ka dhashay saameyn aad u ballaaran oo isugu jirta dhinaca isgaarsiinta iyo dhaqaalaha.

    Ma ahayn oo kaliya in bogga hoos u dhacay, balse dhammaan raadadkiisii ​​ayaa meesha ka baxay. Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda ayaa xitaa laga xannibay xarunteeda inay galeen maadama kaararkii lagu geliyay ee qaabka dijitaalka u shaqeynayay ay fadhiisteen.

    Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaan durba aragnay mowjado warar aan wanaagsnayn oo ku saabsan Facebook iyo sida ay wax kasta uga hormaisay danaha macaash ee shirkadda.

    Kevin Roose oo wax ku qoray Wargayska New York Times, ayaa yiri: “Facebook waa uu ka daciifsan yahay sidii aan ku naqaannay.” Dadka qaar ayaa qiyaasayay in ka maqnaashahii hawada ee Facebook ay sababtay jabsi -loo geystay shirkada.”

    Facebook wuxuu noo soo bandhigay dhadhanka waxa adduunyada xorta ah ee warbaahinta bulshada ay u ekaan doonto Oktoobar 4 ka dib markii app-ka Facebook, Instagram, iyo WhatsApp ay hawada ka maqnaayeen in ka badan shan saacadood.

    In kasta oo maalintaas ay cadaab u ahayd qof kasta oo adeegsada WhatsApp si uu ula xiriiro qoysaska iyo asxaabta, haddana waxaa la sameeyay kaftan ku saabsan dhacdadaasi iyadoo la sheegay in dadka ay isugu yimaadeen barta Twitter -ka,

    Mark Zuckerberg waxaa laga yaabaa inuu lumiyey dhowr bilyan oo doollar, laakiin dadka caadiga qaar ayaa sheegay inay u maleeyeen inay marayaan sagaashameeyadii.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.