Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay salka ku haysataa xiisadda ka dex aloosan Britain iyo France?
    Somalia

    Maxay salka ku haysataa xiisadda ka dex aloosan Britain iyo France?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 29, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dacwad oogayaasha France ayaa Jimcaha maanta ah amar ku bixiyay in maxkamad la soo taago kabtanka markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Britain kaasi loo haysto in uu soo galay biyaha Faransiiska ruqsad la’aan, waxayna taasi sare u sii qaadaysa muranka xuquuqda kalluumaysiga oo keeni kara loollan ama dagaal dhanka ganacsiga ah.

    Maamulka badaha ayaa markabkan gacanta ku dhigay Arbacadii, iyagoo sheegay in aaladda lagula socdo maraakiibta ay ku ogaadeen in uu ka aruriyay in ka badan laba tan oo kalluun ah biyaha Faransiiska iyada oo aanu haysan shati ama ruqsad.

    “Kabtanka markabka Cornelis Gert Jan ayaa loogu yeeray in uu yimaado dhageysiga maxkamadda Le Havre bisha August 11, 2022,” ayuu ku xigeenka dacwad oogaha, Cyrille Fournier ku yiri bayaan uu soo saaray.

    Waxa uu wajahayaa eedeymo ah “ ka kalluumeysiga aan fasaxa loo haysan ee biyaha Faransiiska ee doon ka timid meel ka baxsan Midowga Yurub,” ayuu hadalkiisa raaciyay, waxaana qabanaya ganaax ugu badnaan 75,000 euros ($ 87,000) iyo sidoo kale “ciqaabo maamul.”

    Milkiilaha doonta ayaa Jimcaha maanta ah ku celiyay in uu aaminsan yahay in doontu ay haysatay ruqsad sax ah oo ay kaga kalluumeysan karo biyaha Faransiiska.

    “Waxa ay u muuqataa in ay tahay isfaham la’aan maamul ama fasiraad ka duwan xeerarka,” ayuu AFP u sheegay Andrew Brown oo ah agaasimaha shirkadda Macduff Shellfish ee fadhigeedu yahay Scotland.

    Britain ayaa Jimcaha maanta ah u yeertay safiirka Faransiiska u fadhiya London si ay ugu sharraxdo “halisaha,” iyadoo tani ay timid saacado ka dib markii ra’iisul wasaaraha France Jean Castex uu soo jeediyay in la furo wadahadal si loo qaboojiyo xiisadda.

    Xoghayaha deegaanka Britain George Eustice ayaa maanta ku eedeeyay Faransiisku in uu adeegsaday “hadal qallafsan,” isaga oo aan meesha ka saarin in ay ka aargudan doonaan oo ay iyana mamnuuci doonaan in maraakiibta Faransiiska ay kalluunka ay soo qabtaan ku soo dejiyaan dekedahooda.

    Britain iyo France ayaa bilihii u danbeeyay isku khilaafsanaa sharciyada cusub ee ruqsadaha ee doomaha Midowga Yurub ee doonaya in ay ka howlgalaan biyaha ku wareegsan Britain gaar ahaan the Channel Islands.

    Paris ayaa ka digtay in haddii aan codsiyada shatiga loo oggolaan tobanaan kalluumaysato Faransiis ah, ay iyana marka la gaaro 2-da November mamnuuci doonto doonyaha Britain in ay dekedaha Faransiiska ka soo dejiyaan kalluunka ay soo qabtaan.

    Saraakiisha ayaa sidoo kale soo jeediyay in Farance ay sare u qaadi karto qiimaha korontada ee Jersey, oo ah magaalo koronto ahaan ku tiirsan dhul weynaha Faransiiska.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.