Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hal-heysyada ‘Igu Sawir’ iyo ‘Igu Dayo’ oo qabsaday baraha bulshada
    Somalia

    Hal-heysyada ‘Igu Sawir’ iyo ‘Igu Dayo’ oo qabsaday baraha bulshada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 27, 2017Updated:July 27, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Waxaa todobaadyadan baraha bulshada Soomaalida qabsaday olole lagu dhaliilayo dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana hal-heys looga dhigey kalmadda ‘Igu Sawir’ iyo sidoo kale olole kale oo lagu taageerayo dowladda oo loogu magac daray ‘Igu Dayo’.
     
    Ololahan waxa uu soo biloowdey sanadkii hore , waxaase hadda dib usoo cusbooneysiiyey hees cusub oo uu qaaday fanaanka Ilkacase Qeys, taasi oo hordhaceeda lasoo saaray. Heesta waxaa loogu magac daray ‘Igu Sawir’.
     
    Dowladda waxaa si gaar loogu dhaliilayaa arrin ku saabsan gabar lagu magacaabo Faa’iso Cabdullaahi, xidigle ciidamada xoogga dalka ka tirsan oo dhaawac soo gaaray ku curyaantay, kadibna madaxda dowladda ay u balanqaadeen in ay dhaqtar dibada ah u diri dooneen. Balse faa’iso waxa ay sheegtey in aanan waxbo loo qabanin.
     
    Kumanaan dhalinyaro ah ayaa baraha bulshada si joogto ah ugu faafinaya sawiro iyo qoraalo halheys looga dhigey ‘Igu Sawir’, qaarkood ayaa xitaa xayawaano isku soo sawiray.
    ‘Igu Dayo’.
     
    Dhalinyaro kale oo dowladda taageero u haya ayaa iyaguna bilaabay olole kale oo ay ugu magacdareen ‘Igu Dayo’, waxayna ku dhiirogalinayaan madaxda dowladda, iyaga oo boggaadinaya waxqabadka dowladda.
     
    Dowladda hadda jirta waa tan heshey taageeradii ugu badneyd ee shacabka meel kasta oo ay joogaan muddo sanado badan kadib ah, waxaana taageerada loo hayo aad looga dareemey baraha bulshada, ololahan ‘Igu Dayo’ ayaa la xiriira taageeradaasi xoogga badan ee loo hayo dowladda.
    Dowladda iyo Baraha Bulshada.
     
    Madaxda dowladda Soomaaliya ee cusub ayaa u badan rag dhalinyaro ah oo qurbaha ka yimid, aadna u isticmaala baraha bulshada, iyaga oo waxqabadkooda soo bandhiga. Wuxuu intaasi ku daray in laga yaabo in taasi ugu wacantahay guuxa dadweynaha.
     
    Waxaa xusid muddan in markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo magacaabayay Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre uu magacaabista ku shaaciyey boggiisa Twitter-ka , waxayna ahayd markii ugu horeysey oo taariikhda Ra’isulwasaare lagu magacaabo baraha bulshada.
     
    Sidaasi si la mid ah madaxda dowladda ayaa waxqabadkooda iyo meelaha ay booqdaan ku shaaciya baraha bulshada xitaa ka hor inta aysan warbaahinta dowladda faafinin.
     
    Balse dadka qaarkood oo aragtidooda soo dhigey baraha bulshada ayaa waxa ay farta ku fiiqayaan in dowladda ay u egtahay in wali ay ku jirto jawigii ololaha doorashada, sidaasina ay ugu wacantahay in la qoonsado sawirada madaxda ee sida joogtada ah usoo baxaya.
     
    Ma jiro mas’uul dowladeed oo wali ka hadlay guuxa dadweynaha.
    Xigasho BBC.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.