Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay dhamaan ajandayaashii Madaxtooyadu wadatay heshiiskii qarsoodiga ahaa kadib
    Somalia

    Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay dhamaan ajandayaashii Madaxtooyadu wadatay heshiiskii qarsoodiga ahaa kadib

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 27, 2017Updated:July 27, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Baarlamaanka Dawladda Puntland oo ku guda jira kal fadhigoodii 39aad ayaa maanta waxay ansixiyeen labo heshiis oo muhiim ahaa,Golaha oo ay maanta fadhiyeen 51-Xildhibaan ayaa codka ”HAA waxaa siiyay  heshiisyadaas 50-Xildhibaan halka 1-Xildhibaana Codka diidmada ah ku yato’ay,heshiisyada maanta ay sii daayeen Golaha Baarlamanaka Puntland ayaa kala:-
     
    1. Heshiis kii balaarinta iyo dhisidda Dekedda Bossaso. waxaana fulinaya shirkadda DPWorld oo Emirate ka laga leeyahay
     
    2. Heshiis kii dhisidda Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo iyo Jidka Garowe- Ayl. Waxaana fulinaya Shirkadda CCECC oo Shinaha laga leeyahay.
     
    Heshiisyadan ayaa muhiim u ah Puntland haday u hirgalaan sida la sheegay,waxayna kor uqaadi doonaan Kaabayaasha Dhaqaalaha dalka.
     
    Baarlamaanka Puntland ayaa Todobaadkii hore kalsoonida kala laabtay dhamaan Golihii Wasiirada Dawlada Puntland,iyadoo ilaa xiligaas ay soo baxayeen warar kala gadisan oo ku saabsan arintaas.
     
    Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxtooyadu qayb ka ahayd kalsooni kala laabashada Baarlamaanaaku sameeyay,halka wararka qaar ay sheegayaan in ay ahayd talaabo lama filaan ah oo Baarlamaanka kali ku ahayd kadib markii ay ubogi waayeen shaqada wasiirada.
     
    Talaabadaas kadib waxaa muuqata in Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ay wada shaqayntoodu soo wanaagsanaatay oo isku soo dhawaansho xoog leh uu jiro.
     
    Kulan hor dhac ah oo ay wada qaateen Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ayaa warar hoose oo laga helayo waxay sheegayaan uu ku soo dhamaaday is afgarad laguna gaaray heshiis dhawr qodob ka kooban.
     
    Baarlamaanka Puntland ayaa heshiiskaas kadib ansixiyay dhawr arimood oo madaxtooyada muhiim u ahaa,kuwaasoo kala ah…Xisaab xirka Miisaaniyada 2016,Xubin gudiga Doorashada oo loo wado Gudoomiyaha Gudiga Doorashada KMG Puntland Caaqil Shuuqe iyo maanta oo ay ansixiyeen Heshiisyadii Bosaso iyo Galkacyo.
     
    Dhamaan arimahan ay ansixyeen ee ay sii daayeen Xildhibaanada Baarlamaanka,ayaa ahaa qodobo ka mid ahaa qodobadii heshiiskii qarsoodiga ahaa ee dhexmaray Madaxtooyada iyo Baarlamaanka sida xogauhu sheegayaan.
     
    Waxaa xusid mudan in heshiiskaas dhexmaray Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Puntland uu salkiisu u ahaa in Xildhibaanadu helaan dhaqaale gaaraya hal Milyan oo Dolar.
     
    Talaabada Baarlamaanka Puntland qaaday ayaa ah markii dhinac walba laga eego mid waxtar u ah dawladnimada Puntland,madaama ugu yaraan ay muuqatay xoogaa dhaqdhaqaaq ah oo isla xisaabtan ah si walba haku yimaadee,sidoo kale waa markii ugu horaysay ee Baarlamaanku la xisaabtamo Golaha Fulinta kuna dhiirado talaabooyin noocaas oo kale ah,ujeedo walbaa haka lahaadeene..
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.