Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Gaas oo qaabilay maanta Gudiga dhismaha wadada Ceeldaahir -Ceerigaabo
    Somalia

    Madaxweyne Gaas oo qaabilay maanta Gudiga dhismaha wadada Ceeldaahir -Ceerigaabo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 27, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  27 July 2017 kulan kula  yeeshay qasriga Madaxtooyada Garoowe guddiga dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

    Kulankani ayaa waxa ay guddigu Madaxweynaha uga xog-bixiyeen xogo ku saabsan meesha ay marayso shaqadda dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, isla mar’ahaantaana waxa ay kulanku intii uu socdey soo bandhigeen muuqaalo muujinaya sida ay shaqadu u socoto iyo meesha ay marayso dhismaha waddadu.

    Xubnaha Giddiga Ceeldaahir-Ceerigaabo ee Madaxweynaha layeeshay kulanka ayaa waxa ay Madaxweynaha u cadeeyeen inay waddada dhismaheedu marayo magaalada Middigale oo Ceeldaahir u jirta 50km, taas oo micnaheedu yahay  in waddada la dhamaystiray intii ugu adkayd dhulka, una baahnayd khibrad iyo dedaal dheeraadda.

    Sidoo kale Gudddiga ayaa waxa ay Madaxweynaha Dawladda Puntland faah-faahin kasiiyeen qaabka loo waajihi doono dhismaha waddada wejiga labaad ee daamurka iyo jayga, iyagoona sheegay in waddada loo dhisidoona si casriya oo la midda kuwa ay hirgashadaan waddamada horumaray, sidoo kale gudiga ayaa cadeeye inay qaadan doonaa 11 Engineer oo  dhalinyaro muwaadiniin ah.

    Dhinaca kale guddiga ayaa sheegay in waddada balaceedu ahaan doono ”9m” taasi oo u jeedkeedu yahay in labada gaadhi ee waddada isku dhaafayaa u dhexeeyso masaafo kufilan, tayo ahaan iyo qorshe ahaanba dhismaha waddadu waa mid ka fajacin doonta shacabka Soomaaliyeed  iyo indhaha beesha caalamkaba, waxaana ay guddigu Madaxweynaha uga Mahad celiyeen fekerka saliimka ah ee dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo uu isagu iskalahaa muhandiska iyo fekredda dhismaha waddadaasi.

    Madaxweynaah Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa guddiga ku amaanay shaqadda wanaagsan ee ay ka qabteen hirgelinta waddadaasi iyo sida micnaha leh ee ay uga soo baxeen dardaarankii shacabka ay u hayaan shaqadani, sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in shaqaalaha waddadani yihiin kuwo xirfad u leh shaqadda ay qabanayaan, isla markaana waxa uu wax lagu farxo ku timaamay Madaxweynuhu taladda ay guddigu qaateen ee ah in ay shaqaalaysiiyaan dhalinyaro muwaadiniin ah, taasina ay dhiiri gelinayso dhalinta Soomaaliyeed ee dalkooda wax u soo bartay.

    Ugu danabaytii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in waddada qalabka lagu dhisayaa yahay kuwo tayo leh dhaxalna unoqon doona qorshayaasha mustaqbalka dhaw iyo kan fogba ee Dawladda Puntland, sidoo kale Madaxweynaha ayaa cadeeyey in wadda kharashka lagu dhisayo uu ku yimid iskaa shiga shacabka iyo dawladda Puntland, kuna hirgalay halkudhigii ”Puntland ha isku tashato”, isla markaana aanay wax gacan ah kulahayn cid ka baxsan intaasi, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in dhismaha waddada loo gudbi doono dhowaan wejigii labaad.

    ==DHAMMAAD==

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.