Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Afhayeenka Aqalka Cad oo iscasilay
    Somalia

    Afhayeenka Aqalka Cad oo iscasilay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 21, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Afhayeenka Aqalka Cad ee looga arimiyo Maraykanka, Sean Spicer, ayaa iscasilay, ka dib markii sida la sheegay uu ka biya diiday isku shaandheyn lagu sameeyay kooxda warfaafinta ee uu madaxa u ahaa.
     
    Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Spicer uu shaqada ka tegay ka dib markii uu madaxweyne Donald Trump nin cusub u magacaabay agaasimaha warfaafinta ee Aqalka Cad.
     
    Anthony Scaramucci oo ah ganacsade laga yaqaano Wall Street ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub, shaqadaas oo uu si kumeelgaar ah u hayay Spicer.
     
    Spicer ayaa todobaadyadii dambe qolka wararka ee Aqalka Cad ka mamnuucay kaamarooyinka telefishinnada.
     
    Isku shaandheynta ayaa kusoo beegmaysa xilli mas’uuliyiin ka tirsan Aqalka Cad ay wajahayaan baaritaan ku aaddan faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii hore.
     
    Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Spicer oo 45 jir ah uu rumaysan yahay in magacaabidda Scaramucc ay tahay “khalad weyn” oo uu sameeyay madaxweyne Trump.
     
    Mike Dubke oo hayay shaqadaasi ayaa iska casilay bishii May ee sanadkan, waxaana xilkaasi iyo afhayeenka Aqalka Cad isku hayay Sean Spicer.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.