Dawladda Itoobiya ayaa ka mamnuucday Deegaanka Soomaalida in ay ka hawl-galaan 14 Telefishan iyo idaacadda BBC Somali, Waxaana Dawlada Itoobiya Sheegtay in aanay ogolaansho ka haysan Hay’adda Warbaahinta Ethiopia (Ethiopian Media Authority). Dawlada dhexe ee Itoobiya ayaa warqad ay usoo dirtay Deegaanka Soomaalida ayaa lagu faray in ay albaabada u laaban warbaahinta dalka dibadiisa ee aan fasaxa haysan. Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Soomaalida ayaana amaarkaas fulisay,waxaana shaqadii laga joojiyay 14 Telefishan iyo Idaacada BBC ee Soomaaliga. Ku: Dhamaan Warbaahinta Dalka dibadiisa laga leeyahay ee Fasaxa haysan ka na hawlgala DDS. Ujeedo: Shaqa joojin………………….Xafiiska Warfaafinta Dawalada Deegaanka Soomaalida oo tix raacaya warqada…
Author: Jibril Qoobey.
Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay caawa magaaladaasi ku dileen Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Galmudug, Farxiya Cabdi Maxamed. Haweeneydan ayay kooxahaasi ku dileen Degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley), iyagoona dilka ka dib ka baxsaday goobtaasi. Haweeneydan ayaa waxa ay ka mid ahayd Golihii Wasiirada ee 5-tii bishii December uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumadda, isagoona dilkeeda ku eedeeyay kooxaha argagixisada. Farxiya Cabdi ayaa door weyn ku laheyd abaabulka gulufkii ballaarnaa, ee ay ciidamadu 16-kii bishan kula wareegeen gacan ku haynta Degmada Xarardheere…
Waxaa soo gabo gaboobay Wajiga koobaad ee dhismaha Wadada Bursaalax- Gaalkacyo. 26-km oo ka soo bilaabatay Bursaalax kuna dhamaatay Bayra.,ayaa hirgalay. Dhismaha Wadadan,waxaa fulinaysay Hay’adda Wadooyinka Puntland oo kaashanaysa Bushada Deegaanka. Agaasime Cabdifitaax Sugulle waa ku amaanan yahay dadaalka uu geliyay Wadadan dhismaheeda. Bursaalax waa mid ka mid ah Degmooyinka Puntland ee horay utalaabsaday. Jibril Qoobey.
Ku dhawaad Todobaatan Maleeshiyaadka argagixisada Daacish ah,ayaa lagu dilay weeraradii Maraykanku ka fuliyay Buuraha Bari ee Puntland Habeenno ka hor. 19-Gantaal,ayaa lagu dhuftay 7-fariisin oo argagixisada Daacish ku lahayd Buuraha Calmiskaad. Raga laga laayay,waxaa ku jiray hogaamiyihii Ururka argagixisada Daacish ee guud ahaan Somaliya. Ciidamada Maraykanka ee hawlgalka fuliyay,ayaa kasoo kacay Markab Badda taagnaa. Hawlgalkaas,waxuu ahaa mid guulaystay oo xataa,waxuu baqdin geliyay shaqsiyaadka Hubka iyo Raashinka ka iibiya argagixisada ee ku sugan gudaha Magaalooyinka.
Afar Boqol oo ka mid ah Ciidamadii Eretereya laga keenay,ayaa ka baxsaday Xeradii ay ku xaraysnaayeen,sida wararku sheegayaan. Waxaa jira dhaawacyo soo gaaray Ciidamada qaarkood xiligii ay fakanayeen,sida ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan. Waxaa la qiyaasaa in ay ugu yaraan 2000 oo Askari ay diyaar uyihiin in ay ka baxsadaan Xerooyinka lagu ilaaliyo. Madaxweyne Xasan,ayaa dhawr jeer iskaga daba noqday si uu ula hadalo Ciidankaas,waxayse umuuqataa in la hadalkaas uusan waxba tarin. Ciidamada,ayaa ubadan Arday kasoo baxday Dugsiyada sare oo markii hore lagu qaatay in Qatar la gaynayo oo ay heli doonaan Mushahasr wanaagsan. Haatan waxay si weyn uga walaacsan…
Garaadada Beesha Dhulbahante ee shiraya,waxaa la gudboon in aysan ku dhisin fadhigooda wax Maamul ah. Waxa Kaliya ee laga rabo,waa…… 1.In ay dhisaan Gudiga Difaaca.2.In ay dhisaan Gudiga Taakulada.3.In ay ku dhawaaqaan maalin go’an oo loo qabto Ciidamada Somaliland in ay ka guuraan Dhulka Dhulbahante. Soo jeedintaydaas,waxay ku fadhidaa Sadex arimood oo kala ah…. 1.In Beesha Dhulbahante isku duubnideeda hada jirta kala dhantaalmayso hadii Siyaasad loo gudbo xiligan xasaasiga ah. 2.In Somaliland aan loo jeexin Wado ay ku bilowdo dagaal,iyadoo ka dhiganaysa msrmarsiiyo Maamul Sharcidarro ah baan la diriraynaa. 3.In uusan lumin furaha xoraynta oo hada ah Beel kacdoon samaysay…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland,ayaa maanta magaalada Badhan ee Xarunta gobolka Sanaag tababar uga furay shaqaalaha diiwaangalinta codbixinta Doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka Shacayb-doona goobaha diiwaangalinta Gobol ee Sanaag oo ka mid ah Saddex-da Gobol ee Wajiga 2-aad ee diiwaangelintu ka dhacayso. Cabdirixmaan Cabdillaahi Jaamac Dayax oo ka mid ah xubnaha saree e Guddiga, Xoghaya Guud ee Guddiga Marwo Ubax Abshir, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Cabdirixmaan Suldaan iyo Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guddiga,ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay si fiican uqaataan tababarkan lagu barayo habka diiwaangalinta iyo qaabka ay udiiwaangalinayaan codbixiyayaasha Doorashooyinka qof iyo codka ah. Daahfurka Tababarka…
Kaliya 3% Ardayda kasoo baxday Dugsiyada Dalka Itoobiya, ayaa ku guulaystey darajooyin ku filan, oo ay Jaamacad ku geli karaan,ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Berhanu Nega, oo natiijada imtixaanadii u danbeeyay ku tilmaamay mid laga naxo. Wax imtixaan ah lagama qaadin Gobolka Tigreega ee ay colaaduhu ragaadiyeen, halkaas oo dowladda federaalku aysan wax waxbarasho ah bixin muddo labo sano ah. Waxaa kale oo muran ka dhashay wakhtiga la qaadayo imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Ardayda ku nool deegaamada,ay sida weyn u saameeyeen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Waqooyiga Wadanka, oo ay ka mid tahay Gobolka Axmaarada, oo la sheegay in 12,000 oo…
Ra’iisul wasaaraha waddanka Talyaaniga, Giorgia Meloni,ayaa gaartay caasimadda waddanka Liibiya ee Tripoli, halkaas oo la filayo in ay ku soo gasho heshiis Gaas oo ballaaran. Shirkadda Shidaalka ee ay leedahay Dowladda Liibiya,ayaa heshiis ku kacaya 8-Bilyan oo dollarka Mareykanka waxa ay la gashay shirkadda weyn ee tamarta ee Eni, si xeebaha Liibiya looga qodo Ceelal Shidaal. Heshiiskan,ayaa imaanaya xilli Yurub ay dhex maquuranayso dhibaato daran oo dhanka tamarta ah,halka kala qoqobnaan ba’an ay ka dhex jirto gudaha Waddanka Liibiya. Ms Meloni,ayaa waxa ay marka hore ra’iisul wasaaraha Liibiya ee ay caalamku Dowladdiisu aqoonsan tahay kala hadli doontaa, mid kamid ah…
“Dowladda Puntland marna ma aqbalayso in hannaanka horumarinta dalku uu noqdo mid sababaya in uu dib ugu noqdo Dal meel Dhexe go’aamadiisa laga gaaro” Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka socda Hay’adaha Dowladda Puntland ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Garowe wefti ka socday Banggiga Adduunka oo ay hogaaminaysay Madaxa Bangiga ee Somaliya Mrs Kristina Svensson. Kulanka oo uu shir guddoominaayey Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayna ka qayb galeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Biyaha iyo Macdanta, Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru Dowlaha Qorshaynta, Agaasimaha Madaxtoyada, Agaasime ku-xigeenka Banggiga Puntland, Xisaabiyaha Guud iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda. Shirka waxaa si qoto dheer looga wada hadlay mashaariicda horumarinta ee Banggiga Adduunka ka fulinayo Somaliya, gaar ahaan Puntland. Shirka,ayaa ku soo…
Muqdisho, Janaayo 28, 2023: Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 13-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ajandihiisu ahaa; 1)Qeybinta Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka. Furitaanka Aayadaha Qur’aanka kariimka maanta waxaa xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ka hor Aqriyay Sheekh Xasan Al-Waajidi oo kamid ahaa xubnaha culimadii ka qeybgalayay Shirka Culimada Soomaaliyeed ee dhawaan ku soo gabagaboobay magaalada muqdisho. Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa soo xiray kulanka maanta Asigoona xildhibaanada siiyay muddo 3 maalin ah in ay ku soo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Dhagax dhiggay dhismaha Wadada Alraxma iyo Dhismaha Wadada Badda cas, labadaasi wado oo laami laga dhigayo waxaa laga fulinayaa Mashruuca Horumarinta degmooyinka Puntland JPLG Qeybta Horumarinta ee LDF. Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray Xaafadda cusub ee sida Casriga ah ee loo dhisayo ee Guryasamo, Goobta nasashada ee Green City, Labada xarumood ee Soolarka Boosaaso iyo qeybta Korontada ee Shirkada Isgaarsiinta Golis. Dhagax dhigga iyo kormeerka Madaxweynuhu sameeyay maanta waxaa ka warbixiyey Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani. Halkan ka daawo muuqaalka
WARGELIN GO’AAN. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan inta ay quseyso go’aan Madaxweynaha Dowladda Puntland uu ka gaaray deegaanada lagu muransanaa soohdimahooda deegaan-doorasho ee Cawsane, Habarshire iyo Gooraan. Kadib wadatashi iyo faalayn ay Magaalada Bosaaso ku yeesheen qaar kamid ah Golayaasha Dowladda, Waxaa la go’aamiyey Iyadoo la raacayo qawaaniinta Puntland, Dowladda ayaa kadib doorashada Degmooyinka, waxay dib u eegis ku sameyn doonta soohdimaha Degmooyinka cusub ee Puntland si loo dhammeystiro kala xadeynta Degmooyinka iyo Gobolada Puntland. Fulin wacan. Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
Hogaamiyaha militariga Sudan,ayaa sheegay in “Sudan iyo Itoobiya ay isku afgarteen dhammaan arrimaha ku saabsan” biyo xireenka weyn ee Itoobiya. Biyo xireenkan,ayaa lagu muran sanaa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Dowladda Sudan ee Suna. Isagoo ka hadlayay mar uu Khartuum kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, oo safar shaqo ku jooga magaalada Khartoum Khamiistii, Gen Abdel Fattah al-Burhan, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya dalalka Sudan iyo Itoobiya. Abiy,ayaa waxa uu sheegay in biyo xireenka wabiga Niil uusan “wax u dhimi doonin danaha Sudan, balse uu ka…
Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, ayaa ku amray maamulayaasha dowladda ee gobollada dhexe ee dalkani, inay dhaqan geliyaan awaamiirta hal baarmagaalo kasta, oo soo baxday todobaadkii hore. Rigathi Gachagua, ayaa waxa kale oo uu doonayaa in qaybaha madadaalada ee gobolka, ay shaqeeyaan oo kaliya inta u dhaxaysa 05-ta galabnimo illaa iyo 11:00 saqda dhexe, taasoo ah tallaabooyin cusub oo loola jeedo in lagula tacaalo khamriga. Waxaa jirta cabsi laga qabo in awaamiirtani ay riixi doonto qaar badan oo caba maandooriyahani, inay maciin bidaa khamriga guriga lagu sameeyo – oo inta badan lagu daro kiimikooyinka warshadaha. Kal hore ayaa waxaa lasoo…
Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP,ayaa ka digtay in tirada ugu badan ee dadka ku nool Suuriya aysan haysan cunto ku filan. Ka dib markii ay ku soo jireen in ka badan Toban sano oo colaado ah, hay’adda Qaramada Midoobay,ayaa sheegtay in ku dhawaad Saddex Milyan oo Suuriyaan ah ay hadda halis ugu jiraan Gaajo. Nafaqo darida hooyada iyo caruurtooda,ayaa ku sii badanaysa xawli aan horay loo arag. Agaasimaha fulinta ee WFP, David Beasley, ayaa ka digay in ay jiri karaan mowjado kale oo tahriib ah, haddii aysan beesha caalamku u kicin sidii ay u caawin lahayd shacabka Suuriya. Qaramada Midoobay…
Fallaagada Bariga Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo ayaa qabsatay magaalo muhiim ah,Saddex Maalmood uun kadib markii ay dagaal culus la galeen Ciidamada dowladdda. Afhayeen u hadlay kooxda M23, oo lagu magacaabo Willy Ngoma,ayaa sheegay in ay iyagu hadda Gacanta ku hayaan maamulka magaalada Kitshanga. Raadiyaha maxalliga ah ee Qaramada Midoobay ay taageerto ee la yiraahdo (Okapi) ayaa sidoo kale wariyay qabsashada magaalada –halkaasi oo ahayd jidkii ugu dambeeyay ee furnaa una dhexeeyay xarumaha dhaqaalaha ugu muhiimsan ee kalaah gobollada Kivu iyo Butembo. Saraakiisha Qaramada Midoobay ee ee Conga,ayaa cambaareeyay horusocdka dagaalyahanada M23 oo sanadkii hore lagula heshiiyay in ay isaga…
Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga,ayaa ku eedeeyay xukuumadda Moscow inay ku xad gudubtay mabaadi’da aasaasiga ah ee ilaalinta xuquuqda carruurta xilliyada dagaalka iyadoo baasaboorka Ruushka siisay carruurta aan lala socon ee ka qaxay Ukraine una ogolaatay in ay qaataan Qoysaska Ruushka. Filippo Grandi,ayaa hadlayay ka dib booqasho lix maalmood ah oo uu ku tagay Ukraine. Mr Grandi ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan baaxadda dhibaatada. Laakiin waxa uu sheegay in UNHCR ay isku dayi doonto in ay si dheeraad ah u hesho carruurtan oo kale, oo ay ka shaqayn doonto xal u helida dantooda -…
Wasiirada socdaalka ee Midawga Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Stockholm ee dalka Sweden si ay dib u eegis ugu sameeyaan siyaasadaha socdaalka, gaar ahaan muhaajiriinta dib u soo laabanaya ee aan xaqa u lahayn in la siiyo magangelyada. Shirkan ayaa loo arkaa kulan aan rasmi ahayn oo loogu diyaargaroobayo kulanka ay isugu imanayaan dhammaan madaxda 27-ka dal ee Midawga Yurub, bishan soo socota ee February 10-keeda, halkaas oo la filayo in arrimaha socdaalku ay xagga hore ka galaan ajandaha laga wada hadlayo. Madaxa arrimaha gudaha u qaabilsan Midawga Yurub Ylva Johansson oo la hadashay warbaahinta, ka hor kulanka, ayaa sheegtay…
Maraykanka ayaa tallaabo adag ka qaaday shabakad caalami ah oo ka dhisan dhinaca internetka, taas oo lacag ka badan $100 milyan oo dollar oo madaxfurasho iyo baad ah ka qaadatay boqollaal qof oo dhibbane ah oo ku kala nool daafaha caalamka. Sida ay sheegtay Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku, hay’adda dembibaadhista ee Maraykanka ee FBI ayaa muddo bilo ah ku dhex jirtay shabakaddan. Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in shabakaddan oo la magac baxday Hive ay bartilmaameedsatay in ka badan 1,500 oo dhibbanayaal ah, oo ay ku jiraan cusbitaallo, iskuulo iyo shirkadaha dhaqaalaha oo ku kala yaalla in ka badan…
Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen buuraha Cal-Miskaan ee Puntland. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, hoggaamiyaha Daacish ee Somaliya. “Bishan January 25-keedii,ayaa amar ka yimid Madaxweynaha, wuxuu milateriga Maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey Somaliya, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani, oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, ahaana fududeeye muhiim ah oo ka tirsan shabakadda caalamiga ah…
Caalamka iyo Somaliduba waa og yihiin Wadan Somaliya laysku yiraahdo oo Xasan Shiikh Madaxweyne ka yahay in uusan jirin. Guud ahaan Puntland waxaa ka socda mashaariic hormarineed oo 2-sano gudahood Puntland waxaa udhismay Laamiyo,Dekado,Garoomo,iskuulo,xarumo caafimaad,Ceelal biyoodyo,Saldhigyo,tayayn Garsoor iyo mid Ciidan. Sidoo kale xariirka beesha caalamka iyo Puntland waxa uu marayaa meeshii ugu saraysay,waxaana la bogaadiyay horumarka ka socda. Majirto sabab Puntland baahi gaara ugu qabto xariirka Muqdisho maba jirto wax uga baaqday. Puntland in ay hoos tagto Villa Banaadir ilaa inta dalkaan yeelanayo sharciyo kala saaraya awoodaha maamul ee Dowladnimada. “MASALAHA NIMAAN II DHIGAN MIDIG MASAARAAYO NINKII IGA MAARMI KARA…
Hay’adda deeqaha dibadda ee dalka Sweden (SIDA) iyo hay’adaha kala shaqeeya barnaamijka doorashooyinka Puntland oo ay ka mid yihiin PDRC, Interpeace, Diakonia, UNSOM, UNDP, FBA, Build Up iyo Oslo Center ayaa shir ku yeeshay magaalada Garoowe. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay howlaha hay’adahan ay ku taageerayaan barnaamijka hannaanka doorashada Puntland. Waxa kale oo shirkan looga hadlay caqabadaha iyo fursadaha jira iyo sidoo kale meelaha loo baahan yahay in la xoojiyo. Shirkan waxaa ka soo qayb-galay wakiillo ka kala socda Safaaradda Sweden ee Kenya qaybta Soomaaliya, hay’adaha qaramada midoobay (UN), hay’adaha caalamiga ah, hay’adda bulshada rayidka ah (PUNSAA), Dalladda ay ku…
Talyaha cusub oo Booliska magacaabistiisa ma’ahan wax ku yimid soo xulid hab Beeleed iyo mid soo jeedin Ra’isalwasaare,sida ay xaqiijinayaan warar laga helayo Ilo lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale khibrad iyo aqoon uu leeyahay laguma soo xulin oo Talyaha cusub khibradiisa ugu weyn ee uu leeyahay waa in uu soo noqday Talyihii Ilaaladii Bashiir Goobe. Mahad Salaad,ayaa toos usoo xushay una arkaya Nin uu ku shaqaysan karo,isla markaana ka ansaxsaday Golaha Wasiirada,sida xoguhu sheegayaan. “Beesha uu kasoo jeedo Talyaha cusub waxba kalama socoto magacaabistiisa,waxa kaliya ee uu ku yimid laguna ansixiyay waa rabitaanka Mahad Salaad”Ayuu yiri Sarkaal magaciisa qariyay oo…
Gudoonka Culumada Somaliyed,waxuu la mid yahay… 1.Xiriirka Kubada Somaliyed.2.Gudoonka dhaliinyarada Somaliyed.3.Gudoonka Dhaqaatiirta Somaliyed.4.Gudoonka Ganacsiga Somaliyed.5.Gudoonka Haweenka Somaliyed. Dhamaantood waa waxba kama jiraan loo samaystay in Lacag looga cuno Safaaradaha Xalane degan.. Waa og yihiin Safaaraduhu waana la socdaan in ay yihiin wax Muqdisho ku kooban. Safaaradaha Xalane ku yaal iskabadaa Magacyadaas Mashruucyada looga cunee,Madaxweynaha Somaliya waxay u arkaan mid aan awood badan lahayn oo kalsooni,doorasho shacab,awood qaybsi federaal iyo Xisbiyo heer federaal ah aan ku imaan,isla markaana aysan talada dalka Somaliya Gacanta ugu wada jirin oo Teendhada Xalane ee lagu doortay ku kooban. Shiikh Soomoow iyo Cali Wajiis Qolooyin ay…
In laga kaxeeyo Wasaarada Caafimaadka Agaasimahan waxay qayb ka tahay waxqabadka Xukuumada Deni ee Afarta sano. Xaqiiqdii hadii Qof nool loosoo qaadan karo Musuq iyo arxandaro waa uqslmaa Agaasime Cabdirisaaq in tilmaan laga dhigto. Xilka qaadista kaliya yaan looga harin ee halala xisaabtamo. 1.Shahaadada Dhakhtarnimada uu sheegto hala dul istaago? 2.Isbitaalka uu ka samaystay dhaqaalihii Mashaariicda Bulshada hala qabto? 3.Farmasiga uu ka furtay Dawada Wasaarada hala xanibo? Guryaha iyo Boosaska uu ka gatay Lacagta Talaalka Wasaarada Garsoorku hala hakiyo? Eedayntaydu ma’ahan iska hadal ee cadaymo muuqda iyo kuwa qarsoon ayay leedahay. Waa hubaa tagidiisa in ay wax weyn ka badalayso…
Halkan ka daawo muuqaalka
Boosaaso: 26 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda Bandhiga Warxqabadka Dowladda 4-ta sano iyo Qorshaha Dowladda ee sanadka 2023 oo lagu qabtay magaalada Boosaaso. Munaasabadda oo ay wadajir ugasoo shaqeeyeen Wasaaradda Qorsheynta iyo Madaxtooyada, ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka Dowladda Puntland 4-sano ee lasoo dhaafay oo lagu soo gudbiyey Qoraal iyo Maqal iyo Muuqaal, Iyadoo Sidoo kale lasoo bandhigay Qorshaha Dowladda iyo waxyaabaha hortebinta u leh sanadka 2023. Waxaa bandhiga udub dhexaad u ahaa sida Madaxweynuhu uga dhabeeyay balan qaadkiisii xiliga Ololaha, oo ay meel sare uga jireen Amniga, Dhismaha Ciidanka, Isbedel…
Ururka caalamiga ah ee duullimaadyada rayidka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ICAO),ayaa sare u qaaday darajada ay ku shaqeyso hawada Somaliya. Waxaa haatan la gaarsiiyay heerka Darajada A, iyada oo ay Somaliya kolkii horeku soo shaqeyn jirtay heerka Class G. Dowladda Federaalka ee Somaliya,ayaa bartamihii 2018-kii la soo wareegtay maamulka hawada Somaliya. Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, oo duntay sanadkii 1991-kii, ayaa waxaa loo wareejiyay maamulka hawada Soomaaliya magaaladan Nairobi. Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Somaliya, Axmed Macalin Xasan,ayaa sheegay in darajada heerka A, ay u saamaxayso dowladda Somaliya, in ay si toosa awaamiir u siin karaan diyaaradaha caalamiga, iyadoo aaney taasi…
Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Dar-es Salaam,ayaa ka digtay suurtagalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca Tanzania, iyadoo uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah inay ka fogaadaan meelaha ay dadku iskugu yimaadaan sida maqaayadaha, suuqyada iyo goobaha dalxiiska. “Kooxaha argagixisadu waxay digniin la’aan weerar la beegsan karaan Hotellada,Safaaradaha, maqaayadaha, suuqyada, saldhigyada Booliska, Masaajidda iyo meelaha kale ee ay tagaan dadka reer galbeedka ah”Ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday safaarada Mareykanka. Halkan ka akhriso:-
Laba Xubnood oo sar-sare,ayaa xalay lagu dilay Saqdii dhexe Dukhayn ka dhacday Aaga Degmooyinka Isku shuban iyo Balli dhidhin (Cali Miskad). Raga la laayay oo ajaanib ah,ayaa kala ah… Labada Nin iyo 12-kale oo Xubno Daacish ah ee lagu dilay garaacista ,ayaa ka mid ahaa saraakiisha kooxda Daacish waxayna 6-bilood ka hor ka yimaadeen dalka Yemen,iyagoo tababar uwaday kooxda Daacish. Dukheyntan,ayaa socotay ilaa saaka waabarigii, mana ahan markii ugu horreysay oo dukheymo ka dhan ah Maleeshiyada Daacish ay ka dhacaan deegaannadaas, iyada oo sannadihii ugu dambeeyay ay Buuraleyda Gobolka Iskushuban iyo Galgala ay ka dhaceen weerarro dhinaca cirka ah oo…
Isku-shuban oo la ballaarinayo Biyaheeda,kuwaasoo laga soo qaadayo Isha Isku-shuban,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Gudoomiyaha Gudiga Doorashada ma sheegin Dadka laga diiwaangeliyay Sadexda Gobol ee uu ku dhawaaqay in lasoo afmeeray. Sababta loo qariyay Dadka isdiiwaangeliyay,waxaa la aaminsan yahay in ay yar yihiin oo laga gabaday in Bulshada lala hor yimaado. In loo gudbo Wajiga 2-Aad,waxaa ka horaysa in laysla fahmo Wajigii 1-Aad shaqada la qabtay. Diiwaangelinta dhaliilo waa weyn,ayaa dil hoganaya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Shaacinta Xilliga Wejiga 2-aad ee Diiwaangelinta”. Guddiga,ayaa shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee ay bilaabanayso Wajiga 2-aad ee diiwaangelinta Gobalada Sanaag,Haylaan iyo Nugaal. Warsaxaafadeedka Guddiga Halkan ka akhriso:-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaraywadada Jidka Sodonka ee magaalada Boosaaso, taasi oo la dhammaystiray 1.5KM oo balaceedu dhan yahay 30M Madaxweyne Deni ayaa isla maanta dhagax dhigay dhismaha 3.5KM oo lagu daridoono wadada jidka sodonka ee magaalada Boosaaso, taasi wax weyn ka taridoonta isu socodka dadka, ganacsiga, bilicda iyo horumarka.
Boosaaso: 25, January, 2023. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Kubadda cagta ee magaalada Boosaaso oo dhowaan dhismihiisa la bilaabayo, kaasi oo loo dhisidoono, si casri ah oo la jaanqaadaya garoomada Cagaaran ee caalamiga ah. Dhismaha Garoonka Cagaaran ee Kubadda cagta Boosaaso oo ay kharashka dhismihiisa ka taageerayso Dowladda Puntland ee Soomaaliya, Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa la dhammaystiray qiimaynta dhismaha Garoonka, isagoo ka koobnaandoona laba qaybood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah. Qaybta koowaad: Qaybta Koowaad Dhismaha Garoonka Cagaaran ee dhigidda Roogga, kaasi oo ka koobnaandoona qaybaha kala ah. DHAMMAAD…
Wax kasta waxaa ka muhiimsan Amniga iyo Lacagta Wadanka xiligan oo xal loo helo. Labadaas marka laxaliyo,ayaa suuq yada ganacsi ee Afrika wax tar gaara inoo yeelan karaan. Wallow hada lafteeda aan laga maarmin balse danta Dadkeena iyo Dalkeena ayaa kahoraysa wax kasta. Dowlada Fadaraalka,waxaa laga rabaa sharciga ganacsiga iyo isku socodka Gobolada Somaliya in ay marka hore fur furto. Dalku Lacag ugaar ah oo loogu soo hagaago laguna midaysan yahay in uu yeesho,ayaa iyaduna muhiim ah. Dastuurka Fadaraalka wax badan oo dartiis uxaniban,ayaa jira isagana in la dhamaystiro lagana wada hadlo waa Qodob lama dhaafaan ah. Xubin ka noqoshada…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni,ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Bankiga Dowladda Laantiisa Magaalada Bosaso. Horay,waxaa loo dhisay Xarunta Dhexe ee Bangiga ee Caasimada Garowe. Sidoo kale,waxaa diyaar ah dhismaha Laanta Gaalkacyo.
Ku dhawaad 1000 Dhalo oo Khamri ah ayay burburiyeen Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal. Ma’ahan markii ugu horaysay oo ay Ciidanku qabtaan Khamri iyo Xashiish soo galay Gudaha. Khamriga iyo Xashiishka kusoo badanaya gudaha Puntland waa Aafo mustaqbalka meel xun gaarsiinaysa hiigsiga deegaanka iyo maalgashiga balaaran ee kasocda gudaha Puntland. Waxay dhiiri galiyaan kana mid yihiin waxyaabaha Dilalka iyo amni xumada keena. Reer Puntland haday horumar rabaan waa in ay Khamriga iyo Xashiishka xeer iyo ciqaab adag kasoo saaraan. Sidoo kale Dowladaha Itoobiya iyo Kenya waa in lala kaashadaa ka hortaga Maandooriyaha. Guud ahaan Somaliya qul-qulka Mukhaadaaraadka waa dhib ka taagan…
Garoonka Kubada Cagta Bosaso oo si casri ah oo loo dhisayo,ayaa la Dhagax dhigayaa Maanta. Dhismahan Garoonkan waxaa maalgelinaysa Dowlada Imaaraadka Carabta. Waa u muhiim Bulshada dhismaha Garoonka Kubada Cagta Bosaso.
Markab sida Qalabka lagu dhisayo Balaarinta Dekeda Bosaso,ayaa kusoo xirtay Dekedda magaalada Bosaso. Dhismaha Wajiga 1-Aad ee Dekeda Bosaso oo dhan 150-Mitir,ayaa bilaabatay,waxuuna soo gabagaboobayaa dhamaadka Sanadkan. Puntland qiimo weyn ayay uleedahay balaarinta Dekeda Bosaso.
Faafaahin dheeraad ah,ayaa ka soo baxaya weerrar loo adeegsaday Madaafiic hoobiyayaal ah oo maanta lagu qaaday xarunta Madaxtooyada iyo agagaaraheeda ee Magaalada Muqdisho. Ugu yaraan Shan Qof oo rayid ah,ayaa la sheegay inay ku dhawaacmeen madaafiicdaasi oo uu ku jiro canug yar oo shan sanno jir ah. Dadka qaar ayaa sheegay in qaraxyada ay maqleen ay gaarayeen illaa todoba Madfac oo aaggaasi ku soo dhacay. Dadka Deegaanka,ayaa sheegaya in Madaafiicda qaar ay ku dhaceen Guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya,Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) kaas oo ku yaal xayndaabka xarunta madaxtooyada Villa Somaliya. Qaar kale ay ku dhaceen…
Militariga Mareykanka,ayaa sheegayi in dukheyn cusub oo ay ka fuliyeen Somaliya ay ku dileen xubno ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM),ayaa lagu sheegay in kadib codsi ka yimid dowladda federaalka in ayada oo la taageerayo Ciidamada xoogga dalka ay duqeyntan 23-kii Janaayo ka dhacday meel u dhow magaalada Xarardheere. Qoraalka ayaa intaas ku daray in qiimeyn horudhac ah ay sheegeyso in weerarka lagu dilay laba ka mid ah argagixisada Al-Shabaab. AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in aanay jirin rayid dhaawac ama dhimasho uu kasoo gaaray weerarka. Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil…
MADAXWEYNAHA OO DAAH-FURAY SHAQADA BALAARINTA IYO HORUMARINTA DEKADDA BOOSAASO. Boosaaso: 24, January 2023:Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay shaqada balaarinta iyo horumarinta lagu samaynaayo Dekedda magaalada Boosaaso. Dekedda ayaa la balaarin-doonaa 450m, iyadoo 150m ee ugu horeeyay hadda la billaabayo, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay in hoos-u-qodka Badda la gaarsiiyo 11m, waxaa intaa dheer u diyaarinta Dekadda Mid awood u leh Maraakiibta waa-weyn inay kusoo xirtaan, konteenarada guurguura, Mashiinada iyo Agabka shaqo ee Dekadda yeellanayso. Munaasibadda waxaa kasoo qayb-galay wefti balaaran oo uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe…
Baydhabo fashil Siyaasadeed,ayuu kala soo laabtay Madaxweyne Xasan. Waxba waa soo kala oran waayay Siyaasaiyiintii ku hardamayay Koonfur-galbeed. Madaxweyne Laftagareen wuxuu la ciyaaray jarkaboodo Siyaasadeed,waxuu dajiyay Hotelo wakhtigana,waxuu uga riday casuumado iyo kulamo. Gudoomiye Aadan Madoobe oo uu filayay in uu ka xigsado Deegaanka,waxuu isku soo koobay Hoygii uu deganaa,waxuuna lasoo istaagay,waxaa jooga Madaxweynihii Qaranka ee talada hala waydiiyo. Mudo Todobaad ku dhow oo uu ku sugnaa Baydhabo Gacmo maran,ayuu kala soo laabtay iyo jahwareer Siyaasadeed Madaxweyne Xasan. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Deni,ayaa Dhagaxdhigga Balaarinta Dekedda Bosaso ka jeediyay khudbad. Halkan ka daawo muuqaalka
Boosaaso: 24, Janaayo, 2023:Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Boosaaso ku qaabilay wefti balaaran oo uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dhaqaajinta balaarinta shaqo ee Dekedda magaalada Boosaaso. Waxaa qayb ka ahaa kulanka Wasaaradda Dekadaha iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda. =DHAMMAAD=XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Danjiraha Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa toddobaadkan u safraysa dalalka Ghana, Mozambique iyo Kenya, si ay uga wada xaajoodaan horumarinta danaha ay wadaagaan iyo mudnaanta shir madaxeedkii hoggaamiyayaasha Maraykanka iyo Afrika ee dalka Maraykanka ka dhacay bishii December ee 2022. Socdaalkeeda ay ku tegeyso qaaradda Afrika ayaa qaadanaya inta u dhexeeya bisha January 25-keeda illaa 29-keeda, waxaana ay diiradda ku saari doontaa arrimaha amniga ee gobolka, haqab-beelka cuntada, arrimaha bini’aadanimada iyo taageerada Maraykanka ee dalalka Afrika ee lagu yaraynayo isbedelada cimilada, sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka. Safarka Thomas-Greenfield ayaa ku soo…
Hoggaamiyaha Isbahaysiga Azimio la Umoja–One Kenya, Raila Odinga ayaa maanta ku dhawaaqay in uusan aqoonsaneyn dowladda uu madaxweynaha ka yahay William Ruto oo ah ninka uga guuleystay doorashadii madaxweynaha ee Kenya ka dhacday bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay. Odinga oo kulan isu soo bax ah ku qabtay degmada Kamkunji oo ay ka tirsan tahay ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh ayaa arrintan u sababeeyay wax uu ugu yeeray “natiijo sharci darro ah” oo kasoo baxday doorashadii sanadkii hore. Dadkii isugu yimid garoonka Kamkunji ayuu u sheegay in isbahaysigiisu ay dowladda hadda jirta u arkaan mid aan sharci ku…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo khubad ka jeediyey munaasibadda daah-furka dhammaystirka wejiga 2-aad iyo dhagax dhigga bilawga wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Halkan ka daawo muuqaalka
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay meel qoob ka ciyaarka lagu sameeyo halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale. Arrinntan,ayaa qeyb ka ah weeraro inta badan ay qaadaan dad hubeysan oo u badan dhallinayo. Ninkii looga shakisanaa in uu weerarka ka geystay meel u dhaw Los Angeles ee dalka Mareykanka ayay booliska heleen isaga oo meyd ah. Waxaana la sheegay in uu isku dhex toogtay gaari gudihiisa, Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa hareereeyey gaari midabkiisa lagu sheegay caddaan oo ku sugan magaalada Torrance ee gobolka California in ka badan 12-saacadood ka dib weerar dad badan ay…
Dowladda Soomaaliya ayaa ku cambaareysay Sweden inay xagjiriin dalkeeda ku sugan u ogolaatay inay nuqul ka mid kitaabka qur’aanka kariimka ku gubaan dibadbax ka dhacay magaalada Stockholm. Dibadbaxa, oo Sabtidii ka dhacay banaanka safaaradda Turkey ee caasimadda Sweden, ayaa waxaa hoggaaminayey Rasmus Paludan oo u dhashay dalka Denmark balse sidoo kale haysta dhalashada Sweden, kaasi oo ah nin Islaamka iyo soo-galootiga neceb. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxay si xooggan u cambaareyneysaa in mas’uuliyiinta Sweden ay u ogolaadeen nin xagjir ah inuu nuqul ka mid ah qur’aanka ku…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray dhammaystirka wejiga labaad ee Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Waxaa la dhammaystiray dhismayaal muhiim ah iyo shaqooyin kale oo ay ka mid yihiin.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa dhagax-dhigay dhismaha Hotel casriya oo uu yeelan doono Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax-dhigay dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso waxaa la dhisidoonaa dhismayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin. 1.Qaybta Rakaabka Diyaaradaha (Terminal Passenger. 2.Qaybta Xamuulka (Terminal Cargo). 3.Dhismaha qaybta Dab-damiska. 4.Dhismaha Tower Cusub. Halkan ka daawo muuqaalka
Boosaaso: 22 January 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan Qado sharaf ah la qaatay Isimada, Cuqaasha, Nabadoonada, Waxgaradka , Aqoonyahanka , Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa Kulanka ka jeediyay warbixin kooban oo ku saabsan guud ahaan shaqada Dalka ka socota, sida Amniga, Dhismaha Wadooyinka, Garoomada Diyaaradaha, Dekadaha , Mashaariicda horumarin iyo Mashruuca ugu weyn ee tan iyo markii la aasaasay Puntland Hadda loo dhaqaaqay ee Doorashada qof iyo cod, wuxuuna Bulshada Gobolada Bari , Gardafu iyo Karkaar uga mahadceliyay siday uga qeyb qaateen isdiiwaangelinta. Wuxuu Madaxweynuhu muujiyay Ahmiyada Dowladdu…
Jilaaga Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina Dhowre Elba,ayaa Isniintii ugu baaqay ganacsatada iyo hogaamiyayaasha siyaasada in ay taageero dheeri ah siiyaan Wadamada ugu saboolsan aduunka qaab maalgashi halkii ay ka caawin lahaayeen. Xafladdii furitaanka shirka sanadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee ka dhacay buurta loo dalxiis tago ee Davos ee Switzerland, ayaa Elbas labadaba lagu sharfay shaqada ay ka qabteen ilaalinta deegaanka, sugnaanta cuntada iyo isbeddelka cimilada. Lamaanahan oo ah safiirrada niyad-wanaagga u qaabilsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta beeraha, ayaa ka codsaday ka qaybgalayaasha shir-madaxeedka sannadlaha ah in si degdeg ah loo taageero Dadka ay saamaysay…
Actor Idris Elba and his wife Sabrina Dhowre Elba called on Monday for business and political leaders to provide more support to the world’s poorest countries in the form of investment rather than aid. At the opening ceremony of the World Economic Forum (WEF) annual meeting in the Swiss mountain resort of Davos, the Elbas were both honoured for their work on environmental conservation, food security and climate change. The couple, who are Goodwill Ambassadors for the United Nations’ International Fund for Agricultural Development, appealed to participants at the annual summit for fast financial support for people hit by food…
Over the last eight decades, Federalism as a viable system of governance for conflict-ridden societies has dominated debate in both the academic and political spheres. Comparative politics scholar, K. C. Wheare, is regarded as the “dean” of modern federalism. His 1946 book, Federal Government, is virtually canonical in the field and still cited frequently . Wheare defined federalism as “the method of dividing powers so that the general (central) and regional governments are each, within a sphere, coordinate and independent.” He argued that federalism requires “co-ordinate partners in the governmental process.” He believed that federalism is not an end in…