Author: Jibril Qoobey.

Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Maraykanka Alejandro N. Mayorkas,ayaa ku Khamiistii ku dhawaaqay in dadka Somalida ah ee aan sharciga ku lahayn Maraykanka ay sii joogi karaan 18 bilood oo kale. Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaabaneysa bisha Maarso 18-keeda 2023, waxayna ku egtay bisha September 17-keeda ee sannadka soo socoda ee 2024. Waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliya mar kale loo asteeyey inay tahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay. “Mareykanku wuxuu awood u yeelan doonaa inuu gabbaad ilaalin ah siiyo Soomaalida. Colaadaha iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda, oo ay wehliyaan musiibooyinka dabiiciga ah, cudurrada, saameynta argagixisada, dambiyada, rabshadaha…

Read More

Mareykanka,ayaa ku dhawaaqaya abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-Milyan oo Dollar ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Cabdi Aaden iyo Dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii hotel DusitD2 ee 2019-kii, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 -Qof oo uu ku jiray muwaadin Mareykan ah. Agaasimaha Waaxda Dembi-baarista ee DCI ee Kenya Amiin Maxamed Ibraahim iyo Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya Meg Whitman oo shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay xarunta Dembi-baarista Kenya ayaa ku dhiirrageliyay dadweynaha inay lasoo xiriiran hay’adaha ammaanka haddii ay hayaan ama ay helaan xogta iyo muuqaalka ‘eedeysane’ Maxamuud Cabdi Aaden. “Waxaan maanta ku…

Read More

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Dawladda Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada Amniga ay dileen Madaxii howgallada kooxda argagixisada ah ee Daacish, kaas oo kasoo jeeday dalka Itoobiya. Sidoo kale Ciidamada,ayaa ka hortagay weerar ay Maleeshiyaadka argagixisada Daacish doonayeen in ay ka geystaan Degmada Balli-dhidhin ee Gobalka Bari. WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Amniga Puntland ayaa ka hor tagay weerar maleeshiyadda Daacish ay ku qaadeen Degmadda Bali-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, abaare 01:00am 12.Jan.2023 Iska hor-imaadkaas ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaas oo maleeshiyaadka Daacish u magacaabeen madaxa hawl-galada Daacish illa 11kii, July…

Read More

Islaan Cabdille Islaan Faarax Islaan Aaden Islaan Maxamuud,Nin Ina Adeerkii ah oo layiraahdo Macallin Cabdiraxmaan Muuse Islaan Aaden ilaahay naxariista janno Labadoodaba hageeyee,wuxuu igu yiri mar uu taariikhdiisa anoo Telefoon kula hadlaya uu ibarayey… ” Wuxuu ahaa Nin kitaabka ilaahay aan Indhaha ka qaadin,wuxuu ahaa Nin cadaalad badan ,wuxuu ahaa Nin aan kor eegin markii uu fadhiyo Madalaha,Nin aan Dumarku usoo dhawaan jirin,Nin markasta khatima oo ku duceeya Qur’aanka kariimka ama Jamaca . Wuxuu ahaa Nin taariikhda intuu noolaa aan Meherad fariisan ama uusan socodkiisu badnayn. Wuxuu ahaa Nin talada lala leeyahay oo aan waligii isagu midiisa ku dhagin. Waxaa…

Read More

Xeer ilaaliyaha guud ee Dalka Maraykanka Merrick Garland,ayaa Khamiistii wuxuu magacaabay sarkaal baaris ku sameeya sida ay waraaqo sir ah oo Dowladdu leedahay loogu kaydiyey’ Xaafiiskii hore ee Madaxweyne Joe Biden uu ku lahaa Washington iyo weliba Xafiiskiisa kale ee ku yaalla Gobolka Delaware ee uu ka soo jeedo. Xeer ilaaliyaha Guud oo ah sarkaalka ugu sarreeya ee qaabilsan fulinta sharciga Maraykanka,ayaa u magacaabay dacwad-ooge Robert Hur, oo hore u ahaan jiray dacwad oogaha Dowladda Dhexe ee Gobolka Maryland, inuu hoggaamiyo baariitaanka lagu samaynayo waraaqaha sirta ah ee la helay. Go’aanka xeer ilaaliyaha guud,ayaa daba socday, isaga oo hore Qareen…

Read More

Madaxweyne XSM wuxuu yiri waxaan nahay hal Dal iyo Hal Dowlad: Tan kowaad waxaan nahay hal Dal oo Somaliya la isku yiraahdo. Tan labaad hal Dowlad ma nihin, taas oo ahaan lahayd wadatashagii siyaasadeed, Amni iyo Dhaqaale ee Dalka isku wadi lahaa, lana Aamini lahaa hogaankiisa: Dowladda XSM ee laga doonayey kalsoonida iyo dhameystirka shuruuc qabyo Dalka u ah: Awoodda Dowladda siduu u qeybiyey ayey ka muuqaataa in Xassan uu la yimid ficil tafaraaruq ah, halka uu Afka ka leeyahay Somali Heshiis ah. Xassan asaga,ayaa isku ah wax walba- Madaxweyne, Gole Xukuumad iyo Gole Baarlamaan. Qeybinta Awoodda – Xisbiga UPD:…

Read More

Isu socodka caadiga ah ee Hawada,ayaa si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanaya guud ahaan Mareykanka ka dib markii Rakaabkii diyaaradaha ee ku sugnaa gudaha dalka Mareykanka ay soo food saaray khalkhal,iyadoo dhammaan duulimaadyadii gudaha ay hakad ku jireen saacado badan sababo la xiriira cillad dhanka qalabka Garoomada ah. In ka badan Afar Kun oo Duulimaad,ayaa dib u dhacay waxaana la joojiyay in ka badan lix boqol. Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka xoghayaha gaadiidka Mareykanka Pete Buttigieg, wuxuu ku sheegay in mas’uuliyiintu ay ka shaqeynayaan sidii ay ugu xallin lahaayeen arrinta si degdeg ah,isla markaana ammaan ah. Aqalka…

Read More

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog,ayaa Arbacadii shalay ku casuumay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu booqasho ku yimaado dalkaasi, xilli uu qaabbilayay safiirka cusub ee Ankara, taasoo calaamad kale u ah xiriirka dalalkaasi oo dhawaanahan soo wanaagsanaanayay. Sannadkii lasoo dhaafay, Herzog, ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Israa’iil oo booqasho ku taga Turkiga tan iyo 2008-dii, kadib markii ay labada dal billaabeen inay soo celiyaan xiriirkooda, soona afjaraan khilaaf diblomaasiyadeed oo soo jiitamayay in ka badan 10 sanno. Labadan dal ayaa ku heshiiyay inay si wadajir ah u magacaabaan safiirro bishii Ogosto. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku guuleystay doorashadii…

Read More

Afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka ee Kenya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo Arbacadii ka dhacay meel u dhow xuduudda bari ee dalkaas uu la wadaago Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska. Shaqaalaha ayaa la socday kolonyo baabuur oo saddex ahaa oo ka yimid Garissa una socday Bura, markii uu haleelay qarax lagu aasay waddada, kaasi oo la tuhunsan yahay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska. “Gaari ay la socdeen afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka Kenya ayaa lagu weeraray qarax miino, dhammaan afarta qof ayaa isla goobta ku dhintay,” ayuu yiri…

Read More

Awoodaha Dowladda Federaalka waxaa loo kala saaraa illaa 3-qeybood, waxayna kala yihiin: 1) Awoodo Dowladda Federaalku leedahay kuwaas oo loo yaqaan awoodaha khaaska ah (exclusive or delegated powers). Awoodahaas waxaa ka mid ah: Arrimaha Dibedda, Difaaca, Lacagta, Ganacsiga caalamiga ah, Boostada & Isgaarsiinta iwm. 2) Awoodo Dowlad-goboleedyadu leeyihiin oo loo yaqaan awoodaha soo-hara (reserved or residual powers). Awoodahaas waxaa ka mid ah: Waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta, Kheyraadka dabiiciga ah, Guryaha, Golayaasha Degaanka iwm. 3) Awoodo labadooda ka dhaxeeya, kuwaas oo loo yaqaan awoodaha wada-socda ama ka wada-dhaxeeya (concurrent powers). Awoodaha ka wada dhaxeeyn karana waxaa ka mid ah: Canshuuraha, Maxkamadaha, Doorashooyinka,…

Read More

Shirka uu furay Xasan Shiikh waxaa lagu tilmaami karaa Shirka Garsoorka Bartamaha iyo Koonfurta Dalka. Sababtoo ah Puntland horay ayay udiiday in ay qayb ka noqoto Shirkaas iyo Qodobada looga xaajoonayo. Sidoo kale Somaliland,ayaa horay usii maqnayd oo ku dhawaaqday goosasho ay kaga baxday Jamhuuriyada. Ma furin midka Jamhuuriyada Fadaraaliga ah ee Somaliyed Madaxweyne Xasan Shiikh. Magac ahaan waa Madaxweynaha Jamhuuriyada,balse micno ahaan waxuu matalaa Bartamaha iyo Koonfurta Dalka Madaxweyne Xasan Shiikh. Waa loogu yeeri karaa Madaxweynaha Bartamaha iyo Koonfurta Dalka ilaa laga helayo Dastuur lagu midaysan yahay oo dhamaystiran. Somaliya waa Sadex qaybood oo mid walba ay leedahay Dastuurkeeda…

Read More

Waa dharbaaxo Diblomaasiyadeed oo Kenya ku dhufatay Dowlada Fadaraalka Somaliya. Kenya in ay Hargaysa ku darsato hawlgalda cusub ee Diblomaasiyadeeda kusoo kordhay waxay ka dhigan tahay in ay u aqoonsatay ugu yaraan maamul ka madaxbanaan Dowlada Fadaraalka ah. Waa xeerin la’aan midnimada Dhuleed iyo mida Dowladnimo ee Somaliya,waana xadgudub cad talaabada Kenya. Wakiil ufadhiyi doona ayay si rasmi ah Kenya ugu dirsanaysaa Hargaysa dhawaan sida uu qoray Wargeyska Business Daily. Dowlada Fadaraalka Somaliya kama aysan hadlin qorshaha Kenya ay kula bilaabayso xiriirka Diblomaasi ee maqaamkiisu sareeyo Maamulka Waqooyi Galbeed ee Somaliya. Jibril Qoobey.

Read More

Odoyaasha Beesha Jaamac Siyaad,ayaa iska beri yeelay warar ay faafiyeen warbaahinta SL oo sheegaya in heshiis dhexmaray iyaga iyo Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha SL Maxamed Kaahin. “Hadaan nahay Beesha Jaamac Siyaad waxaan la qayb nahay Dhulbahante kama baxsanin,lama aanan heshiin SL ,ma aqoonsanin maamulkooda iyo Dastuurkooda,waxa kaliya ee aan kuwada hadalnay in ay nagu soo wareejiyaan Ragii dilay Ninkayagii”Ayay yiraahdeen Odoyaashii Jaamac Siyaad. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Gardafuu iyo cirifka ugu shisheeya Deegaamada Puntland ayay gaartay Diiwaangelinta. Ugu yaraan 400 oo km Deegaan ujira Bosaso,ayaa laga bilaabayaa Diiwaangelinta. 6-beri kadib Diiwaangelinta,waxaa ka muuqata in Bulshadu aad ugu soo baxday muujisayna rabitaan weyn. Gobollada Bari,Karkaar iyo Gardafuu ayay wada gaartay si qurxoon oo xasiloona uga socotaa. Puntland waxay utahay guul taariikhiya oo ay ka gaartay casriyaynta nidaamkeeda Dowladnimo. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Afhayeen u hadlay ciidamada fallaagada Tigray ee waqooyiga Itoobiya,ayaa sheegay in ay wareejiyeen hubkoodii cuslaa, arrintaas oo qeyb ka ah heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee ay labada dhinac bishii November ku saxiixdeen dalka Koonfur Afrika. Getachew Reda boggiisa Twitter-ka ku qoray in kala gudbinta hubka ay xaqiijiyeen kormeerayaal ka socday ururka Midowga Afrika iyo koox qaabilsan hubinta. Tallaabadan,ayaa saldhig u ah heshiiska waxa uuna la mid ahaa qodobka dhigaya in adeegyadii dowladda lagu soo celiyo gobolka ay burburiyeen dagaalladii lagu dilay boqollaalka kun ee qof. Shardi kale,ayaa ahaa in Gobolka laga saaro Ciidamada militariga Eritrea ee ka barbar dagaallamayay Dowladda Itoobiya.…

Read More

Ciidamada Badda Mareykanka,ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 2,100 oo qori oo ah kuwa darandoorriga u dhaca markab marayay gacanka Cummaan oo ay rumeysan yihiin in uu ka yimid Iran una socday Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda Talaadadii. Waxay ahayd qabashadii ugu dambeysay ee hub la sheegay in uu ku socday dalka ugu saboolsan dunida Carabta, waxaana qabtay ciidamada ilaalada xeebaha ee USS Chinook. Timothy Hawkins, oo ah afhayeenka kooxda shanaad ee ciidamada badda ee Bariga Dhexe ayaa sheegay inay qabtay qoryahan oo ahaa nooca Kalashnikov ah oo midmid lagu…

Read More

Dowladii Farmaajo,ayaa xiligeedii diyaarisay Mashaariic laga dalbanayo African Development Bank (AFDB). Mashaariicdaas oo ku kacayay 68-Milyan oo dolar,waa laga qadiyay Puntland xliigaas. Kaliya waxay PL ku lahayd Wado Jid cadde ah oo $2-Million ku kacaysa iskuna xiraysa Gaalkacyo-Galdogob oo Odoyaal kasoo jeeda Beesha Leelkase ay ula tageen Fahad si Abtinimo ah. Dowlada Xasan markay talada la wareegtay,waxaa laysla gartay in lasaxo Mashruucaas Puntland qoondadeedii laga siiyo. Balse Madaxweyne Xasan ma fulin ballanqaadkii sidii uu ahaa Mashruucaas,ayuuna udaayay. Haatan Lacagtii Mashruucaas,waa lasoo ogolaaday,iyadoo ay Puntland ku leedahay 2-Milyan oo dolar qura. Madaxweyne Xasan danbiga Labaad ee uu ka galay reer Puntland…

Read More

Wada xaajood,ayaa ufurmay Shabaab iyo Dowlada Fadaraalka,sida ay xaqiijinayaan Diblomaasiyiin sare. Ganacsato kasoo jeeda Beesha Abgaal,ayaa ka shaqeeyay dhexdhexaadin ka dhacday Xamar Xarunta Nisa. Shabaab way aqbaleen wada hadal iyo in ay ugu danbayn Hubka dhigaan oo kusoo biiraan Dowlada. Laba Sharuudood ayay miiska soo saareen kuwaasoo kala ah… 1.In Wasaarada Amniga iyo Wasaarad kale la siiyo. 2.In Dowlad Goboleedyada laga siiyo Jubaland oo ay qayb ka noqdaan hanaanka doorashadeeda ayna soo diyaarinayaan Qof hogaamiya. Arinka Jubaland markii falanqayntiisa lasii guda galay waxay ku doodeen in Shacabku iyaga taabacsan yahay,isla markaana ay isku hayn karaan Bulshadaas soona afjari karaan khilaafaadyada…

Read More

Saraakiisha Ukraine,ayaa sheegay, in ciidamada Ruushka oo kaashanaya maleeshiyaad calooshood u shaqeystayaal ah ay kordhiyeen weerar ay ku qaadeen magaalada yar ee cusbada laga soo saaro ee Soledar ee dhacda dhinaca bariga Ukraine. Saraakiishu waxay sheegeen, in ciidanka Ukraine ee aaggaasi jooga ay iska caabiyaan mowjado weeraro ah oo ay hogaaminayaan ciidamada Ruushka. Hase yeeshee, Britain ayaa maanta sheegtay in ciidanka Ruushka iyo kuwa calooshood u shaqeystayaasha ka tirsan kooxda Wagner, ay u badan tahay inay hadda gacanta ku hayaan inta badan magaaladani oo ka tirsan gobolka warshadaha caanka ku ah ee Donbas. Qabsashada Soledar ayaa ciidamada Ruushka uga dhignaan…

Read More

Barakaca hore haatana ah Puntlander,ayaa qaatay Warqada Diiwaangelinta Codbixiyayaasha. Ma’ahan kaligii ee waa Muwaadiniin badan oo Qaybaha kale ee Dalka kasoo barakacay deganaana Puntland 20-kii Sano ee udanbeeyay,ayaa qayb ka ah isdiiwaangelinta. Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland,ayaa si habsami leh uga socota maalinkii 6-Aad Sadexda Gobol ee Bari,Karkaar iyo Gardafuu. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Puntland waa Somaliya,Somaliya waa Puntland. Yaan ka go’naa oo naga Somalisan,naga soo jireensan? Hooyada,iyadaa laga farcamaa ee iyadu farac ma noqoto. Puntland weligeed kama tanaasulayso Jamhuuriyada Somali midaysa xataa hadii Xamar ka tagto. Go’aamada soo baxay waa fasirid Dastuurada Puntland iyo Fadaraalka iyo doorka PL ee Dowlad dhiska Somaliya. Hal Qodob,ayaa ku jira oo ay tahay in ay fahmaan Bulshada Puntland iyo mida guud ee Somaliya kaasoo ah.. Khalad Siyaasi oo caadifada Somali jacaylku na dhaafisay,ayaa waxaa ahaa in aan ku milano Bartamaha iyo Koonfurta Dalka. B.Isku waaqici manihin.T.Isku heer Nololeed ma nihin.J.Isku heer maamul ma nihin.X.Isku heer fahan nidaam…

Read More

Go’aamada kasoo baxay Dowlada Puntland waa kuwo masiiriya oo xiligoodii yimid. Hadaba si masiiri ahaantoodu udhamaystiranto oo Sharciyad rasmiya uhelaan una noqdaan wax Beri Puntland wax ugooya waa in Madaxtooyadu samaysaa Sadex arimood oo kala ah…. 1.In Golaha Wasiirada loo gudbiyo lagana ansixiyo. 2.In Baarlmanka loo gudbiyo,lagana ansixiyo 3.In Aqalka Sare Xubnaha ugu jira PL in loo gudbiyo. Intaas kadib waxay noqonayaan Qodobadan kuwo dan guud ku fadhiya oo kasoo baxay Golayaasha Dowlada Puntland oo idil. Dalku Fadaraal ah ma’ahan ee waa Somaliland oo Muuse xukumo,Puntland oo Deni xukumo,Bartamaha iyo Koonfurta oo Xasan xukumo. Madaxweynaha halagu garab siiyo socod siinta…

Read More

Waxaa Maalinkii 5-Aad Guud ahaan Gobolada Sadexda ah ee Bari,Karkaar iyo Gardafuu ka socda Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Doorashada Golayaasha Deegaamada Puntland. Dadku way isa soo tarayaan maalinba maalinta ka danbaysa si weyn ayayna ugu soo baxayaan Diiwaangelinta. Degmada Shaxda ee Gobolka Karkaar,ayaa ka mid ah Deegaamada ay ka socoto Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Dowladda Puntland.

Read More

Garoowe: 08 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe kaga qeybgalay Munaasabadda Bandhiga waxqabadka 4-sano ee lasoo dhaafay iyo Daah-furka Qorshaha Xukuumadda ee sanadka 2023. Munaasabadda 8-January 2023, ayaa si ka duwan Sidii hore loo xusay caawa Iyadoo lagu soo bandhigay Waxqabadka Dowladda ee Afartii sano ee lasoo dhaafay, oo lagu soo gudbiyey Qoraal, Buug daabacan iyo Dukumenteri maqal iyo muuqaal ah. Waxaa Bulshada iyo Warbaahinta oo toos u tebinaysay lala wadaagay Yoolashii Madaxweynaha ee xiligii olihiisii Doorashada, Habka yoolkasta loogu jaangooyay qordhe…

Read More

Sool iyo Sanaag?? “Qadiyada Somaliya waa wax isku xiran,waxaana ugu horeeya Qadiyada PL iyo SL oo meel la saaro,waana in Dhulka PL ka maqan lasoo celiyaa oo xalka Somaliya isku Albaab laga galaa”Ayuu yiri Madaxweyne Deni. Waxaa muuqata in qadiyadihii lagu kala kacay Shirkii Xamar ay qayb ka ahaayeen Dowlada Xasan Shiikh oo rabta in SL si gaar ah loo tixgeliyo iyadoo Sool iyo Sanaag la raacinayo. PL doodaas waa ka hor timid sida uu xaqiijiyay Madaxweyne Deni. Ciyaar khaldan,ayuu ciyaaray Madaxweyne Xasan,waxuuna ilowsan yahay in Dowladnimada lala leeyahay oo uusan kaligii wax walba ahayn. Doodan ilaalinta Dastuurka,Midnimada iyo Cadaalada…

Read More

Madaxweyne Deni oo Caawa ay ku beegnayd 4-sano ka hor doorashadiisii hogaaminta Puntland,waxuu ku dul istaagay arimo door ah khudbad uu ka jeediyay Xaflad lagu soo bandhigayay waxqabadka Xukuumada. Puntland iyo Fadaraalka,ayuu ka hadlay..”Waxii Puntland soo qabatay ee ahaa Dastuurka Kmg ah,Shirarkii Fadaraalaynta ee Garowe iyo Galkacyo iyo in Caasimada Dowladu ku shaqayso waxii ay gelisay waa in aan la dayicin”. Dimuqraadiyaynta Puntland,ayuu ka hadlay. Xaalada Laascaanood,ayuu ka hadlay…. “Dastuurka in la qabyo tiro,waxaa hor taagan in arinka Somaliland meel la saaro mana yeelayno in Sool iyo Sanaag si dadban Gacanta loogu geliyo SL,iyadoonba goobta joogin,ilaa Dhulkayaga meel naloo saaro…

Read More

Qodobadii kasoo baxay Shirkii Xamar ee Wadatashiga Qaran,ayuu dul istaagay qeexayna mowqifka Dowlada Puntland. “Laba Qodob,ayaanan wax ka saxiixin Warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirkaas,kuwaasoo kala ahaa sida Garsoorkeenu noqonayo iyo Maamulka Dowladeed ee Fadaraalka iyo heer State”Ayuu yiri Madaxweyne Deni. “Garsoorka,waxaan ka rabnaa in uu noqdo mid madax banaan oo ku fadhiya xeerarkeena iyo Dastuurkeena balse waxaa meesha la keenay wax khilaafsan Dastuurkeena,waana diiday in aan saxiixo oo awoodayda Dastuuriga ah,ayaan ii ogolayn,waxaana go’aansaday in aan idin kula soo laabto.”Ayuu yiri M.Deni. “Qodobka Labaad waa sida uu noqonayo heerarka Maamul Dowladeed ee Dalka,waxaana Shirka la keenay wax ka duwan waxaanba filaynay…

Read More

Dowlada Puntland waa in ay qaybteeda ka heshaa Hubka Dowlada Fadaraalka loogu deeqay. Waa in ay qaybteeda waydiisataa Puntland Dowlada Maraykanka oo deeqdan bixisay. Inta badan Beesha caalamku waxay ugu deeqdaa Dowlada Somaliya Dhaqaale iyo Qalab loogu talagalay Ciidamada Amaanka iyo la dagaallanka argagixisada mana soo dhaafaan Bartamaha iyo Koonfurta Dalka. Somaliya weli kuma guulaysan in ay midayso Siyaasadeeda amni iyo Ciidan mana jiraan Ciidan Qaran.

Read More

Shirka iyo go’aamada kasoo baxay waa loo baahnaa. Beesha Fiqi-shinni in la xuso waxay muujinaysaa in reer Sool ay diyaar uyihiin wada noolaansho oo ay ilaalinayaan xuquuqda Cid walba oo la degta. Warmurtiyeedkan Siyaasiyan,ayuu muhiim ugu yahay reer Sool,waxuuna Caafimaad daro Siyaadadeed ku yahay Somaliland. Si gaar ah,waxuu jawaab ugu yahay Wasiir Maxamed Kaahin iyo weftigii la socday ee yimid duleedka Magaalada Laascaanood. Talaabo Siyaasadeed oo horay loo qaaday ayay utahay Reer Sool. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Gaas Maalin kuma darsan weliba,isagoo ka faa’idaysan kara fursado markaas jiray. Faroole Dastuurka oo la dhamaystiray,ayuu hirgelintisii 5-ta Sano dhex raacsaday Sanad si kale uguma dhicin. Cadde kuma darsan ee isbadalkii,ayuu fuliyay. Maxamed Cabdixaashi kuma darsan hal Maalin. Cabdullaahi,ayaa ku darsaday,waxaana laga dhaxlay khasaare xoog leh. Madaxweyne haku fakarin mudo kororsi hal daqiiqo. Dimuqraadiyada mudada kuu hartay ka shaqee intaad ka gaarto,kadibna doorashada Madaxtooyo xiligeedii ku qabo. Hadaladaadii Caawa ee Burtinle aad kaga kaftantay waxay u ekaayeen kuwo mudo kororsi uhanqal taagaya. Sida aad ku dul istaagtay khudbadaadii ilaali xeerarka heshiiska lagu yahay oo fuli Dastuurka iyo astayntiisa mudo xileedka…

Read More

Ka dib 15 wareeg Codbixin ah oo socotay Shan maalmood,ayaa ugu danbayn Ninka laga soo doorto California Kevin McCarthy loo doortsy Afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka. Doorashadan,ayaa ku timid tanaasulaad loo sameeyay Jamhuuriyiinta garabka Midig. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden,ayaa soo saaray bayaan uu ugu hambalyeynayo McCarthy, wuxuuna yiri.. “Waxaan diyaar u ahay inaan la shaqeeyo Jamhuuriga,iyagana waxaan filayaa in ay diyaar u yihiin in ay ila shaqeeyaan”.

Read More

After 15 rounds of voting over five days and concessions to right-wing Republicans, California Congressman Kevin McCarthy was finally elected speaker of the U.S. House of Representatives on Saturday. U.S. President Joe Biden issued a statement congratulating McCarthy, and saying, “I am prepared to work with Republicans when I can and voters made clear that they expect Republicans to be prepared to work with me as well.” Late Friday, after the 14th ballot there was a move to adjourn the House until Monday, but that vote also failed after Republicans changed tactics and decided on a 15th effort to elect…

Read More

Prince Harry has acknowledged killing 25 people in Afghanistan during his time as an Apache helicopter pilot, according to the United Kingdom’s media, quoting a soon-to-be-published autobiography. Harry, the duke of Sussex, served in Afghanistan first as a forward air controller in air raids from 2007-2008, then flying the attack helicopter between 2012-2013. vealed that he undertook six missions as a pilot that led to him “taking human lives”, the Daily Telegraph reported. Harry said he was neither proud nor ashamed of doing so. He also described eliminating the targets as like removing “chess pieces” from a board. “My number…

Read More

Buurtinle: 07 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo maanta ku tegay Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal, ayaa Kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada . Kulanka ayaa looga hadlay Adkaynta Nabadgalyada, Dardargelinta hanaanka Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland iyo ka qeyb qaadashada horumarinta degmada iyo arrimaha kale ee Bulshada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Xarfo ee Gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa intuu ku sugnaa halkaasi waxaa uu xariga ka jaray Wadada Xarfo-Buurtinle, oo si dhameystiran oo Laami ah loo dhisay, Dowladda oo kaashanaysa Midowga Yurub iyo UNOPS ayaa suurtagelisay Wadada waxaana Qeybta farsamada dhismaha fuliyay Shirkadda wadaniga ah ee Isxilqaan. Munaasabadda Xarig jarka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Howlaha Guud, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Hay’adda Waddooyinka Puntland, Guddoomiyeyaasha Gobollada Nugaal iyo Mudug, Gudoomiyaha Degmada Garoowe, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, la-taliyaal Madaxweyne iyo masuuliyiin kale oo Dowladda…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Wadada Isku xirta deegaanka Xaarxaar iyo Degmada Buurtinle, wadadaasi oo Hab casri ah oo Laami ah loo dhisay . Dhismaha Wadada Xaarxaar iyo Degmada Buurtinle waxaa hirgelisay Dowladda Puntland oo kaashanaysa Midowga Yurub & UNOPS, waxaana dhistay Wadada Shirkadda Wadaniga ah ee Isxilqaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Diiwaangelinta Codbixiyaasha Doorashada Golayaasha Deegaamada Puntland,ayaa si qurux badan uga socota maalinkii Sadexaad Gobollada Bari,Karkaar iyo Gardafuu. Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar,ayay si degan uga socotaa Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Golayaasha Deegaanka. Bulshada Degmada Dhudhub ee Gobolka Karkaar,ayaa saakay looga dareeray Goobaha diiwaangalinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland.

Read More

MADAXWEYNAHA OO XARIGA KA JARAY WADADA LAACDHEERE-RABAABLE OO DHISMAHEEDA LA DHAMEYSTIRAY. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray wadad Laacdheere – Rabaable ee Gobolka Nugaal taasi oo dhan 14 KM, oo la dhameystiray dhisme iyo dayactir lagu sameeyay. Wadada Laacdheere-Rabaable ee maanta xariga laga jaray ayaa waxaa lagu hirgeliyay Cashuurtii Shacabka laga qaaday oo Dalka dib loogu celiyay, waxaana dhistay Wadada Shirkadda Wadaniga ah Kebarco. Munaasabadda Xarig jarka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Howlaha Guud, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Hay’adda Waddooyinka Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Gudoomiyaha Degmada Garoowe, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, la-taliyaal Madaxweyne…

Read More

Ina Canbaashe waayihiisii Diiqnimada ee Sool waa soo afjarantay,waxii hada ka danbeeya ugu yaraan waa lala qaybsanayaa. Laascaanood kaligii wax laga waydiiyo oo SL udaba fadhido,isla markaana Bulshada Deegaanku isaga marti uga tahay Maamulka waa soo gabagabowday. Waxaa ufuran Laba Wado midkood oo kala ah.. 1.In uu isdaad raaciyo oo Kacdoonka qayb ka noqdo. 2.In uu galo colaad sokeeye oo Dhiig badan ku daato macnaha ugu weyn ee kasoo baxayana ay tahay Wiil Beel kale ah in uu hankiisa gaaro. Siyaasadii Somaliland ee Laascaanood way fashilantay waxayna gashay siriq in badan lala gaadayay. Muuse Biixi hogaamintiisa Somaliland waa unaruuro midnimada…

Read More

Somaliland khalad weyn oo istiraatijad dagaal ah in ay gashay ayay xaqiiqsatay markii ay Ciidamadeeda ka saartay gudaha Magaalada. Muuse Biixi in badan,ayuu ka war wareegay in uu gudaha Magaalada ka saaro Ciidamadiisa,sababtoo ah waa Askari fahansanaa in ay adkaan doonto ku celintooda. Ciidamadan gudaha ugalay Laascaanood waxay ka faa’idaysteen fursada ay bixisay Somaliland. Dagaal Magaalo laguma kala adkaado oo Boqol Nin oo Guryaha Daaqadahooda kaasoo toogata lagama saari karo. Waxa kaliya ee dhici kara haday SL isku daydo in ay xoog ugu laabato gudaha Magaalada waa xasuuq Dhiig badan ku daato loogana adkaan doono. Sidoo kalena ku noqon doona…

Read More

Somaliland xaqiiqdii Siyaasiyan Digsiga ayay ku soconaysaa oo waa Taayiro beeshay. Afar Qodob oo Todobaadkan ay wajahday Hargaysa,waxay ku ahaayeen Madfacyo waa weyn oo ku dhacay…. 1.Kacdoonka Shacabka Laascaanood,waxuu ahaa Madfacii 1-Aad ee ku dhacay hankii Jamhuuriyad Madax banaan. 2.Ka bixida Ciidanka Somaliland ee Gudaha Laascaanood,waxuu ahaa Madfaca 2-Aad ee ku dhacay hankii Jamhuuriyad Madax banaan. 3.Warqadii kasoo baxday Beesha caalamka oo ku ahayd bahdil weyn,ayaa ahayd Madfacii 3-Aad ee ku dhacay hankii Jamhuuriyad Madax banaan. 4.Kulankii ZOOM-ka ee ay iskugu yimaadeen Beesha Caalamka Habeenkii Ciidanka SL ka baxeen gudaha Laascaanood oo lagu go’aamiyay in la dhiso Gudi reer Sool…

Read More

Waxaa caawa si rasmi ah degmada Waaciye uga bilaabmay diiwaan-gelinta cod bixiyayaasha Puntland ee Gobolka Karkaar, kaas oo guud ahaan gobolada Puntland ka bilaabmay 5 bishaaan January. Halkan ka daawo muuqaalka 1-aad Hawl-wadeenada ka shaqayn doona Seejooyinka Gobolka Karkaar,ayaa si rasmi ah Shaqadoodii u bilaabay Caawa, iyagoo ka tegi doonaa Degmooyinka iyo Deegaanada hoosyimaada ee Seejooyinka loo calaamadiyay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka 2-Aad

Read More

Wasaaradaha Difaaca ee Dowlada Fadaraalka Somaliya iyo Imaaraadka Carabta,ayaa heshiis ku kala saxiixday Magaalada Abu Dhabi. Heshiiskan waxa ay Dowlada Fadaraalku ku helaysaa Afar arimood oo muhiim u ah dib udhiska Ciidanka oo kala ah.. 1.Tababaro.2.Qalabayn.3.Saad.4.Dhaqaale. Heshiiskan mahan mid Saldhig looga siiyay Somaliya Dowlada Imaaraadka Carabta ee waa mid ku kooban Tababaro iyo Taageero Ciidan. Imaaraadku waxuu Gacanta ku hayay Xerada tabararada ee Jen.Gordon oo ku taal Muqdisho mudo dheer. Balse Dowladii uu hogaaminayay Farmaajo,ayaa Imaaraadka ka saartay Dalka iskuguna dhufatay Albaabada Xeradaas. Sidaanoo kale Imaaraadku,waxuu Tababaro iyo taageero Ciidan siiyaa Ciidanka Booliska Badda Puntland oo xubin ka ah Dowlada…

Read More

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa qirtay in uu shaqada ka eryay Agaasimihii Hore ee Hay’adda Dambi baarista Kenya, arrintaas oo aan horay loo sii ogeyn. Markii uu Ruto magacaabayay agaasimaha cusub waxa uu sheegay in madixii hore ee Waaxda Dambi baarista uu si iskiis ah xilka isaga casilay. Hase ahaatee madaxweynaha Kenya ayaa hadda sheegay in uu George Kinoti xafiiska uga eryay sababo la xiriira dad la waayay oo si Khasab ah lagu kaxeystay iyo dilal sharciga ka baxsan. Madaxweyne Ruto ayaa shir jaraa’id oo uu xalay qabtay warfidiyeenka ugu sheegay in ay ka go’an tahay sidii uu u xaqiijin…

Read More

Barnaamijka bixiya abaalmarinnada lagu raadiyo Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka,ayaa Lacag dhan 10-Milyan oo dolar dul dhigay Madaxa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab. Bayaan ay shaacisay Dowladda Mareykanka oo lagu faahfaahiyay tallaabadan,ayaa lagu sheegay in laga farxin doono Qofkii keena xog horseedi karta in Gacanta lagu soo dhigo Ninkan oo lagu magacaabo Macalin Ayman. “Waxaan ku yabooheynaa abaalmarin $10-Milyan ah oo lagu bixinayo macluumaadka fududeyn kara in lasoo xiro Macalin Ayman,Waddan kasta oo ay ahaataba,”Ayaa lagu yiri bayaanka. Sida ay sheegtay Dowladda Kenyanka Nnkan,ayaa loo heystaa ku lug lahaanshaha weerar argagixiso oo 5-tii bishii Janaayo ee…

Read More

Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa maalintii Saddexaad waxaa ka tagaan ismarin waa la xiriira dadaallada ay Xildhibaanada ku doonayaan in ay ku doortaan Guddoomiye cusub. Waa dib u dhacii ugu dheeraa tan iyo dagaalkii sokeeye ee Mareykanka. Kevin McCarthy oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa marar badan ku guuldareystay inuu ka guuleysto xubnaha mayalka adag ee Xisbigiisa. Koox ka mid ah garabka Midig ee Xisbigiisa,ayaa hakiyay isku daygii 11-aad ee la doonayay in lagu doorto isaga maalinta Saddexaad ee Codbixinta. Jamhuurigu waxay la wareegeen Aqalka doorashadii dhexe ee bishii November, hase yeeshee ismari waaga,ayaa ka dhigay Aqalka in ay…

Read More

Si macquul ah,ayuu uga hadlay Madaxweynaha Fadaraalku xaalka Laascaanood. “Way na dhibaysaa dhibka Somaliyed laga soo bilaabo SL ilaa meesha ugu danbaysa,xataa kuwa Dowladaha dariska ah”.Ayuu yiri M.Xasan. “Si gaar ah Qof Calankii Buluuga ah lulaya oo hadana dhib ka muuqdo markaan aragno waa na dhibaysaa oo waan udamqanaynaa”Ayuu yiri Madaxweyne Xasan. “Dowlada Somaliland,waxaan leeyahay sidan si ka badalan kuwajaha xaalka oo Geel diday Waxaro lagama dhex qabto ee Dadka usoo dira Dad ay Af mahyaan oo la hadla”Ayuu yiri M.Xasan. “Reer Laascaanood,waxaan leeyahay wada hadal usoo diyaar garooba oo joojiya gubista iyo jabinta dood iyo xal diyaar unoqda”Ayuu yiri…

Read More

Booliska Puntland waxuu muujiyay bisayl iyo akhlaaq wanaag. Sugida amniga guud marka laga soo tago,waxay si qurux badan udaadihiyeen diiwaangelinta xasiloonideeda. Si gaar ah waxay dabacsanaan iyo caawimaad ugu muujiyeen Bulshada kuwooda nugul. Waxaa cajiib lahayd siday umaareeyeen Banaanbaxii koobnaa oo lagu soo dhex qariyay Rag Hubaysan si hadii Boolisku ukala cayriyo loo bilaabo Xabad lana yiraahdo Shacabkaa isdifaacayay. Inta Banaanbaxaas koobnaa socday Ciidamada Booliska,waxaa laga fogeeyay Aagii ay iskugu yimaadeen Dadkii lasoo abaabulay si aan loo helin marmarsiiyo lagu soo gabado. Sidoo kale isla Shalay Galab qorshe kale oo Qawadayaashu damceen in ay ku suurad xumeeyaan diiwaangelinta si xirfad…

Read More

Maalintii Labaad,waxaa si habsami leh uga socda Gobolka Bari diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland. Bosaso,ayay uga socotaa si wanaagsan oo xasiloon Dadkuna marba marka ka danbaysa ay soo xoogaysanayaan. Sidoo kale Degmada Carmo,ayay diiwaangelintu si qurxoon oo Dadku si weyn ugu soo baxay ay uga bilaabatay saakay. Degmooyinka kale ee Gobolka Bsri,ayaa iyagana ay ka bilaabatay Diiwaangelintu sida uu noo xaqiijiyay Gudiga Doorashada iyo goob joogayaal Madaxbanaan. Sida la filayo Diiwaangelintu waxay soconaysaa mudo 15-cisho ah haduu rabi idmo.

Read More