Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Axmed Karaash oo taageeray go’aamada Garaadada Laascaanood
    Somalia

    Axmed Karaash oo taageeray go’aamada Garaadada Laascaanood

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 6, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha reer Puntland waxaan si buuxda u soo dhoweynaynaa go’aamada Masiiriga ah ee ay soo saareen Isimada dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanada SSC ee ay kaga tashanayaan Aayahooda, waana ku garab taaganahay.

    Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen Xasuuq iyo Barakac joogto ah oo uu ku hayo Maamulka Soomaaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo, taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo go’aamada ay gaadheen dadka deegaanku, Eebbe ha unaxariisto inta ku shahiiday inta dhaawaca ahna haw booga dhayo.

    Hadaba waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkaba u cadaynaynaa in dadka shacabka ah ee la Xasuuqayo iyaga oo Masiirkooda ka tashanaya aanay ahayn wax indhaha laga qarsan karo masuuliyada wixii halkaas ka dhacana uu qaadayo maamulkaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    September 5, 2026

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    September 5, 2026

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    September 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    Faallo:-Xasan Shiikh oo Somaliya usoo raray loolanka Quwadaha

    Putin oo ku dhawaaqay in uu dagaalka Ukrain jpojiyo

    Maraykanka oo weeraro ku ekeeyay Ilaalada Kacaanka Iran

    Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.