Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhulgariir ku dhuftay Dalka Turkiga
    Somalia

    Dhulgariir ku dhuftay Dalka Turkiga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 6, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhulgariir cabirkiisu yahay 7.8 cabirka dhulgariirada ayaa ku dhuftey koofurta dalka Turkiga meel u dhow Gaziantep sida ay sheegtey hay’adda arrimaha dhulka Maraykanka. Dhulgariirkan ayaa dhacay 4:17 daqiiqo ee saaka ka hor waaberigii.

    ku dhawaad 18 Km dhul ballaciisu yahay ayaa la sheegey inuu saameeyey dhul gariirkani.

    Dhulgariir kale oo xigey ayaa isna cabbirkiisu ahaa 6.7 waxaana uu ka dhacay meel u dhow isla goobtii hore.

    Saraakiisha Turkiga ayaan wali sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah, balse muuqaalo la soo dhigey baraha bulshada ayaa muujinaayey dhismayaal bur burey dhowr magaalo oo ku taala koofur Bari dalka Turkiga.

    Warbaahinta dowlada Turkiga ee TRT ayaa soo gudbisey muuqaalo dhismayaal uu dhulgariirku bur buru u geystey iyo dadweyne banaanaka taagan

    Gaziantep ayaa ah goob caan ku ah wax soo saarka warshadaha waxaana ay xuduud la wadaagtaa Syria sidoo kale waxaa laga dareemey dhulgariirkan dalalka Lebnon, Syria iyo Cyprus.

    Turkiga ayaa ka mida meelaha ugu badan ee dunidu uu ka dhaco dhulgariirku.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    September 5, 2026

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    September 5, 2026

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    September 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    Faallo:-Xasan Shiikh oo Somaliya usoo raray loolanka Quwadaha

    Putin oo ku dhawaaqay in uu dagaalka Ukrain jpojiyo

    Maraykanka oo weeraro ku ekeeyay Ilaalada Kacaanka Iran

    Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.