Author: Jibril Qoobey

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa goor dhaw u ambabaxay dalka Cummaan si uu uga qayb-galo tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda aan walaalaha nahay ee Cummaan. Waa safarkii labaad ee Madaxweyne Farmaajo uu bil gudaheed ugu ambabaxo dalka dibadiisa,waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho kasii sagootiyey Mas’uuliyin ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Cumaan waxaa uu sidoo kale la kulmi doonaa suldaanka Cusub ee dalka Cumaan,kaas oo bedeley suldaankii geeriyoodey ee Suldaan Qaamuus Ibnu Siciid Ibnu Tamuur iyo Madax kala duwan oo halkaasi u tageysa tacsida qaran ee…

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Xanuuno dhakhaatiirtu la yaaban yihiin ay ka dilaaceen magaaladaaas, waxaana Isbitaaladu ay la ciir ciirayaan dad ay soo riteen xanuunadan. Dadka xanuunadu soo riteen oo u badan Caruur ayaa ah kuwa matagaya dhiig, sidoo kalena dhiig saxaroonaya, dhakhaatiirta ayaana la tacaaleysa xanuunadan oo ay ku wareersan yihiin, sida uu noo xaqiijiyay mid kamid shaqaalaha Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Dhiigag iyo dheecaano ayaa dhowr ilmood laga qaaday, si baaritaan loogu soo sameeyo xanuunkan, waxaana loo qaaday magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Read More

Dagaalamayaal katirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degaanka kamuthe ee ismaanulka Gaarissa ee Dalka Kenya, sida ay ku warameyso warbaahinta gudaha Kenya. Dadka degaanka ayaa sheegaya in kooxihii weerarka fuliyay ay beegsadeen saldhig ciidamo ka tirsan Booliska kenya ay ku lee yihiin halkaas, waxaana lagu soo waramayaa in sidoo kale ay bur buriyeen anteeno ay lahayd shirkada safaricom. Ma jiro, wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Kenya oo ku saabsan dhacdadaan, waxaana uu kusoo aadaya xilli muddooyinkii ugu dambeeyay ay weeraro qorsheysan ka fulinayo gudaha Dalka Kenya.

Read More

Ergooyin ka kala socda dowladda uu caalamku aqoon sanyahay ee Dalka Libya iyo hogaamiyaha mucaaradka General Khaliifa Xaftar oo gaaray magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah ay heshiis xabad joojin ah kala saxiixdaan. Xabad joojintan waxaa horay ugu dhawaaqay madaxwaynayaasha dalalka Ruushka iyo Turkiga oo lakala safan labada dhinac ee isku hayo dalka Libya. Colaada dalka Libya ayaa sara u kacday bartimihii sanadkii hore kadib markii ciidamo daacad u ah General Xaftar ay soo weerareen magaalada caasimada ah ee Tripoli halkaas oo fadhi u ah dowladda ay Qaramada Midoobey taageerto.

Read More

Hogaamiyaasha dalka Iran ayaa wajahaya maalintii labaad dibad baxyo xoogan oo ay dadku kaga soo horjeedaan diyaaradii ay milatariga dalka Iran soo rideen, taas oo ay ku dhinteen 176 oo ruux oo saarnaa. Dibad baxyada ayaa ka soconaya magaalada caasimada ah ee Tehran iyo dhawr magaalo oo kale. Meelaha qaar waxaa lasoo wariyay in ay isku dhaceen dibad baxyaasha iyo booliska. Dowladda Iran ayaa qiratay in si kam ah ay usoo riday diyaarda dalka Ukrain mar ay dul mareesay meel u dhaw garoonka caalamiga ah ee Imaam Khumeeni. Dibad baxyada rabshadaha wato ee kasoconaya dalka Iran ayaa kusoo beegmaya xilli…

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla Degaanka Sablaale ee Gobalka Shabeelaha Hoose ku toogtay Afar ruux oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dowladda Soomaaliya. Ragga la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa; 1: Ayuub Xassan Buraale oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa Maamulka degmada Kuntuwaareey uguna Magacaawnaa dhirta iyo daaqa. 2: Xassan Cusmaan Cali (Abayle) oo ay Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda ee degmada Baraawe ka howlgalla. 3: Xassan Faarax Maxamad (Gambiye) ayay Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda,isla markaana ay qabteen,isaga oo ku wajahnaa degmada buulo Burde ee Gobolka Hiiraan. 4: Xuseen Xassan…

Read More

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Puntland Xil. Sadiq Xirsi Warfaa, ayaa lagu sheegay in Liiska shaqada shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda laga saarayo ama laga hakinayaa mushaarkooda 803 shaqaale oo hadda kujira Liiska Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Waraaqdan oo si hoose loogu saxaafadda ayaa lagu muujiyay meelmarinta go’aanka golaha Wasiirada ee tirsigiisu yahay SHGW.00.84.10.19 kuna saabsan Ansixinta qaraarka tira-koobka madax-tirinta Shaqaalaha Rayidka ee dowladda iyo hirgelinta xeer Ra’iisulwasaare oo tirsigiisu yahay 086 oo Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha loogu xilsaaray fulinta go’aanka shaqo kasaaridda iyo beddelidda 803 oo shaqaale ah ayaa lagu xusay in faahfaahin kusaabsan tirada…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa Xil-kaqaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Iyo Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu, isagoona u magacaabay Masuuliyiin cusub. Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Deni. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.10 January 12, 2020 kusoo saaray magacaabis iyo xil-kaqaadis uu ku sameeyay Guddoomiyaha Iyo Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.…

Read More

Booliska Malaysia ayaa joojiyay munaasabad soo dhaweyn ah oo Magaalada Kuala Lumpur, loogu sameyn lahaa Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadajir, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalkaas. Booliska ayaa sheegay in safaaradda Soomaliya ee dalka Malaysia ay ku war-galisay in Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu dallka Jarmalka ka jeediyey khudbad uu diinta islaamka wax kaga sheegay, sidaas darteedna ay jiraan dad badan oo islaam ah oo u careysan. Hase-yeeshe, Siyaasi C/rixmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in munaasabadan ay u qabsoomtay kaddib markii ay la kulmeen saraakiisha Ciidanka Booliska Malaysia, ayna ku war-galiyeen in warbixin…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Dowladda Puntland ayaa uga digntay Dadka kunool degaanada Xeebaha, inay ka digtoonaadaan Roobab dabaylo wata oo Kusoo food leh xeebaaha Badwaynta Hindiya iyo Badacas ee Puntland. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa lagu sheegay in dabeylahan oo ku socda xawaare sare oo ah 36-KM/H ilaa 40-KM/H, ay ka dhacayaan baddahaa Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas. Roobabka dabeylaha wata ayaa saameyn doona Degmooyin ay kamid yihiin Bargaal, Isku-shaban, Eyl iyo Boosaaso, sida lagu muujiyay sawir ay soo dhigtay Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland. Dabaylahan ayaa kasoo kacintimay dhinaca waqooyi galbeed ee…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumud Cagjar, ayaa ku guuleystay dadaal uu galay, sidii codeynta doorashada Dowlad Degaanka loo hareer marin lahaa Degmooyin badan oo kamid ah Degaanka, kuwaas oo uu u arko in uusan cod ka helin doonin isaga iyo xisbigiisu. Degmooyinka aan lagu qaban-doonin Doorashada Degaanka ayaa weyn doona Xildhibaanada ku matali lahaa Baarlamaanka Dowlad Degaanka iyo heer Federaal, iyadoona sidoo kale lumin doona Degmo-nimada iyo maamul magaalo-nimada, waxaana ay kala yihiin: Degmooyinka Gobolka Faafan ee laga noqdey. 1.Degmada Qooraan oo rugteedu noqonayso Mula 2.Degmada Harawo oo rugteedu noqonaysoDharwanaaje 3.Degmada Jigjigada Galbeed oo rugteedu noqonaysa Haroorayso 4.Degmada…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa Xil-kaqaadis ku sameeyay Guddoonka iyo xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Iyo Danbiyada Culus Ee Dowladda Puntland, isagoona magacaabay Guddoomiye Ku meel gaar ah u magacaabay. Madaxweyne Deni ayaa u magacaabay G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan, Guddoomiyaha KMG ah ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xilka qaadis ku sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, kuwaasi oo kala ah: 2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen2.3. G/sare. Aadan Xuseen Maxamed Garsoore2.4.…

Read More

Xukuumadda Libya ayaa aqbashay maanta oo Axad ah xabad joojin ay dalalka Russia iyo Turkey ay ku booriyeen dhinacyada ku dagaalamaya Libya. Khalifa Haftar oo ah nin dagaal hubeysan kaga soo horjeeda xukuumadda Libya ee Qaramada Midoobe aqqoonsan tahay ayaa isna ku dhawaaqay in uu xabadda joojiyay. Ra’isulwasaaraha xukuumadda Libya Fayez al-Sarraj ayaa sheegay in xabad joojintu ay bilaabaneyso saqda dhexe ee caawa, hase ahaatee ay xukuumaddiisu xaq u leedahay iney iska difaacdo haddii la soo weeraro. Sarraj ayaa sheegay inuu xabad joojintan aqbalay isaga oo ka jawaabaya baaqa ka yimid madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo madaxweynaha Russia Vladimir…

Read More

Xildhibaannada Cusube ee Baarlamaanka labaad ee Maamulka Galmudug oo maanta kulankoodii ugu horeeyey ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, ayaa doortay Guddoomiye KMG ah Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo ah xildhibaanka xilligaan ugu da’da weyn baarlamaanka Cusub ee Galmudug . Kulanka Xildhibaannada Galmudug ayaa sidoo kale isaga soo xuleen Guddi doorasho oo nidaamiya hanaanka ay u dhaceyso doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug, kaas oo ka kooban 15 xubnood, oo 6 kamid ah ay ka socdaan dhinaca xildhibaanada Ahlu-sunna, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Dhuusa-mareeb. Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Galmudug Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane ayaa waxaa uu xilka…

Read More

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Ambassador Axmed Ciise Cawad ayaa maanta kulan la qaatay safiirka midowga Yururb ee Soomaaliya. Wasiir Cawad iyo Ambassador Nicolas Berlanga ayaa ka wada hadleen arrimo dhowr ah sida in Midowga yurub uu xoojiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya, iyaga oo kala saxiixdeen labada masuul heshiis arrimahaas ku saabsan. Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Ambassador Axmed Ciise Cawad ayaa safiirka uga mahad celiyey taageerada ay mar walba siiyaan Soomaaliya.

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa digniin u dirtay Isbitaalada Puntland, gaar ahaana Garoowe, iyadoona sheegtay in $10 ka badan aan laga qaadi karin shacabka u baahan warqadda Caafimaadka. Waraaq kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa lagu armay Isbitaalada inay u fududeeyaan waraaqaha Caafimaadka Shacabka, maadama Safaaradda Hindiya ay ka bilaabayso Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland bixinta VISA-ha dal ku-galka Hindiya, loona baahan yahay in Shacabku ay ka faa’ideystaan.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Guddoomiye KMG ah u magacaabay Degmada Carmo ee Gobalka Bari, isagoona u magacaabay Maxamed Ibraahim Faarax. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in magacaabista Guddoomiyaha KMG ah ee Degmada Carmo ee Gobolka Bari, kaddib markii uu u soo jeediyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Puntland. Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada Xafiiska Madaxweyne Deni. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.06 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Carmo ee Gobolka Bari. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka…

Read More

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa dhawaan in uu saxiixo ama muddo sanad ah uu ku kodhiyo xayiraada dhanka socdaalka oo uu horey u saarey muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah oo ay Somaaliya qeyb ka tahay. Aqalka Cad ee Mareykanka oo looga arrimiyo dalkaas ayaa laga hadal-haayaa in muddo hal sano ah oo dheerad ah uu ku kordhin doono xayiraad dhinaca sodaalka ah oo la saarey muwaadiniin kasoo kala jeeda lix dal oo kala ah, Iiraan,Libya Siiriya,Soomaaliya, suudaan & Yemen. Xubno ku dhow dhow Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen in qorshaha Madaxweyne Trump ee…

Read More

Madaxda ugu sareysa Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya oo ay hogaaminayso Wasiir Fawziya Abiikar Nuur ayaa maanta Muqdisho kusoo dhoweeyay Wafdi ballaaran oo kasocda Xafiiska ugu sareeya Hay’adda Caafimaadka Adduunka (World Health Organization- WHO). Xubnaha Wafdiga iyo Madaxda Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa haatan u socdo kulan xasasi ah oo ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah oo ku saabsan dhinaca Caafimaadka,sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. “Mar dhow waxaan idiin lasoo wadaagi doonna war-saxaafadeed si faahfaahsan uga warbixin doona ujeedada wafdiga iyo hawlaha aan wada qaban doono maalmaha soo socda ayaa lagu yiri”Warka Wasaaradda.

Read More

A man tried to take a flight from Düsseldorf Airport in western Germany carrying almost €870,000 in bank notes that were stashed between books. On November 10th, police officers at the airport noticed a suitcase with 10 cash packages, totalling €634,000 which were stuffed between books, reported the Customs Investigation Office based in Essen. The suitcase was owned by a 26-year-old Frenchman of Chinese descent, who was planning to travel from Düsseldorf via Russia to China. The suitcase was then handed over to officers of the main customs office in Düsseldorf, while they quizzed the passenger. It was then established that…

Read More

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan, ayaa shaaciyay waqtiga la fulinayo xukunka dilka ah ee maxkamaddaha Puntland ku xukumeen saddexdii nin ee kufsaday Caasho Ilyaas Aadan. Xeer-ilaaliyaha guud ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11/02/2020 marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo, goobta laga fulin doonana ay tahay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, sida uu baahiyay TV-ga ku hadla Afka Dowladda ee Puntland TV.

Read More

Senatoradda Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in Kulanka 27-aad ee Kalfadhiga 6-aad ee Golaha ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka Aqalka Sare ayaa ah Akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka howlgabnimada, xaqsiinta, iyo Hibooyinka xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa xalay waxaa loo diray fariimo lagu wargelinayo inuu kulanka, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee horyaalla. Golaha Aqalka Sare ayaa shalay Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Doorashooyink Qaranka, oo dood badan ka taagan tahay, waxaana warbixin la xiriirta Sharciga Doorashooyinka Golaha kahor Akhriyay…

Read More

Ciidamo katirsan Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyey inta badan xaafadaha degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir. Ciidamada ayaa gudaha u galayey qaar kamid ah guryaha ku yaalla degmada Boondheere, iyagoo baaritaan ku sameynayey, Ciidamada ayaana intii howlgalku socday qab-qabanayay dhalinyarada xaafadaha degmadaas, kuwaas oo markii dambe intooda badan ciidanku sii daayeen. Sidoo kale, Ciidamada Booliska ayaa markii uu soo idlaaday howlgalkooda, waxay horay u sii ka xeysteen dhalinyaro fara ku tiris ah oo loo maleynayo inay uga shakiyeen falal amaanka liddi ku ah. Ciidanka Dowladda ayaa habeenadii ugu dambeeyay howlgallo is daba-joog ah ka sameynayay xaafadaha Degmooyinka Gobalka…

Read More

Ugu yaraan sideed ruux ayaa dhimatay kadib markii duufaan xoogan ay ku dhufatay qaybo kamid ah koonfurta dalka Mareykanka. Duufaanta oo wadata roob iyo dabeelo xoogan ayaa sigaar ah ugu dhufatay gobolada Alabama, Louisiana iyo Texas. Waxaana jirta in tirada dadka ku dhintay duufaanta in ay sii kordhayaan xilli boqolaal kun oo ruuxna ay wajahayaan guri la’aan iyo koronto la’aan. Daadadka ayaa sidoo kale bur bur xoogan u gaystay wadooyinka waa wayn ee magaalooyinkaasi.

Read More

Boqolaal ruux ayaa iskusoo baxay wadooyinka waa wayn ee caasimada dalka Iran kuwaas oo dalbanaya in uu iscasilo hogaamiyaha dalkaasi Ayatullah Cali Khamanii. Dibad baxyaasha ayaa ka careesan diyaaradii dhawaan ay soo riday dowladda Iran taas oo ay Iran ku sheegtay in ay usoo dhacday si kam ah. Dibad baxyada ayaa ka dhacay afaafka hore ee labo jaamacadood oo ku yaalo caasimada Tehran. Safiirka u fadhiyo dowladda UK magaalada Tehran ayaa dibad-baxyada lagu xiray kadib markii uu ka qayb qaatay inkastoo markii dambe lasii daayay. Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twiterka dibad baxyaasha ku…

Read More

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa inay maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshaan Magaaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulkaas, kaddib markii la dhaariyay shalay. Xildhibaanada ayaa kulankooda uga hadlaya Arrimo ay kamid yihiin Doorashada Guddoonka, waxaana si KMG ah ay shir guddoon ugu dooran doonaan maanta qofka ugu da’da weyn ilaa iyo inta ay ka dooranayaan Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa Baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa dhexdooda iska soo xuli doona Guddi doorasho, kaas oo asteeya hanaanka iyo habraaca doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug. Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey, waxana sidoo kale halkaasi ka socda kulamo xasaasi ah…

Read More

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Haylaan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.07 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Haylaan. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Gobolka Haylaan. Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo. Markuu Tixgeliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdisalaan Maxamed Muuse loo magacaabay Guddomiye ku-xigeenka Gobolka Haylaan. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. =DHAMMAAD= ==XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND==.

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa ballan-qaadey inay kordhinayso taageerada dhinaca amniga ee ay siiso Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, kaddib kulan ay ku yeesheen Magaalada Boosaaso Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Safiirka Mareykanka Amb. Donald Yamamoto. Kulanka labada Masuul,ayaa lagu go’aamiyay qodobo dhowr ah oo quseeya amniga, ayna ugu weyneyd amniga xeebaha Puntland iyo la dagaalanka kalluumeysiga sharci-darada ah iyo Burcad-badeeda, Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaana isku afgartay; 1. In Puntland u fasaxdo Baddeeda Ciidamada Maraykanka. 2. In Maraykanku Puntland ka taageero la dagaalanka Kaluumaysiga sharci darada ah iyo burcad badeeda. Sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ku dhowaa kulanka Safiirka Mareykanka,ayaa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay maanta Magaalada Muqdisho, kaddib booqasho labo maalmood ah oo uu ku tagay Dalka Eriteriya. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Caasimadda u ah Eratariya ee Asmara la Kumay dhigiisa Isaias Afwerki, waxaana War-murtiyeed ay baahisay lagu sheegay inay ka wada-hadleen xoojinaya xiriirka iskaashiga labada dal, xaaladihii u dambeeyay ee amniga gobolka iyo taabbo-gelinta Heshiiskii Saddex-geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya. War-murtiyeedka labada Madaxweyne ayaa lagu xusay inay go,aamiyeen dardar-gelinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya oo ku salaysan Heshiiskoodii Saddex-geesoodka ahaa ee bishii September,…

Read More

Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa galabta lagu dhaariyay magaalada Dhusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Maalintii shalay ayaa guddiga doorashada ee maamulka Galmudug uu shaaciyey liiska 83 xildhibaan oo noqonayo xubnaha soo dooran doona madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug. Dhanka kale, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ka hor yimid xildhibaannada cusub ee Galmudug, isagoona sheegay inay la xisaabtami doonaan kuwii soo saaray Liiskan.

Read More

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ka wada diiwaan-gelinta Ganacsatada ku nool Garoowe. Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in ujeedada loo diiwaan-gelinayo ganacsatada ay tahay in la ogaado tirada rasmiga ah ee Ganacsiyadda, heerarka uu kala yahay, si loogu daba-galo canshuuraha ku waajibay, sida uu sheegay Maamulaha canshuuraha berriga Gobalka Nugaal Sharmaake Maxamed Warsame. Sidoo kale, Maamulaha canshuuraha berriga Gobalka Nugaal ayaa ka hadlay faa’idooyinka ugu jira Ganacsatada diiwaan-gelinta, isagoona sheegay in aysan isku xaquuq noqon doonin ganacsade degaanka faa’ido soo galiya iyo mid aan waxba kusoo kordhin.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan. Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Danjire James Swan, ayaa ka wada-hadlay qodobbo ay ka midyihiin arrimaha mudnaanta qaran leh ee 2020 iyo sida ugu habboon ee Qaramada Midoobay u taageeri karto ahdaafta dalku uu leeyahay. Kulanka ayaana kusoo dhamaaday is af-garad.

Read More

Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa war kasoo saartay kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Boosaaso Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo soo gaaray Boosaaso. Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni iyo Danjire Donald Yamamoto, ay ka wada-hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu shaaciyay Madaxtooyadda Puntland. Ilo-wareedyo ku dhowaa kulanka labada Masuul ayaa sheegay in la isla soo qaaday sharciga Batroolka, Danjire Donald Yamamoto uu si cad…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.04 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Agaasime ku-xigeenka Baanka dhexe ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Baanka dhexe ee Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo waaya-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey : 1. Waxaa Abdirisaaq Warsame Seeraar loo magacaabay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland. 2. Waxaa Anisa Cabdiraxmaan Maxamed loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool G/Sare. Cismaan Yuusuf Muuse, kaddib wareegto kazoo baxday xafiiskiisa oo ay baahisay goor-dhaweyd Madaxtooyaddu. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in magacaabista G/Sare. Cismaan Yuusuf Muuse, ay ku timid markuu arkay baahida loo qabo dardargelinta howlaha Amni ee Gobolka Sool iyo talo soo jeedin uga timid Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Halkaan Hoose ka akhriso wareegtada magacaabista Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Sool. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.05 January 8, 2020 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool. Madaxweynaha Dowladda…

Read More

Senatorrada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la horgeyay sharciga doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay marsiiyeen aqrinta koowaad. Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Federaalka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa labo todobaad kahor u magacaabay guddi senatorro ah oo ka koobnaa todoba xubnood sharciga doorashooyinka Qaranka, oo dood iyo muran badan ka taagan yahay. Guddiggaan ayaa shaqadooda aheyd kazoo talo-bixinta sharcigaan, iyagoona sidoo kale isku daba ridaya aragti waliba oo ay ka dhiibtaan senatorada. 27-kii bisha December ayaa waxaa meel mariyay sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, golaha shacabka ee…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dhamaal tacsi ah u diray Boqortooyadda Cuman, isagoona ka tacsiyeeyay geerida ku timid Suldaan Qaamuus Ibnu Siciid Ibnu Tamuur oo geeriyooday Maalintii Jimcaha oo ay Taariikhdu ku beeganayd 10-Janaayo-2020. Madaxweyne Dr. Siciid C/laahi deni ayaa sheegay in suldaan Qaamuus Ibnu Siciid uu ahaa hogaamiye daacad u ah shacabkiisa, Shacabka Carabta iyo Guud ahaan Shucuubta Islaamka. “Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo guud ahaan Shacbka Reer Puntland waxay Tacsi u dirayaan dhamaan Shacabka Reer Cumaan si gaar ah waxay tacsi ugu dirayaan Qoyska Boqortooyada Dalka Cumaan ,iyadoo ay jiraan xiriir soo jireen ah oo ka…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowlada Puntland Axmed Bashiir Muuse (Cirro), ayaa xariga ka jaray wadada jayga ah ee isku xirta Degmooyinka Burtinle iyo Xarfo, taas oo dib u habayn lagu sameeyey. Wasiir Cirro ayaa ugu mahad-celiyay Kambaniga Is-xilqaan dayactirka wadadan oo ay iska kaashadeen Shirkadda iyo Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Puntland, ayna adeegsadaan gaadiidka, kana leexata degaanka Far-janno. Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa ka dalbaday Darawalada Gaadiidka waa weyn inay ka jaraan sharmadaha gadaal ka jiitama gaariyaasha, kuwaas oo dhibaato ku ah waddooyinka, isagoona ugu baaqay laamaha ammaanka, Maamulada Degmooyinka iyo kuwa Gobalada in…

Read More

Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco ayaa u diyaarisay in laami ay saarto qaybo kale oo ka mid ah laamiga bartamaha magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan inta uu ka maro suuqa wayn oo aad uga bur bursanaa. 400 oo mitir ayaa la saarayaa laamiga, waxaana laga bilaabayaa dhabarka dambe ee Madaxtooyadda, iyada oo qorshuhu yahay in la gaar siiyo Iskoolka Ummadda ee magaalada Gaalkacyo.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa goor-dhaweyd kulan kula yeeshay garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Ambassador Donald Yamamoto iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo. Madaxweyne Deni ayaa kulanka waxaa ku wehlinayay Agaasimaha Ciidanka PSF-ta Puntland oo uu taageero Mareykanka iyo saraakiil kale, oo ka tirsan Hay’adaha ammaanka iyo Masuuliyiin kamid ah Xukuumadiisa. Kulanka Madaxweyne Deni iyo Danjire Donald Yamamoto ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga, Siyaasadda, Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021, Dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Khilaafka Puntland iyo DFS iyo xoojinta xiriir Puntland iyo Mareykanka, sida ay Idil News u…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qaybagalay munaasabada qalin jabinta dufcada tobnaad ee jaamacada Kismaayo iyadoo ay maanta ahayd qalin jabinta arday dadaalkooda waxbarasho soo waday sanadahii lasoo dhaafay. Tirada Ardaydan oo ahayd 97 waxaa xusid mudan in 37 kamid ah ay ahayeen Gabdho waxaana ay tani cadayn u tahay sida gabdhaha Soomaaliyeed ay uga muuqdaan doorka ay ku leeyahiin Waxbarashada iyo tacliinta dalka sida uu Madaxweynahu sheegay. Waxaa kale oo Madaxweynahu uu xusay in Jaamacada Kismaayo ay door muuqda ku leedahay kobaca Dowladnimo ee Jubbaland isagoo sheegay in wakhtigii la dhisayay Jubbaland ay noqotay…

Read More

Xeer ilaaliyaha Guud Ee Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan, oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Magaalada ayaa sheegay inay u gudbiyeen Maxkamadda Sare warqaddii dhaxal-koobka ee hor-taagneyd fulinta xukunka Kiiska Caa’isho Ilyaas Aadan. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay u moodayeen in waraaqdaas ay horey u heysatay Maxkamadda sare ee dowladda Puntland, balse ay saacadihii ugu dambeeyay ogaadeen in Maxkamaddu aysan heyn, kaddib markii uu saxaafadda u sheegay Sii-hayaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed. Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha Guud Ee Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan ayaa si kulul u cambaareeyay waraaqo lagu baahiyay baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay, isagoona tilmaamay…

Read More

Haitham bin Tariq Al Saciid ayaa loo Magacaabay inuu noqdo Hoggaamiyaha cusub dalka Cuman kadib dhimashadii ina-adeerkiis Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid, sidda ay ku warantay Warbaahinta Gudaha ee Cuman. Boqor Haitham bin Tariq, oo horey u ahaa Wasiirkii dhaqanka Cuman ayaa la dhaariyey ka dib markii ay soo gudbiyeen qoyska Boqortooyada. Dastuurka Omani wuxuu dhigayaa in qofka guuleysta uu u magacowdo qoyska boqortooyada sedex maalmood gudahood markii carshiga uu baneeyey. Suldaanka waa inuu xubin ka ahaadaa qoyska boqortooyada sidoo kale waa in uu ahaada “Muslim, qaan gaar, caqli gal ah. Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa…

Read More

Dagaalamayaal katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig Ciidanka kenya ay ku lee yihiin degaanka Olla oo waqooyiga kaga beegan magaalada Mandhera ee Gobalka waqooyi bari, waabarigiii saakay. Saldhiga la wareeray ayaa waxaa ku suganaa ciidan Police-ah, kuwaas oo lasoo sheegayo inay waxyeelo soo gaartay, inksta oo aysan si rasmi ah uga hadlin khasaaraha weerarka uu sababay. Dhinka kale, kooxihii weerarka fuliyay ayaa hub culus waxay ku weerareen xarun ay lahayd shirkadda isgaarsiinta Safaricom, taas oo laga leeyahay dalka Kenya, goobjoogeyaal ayaa sheegay in bur bur xoog leh uu soo gaaray Anteenada shirkadda la weeraray. Kooxda Al-Shabaab ayaa todobaadyadii…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa booqday dalka Ereteriya muddadii u dhexaysay 10-ka ilaa 11-ka bisha Jannaayo ee 2020, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Mudane Isaias Afwerki. Intii lagu gudajiray booqashada, labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wadahadallo qotadheer oo ku aaddan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal. Labada Madaxweyne waxa ay iyaga oo ku qanacsan isla qireen koboca ballaaran ee ku yimi iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinnimada iyo Iskaashiga loo…

Read More

Xeer ilaaliyaha Guud Ee Dowladda Puntland Maxamuud xasan Aw-cismaan, oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay kiisakii ciqaabta ahaa ee xafiiskiisu uu horgeeyay Maxkamadda Puntland sanadkii tegay ee 2019, isagoona sheegay inay tiradoodu gaarayeen kiisaskii sanadkii tagay dhacay 4379 oo ka dhacay sagaalka Gobol ee Puntland. Sidoo kale, Xeer ilaaliayaha Guud Ee Dwoladda Puntland ayaa soo gudbiyay kiisaskii ciqaabta ahaa ee Xafiiska Xeerilaaliyaha guud iyo maxkamada ay galeen sanadadii 2011 ilaa 2019kii, kuwaas oo uu sheegay inay dhamaayeen 35, 685 kiis.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo manta gaaray Magaalada Boosaaso ayaa kulan la leh saraakiisha Imaaraadka Carabta ee gacanta ku haya Ciidanka Badda Dowladda Puntland ee PMPF. Madaxweyne Deni oo safar deg deg ah uga amba-baxay Magaalada Garoowe saqdii dhexe ee xalay, isagoona si toos ah u abaaray xerada ciidanka PMPF-ta. Madaxweyne Deni iyo saraakiil ka socota Imaaraadka Carabta oo gacanta ku haya Ciidanka Badda Puntland ee PMPF, ayaa ka wada-hadlaya arrimaha ku gadaaman Mashruuca PDG oo ah mid dood badan ka taagan tahay. Wixii Kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Garyaqaan Madoobe Cabdi Gurey, Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland. Garyaqaan Madoobe oo kasoo jeeda Gobolka Sanaag, ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay Madaxtooyadda Puntland ay shaaciso magacaabistiisa, isagoona intaas kaddib soo dhisi doona Garsoorayaasha kale ee Maxkamada. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa kala diray Garsoorka Maxkamadaha Ciidanka qalabka sida ee Puntland, kaddib markii ay hareeyeen eedaymo musuq oo is xigxigay bilihii udanbeeyay. Waxyaabaha soo dad-dajiyay kala dirista Garsoorka Maxkamadaha ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa waxaa kamid ah sii deynta xubno ka…

Read More

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa kaga dhawaaqay Magaalada New York in Soomaaliya ay ka mid noqotay 7 dal oo ka mid ah Qaramada Midoobay oo qarka u saaran in ay waayaan xaqa codka golaha guud ee Qaramada Midoobay. Afhayeenka ayaa sheegay sababta ay tahay bixin la’aanta dhaqaalaha xubinimada oo ay la daaheen. Waxa uu sheegay in dalalka kala ah  Comoros, Sao Tome iyo Principe ay go’aansadeen Oktoobar inay ilaalin karaan codkooda ilaa bisha Sebtember. Golaha guud ayaa ka kooban 193 dal, waxaa kaloo ka mid ah dalalka arrintan saameynayso Venezuela iyo Lebanon. Xeerka Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in xubintii…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa safar deg deg ah ku gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, isagoona saqdii dhexe ee xalay ka amba-baxay Magaalada Garoowe. Ujeedada socdaalka Madaxweyne Deni ee Boosaaso ayaa wararku sheegayaan inuu ku qotomo xalinta tabashada qaar kamid ah beelaha Gobalka Bari, xarigii Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Boosaaso, Mashruuca PDG, arrimaha Dekedda Boosaaso oo ay gacanta ku heyso Shirkadda DP World oo aan weli wax ka qaban. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda kulamo la yeesho odayaasha dhaqanka Magaalada Boosaaso, gaar ahaan kuwa dhaliilsan xukuumaddiisa, waxuuna kala hadlayaa daminta xiisadda iyo sii…

Read More

Sii-hayaha xilka Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland Nuur Ciise Maxamed, oo ka hadlay sababta keentay in aan weli la fulin xukunkii lagu riday saddex nin oo lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aaden, ayaa sheegay in fulinta kiiskaas uu sugayo in eheladeeda ay codsadaan qisaas iyo in maxkamadda sare loo gudbiyo warqadaha arrintaasi la xidhiidha. Guddoomiye Nuur ayaa sheegay in fulinta kiiskaasi aanu u xannibnayn saxiixa madaxweynaha, wuxuuna tilmaamay in madaxweynuhu saxiixo arrimaha la xidhiidha ciidamada oo keliya, kiiskana uu yahay mid madani ah. Wuxuu intaas ku daray in Xafiiska Xeer-ilaalintu ay Maxkamadda u soo gudbiyeen, codsi…

Read More

Dowladda Cumaan ayaa ku dhawaaqday in uu geeriyooday Qaabuus Binu Saciid oo ahaa hoggaamiyihii guud ee dalkaasi. Suldaanka ayaa dalkaasi xukumaayay 50 sano, isagoo sannadkii 1970kii afgembi xilka kagala wareegay aabbihii. Muran badan ayaa ka taagan Cida badali doonta boqorka, maadaama uusan dhalin wax caruur ah, waxaana Sharcigga dalkaasi uu dhigaya in Cidda boqorka ay iska soo xulaan qofka badali doona. Saddex maalmood oo baroordiiq ah ayaa lagu dhawaaqey, sidoo kale 40 maalmood ayaa calanka hoos loo dhigayaa. 72ka sacaaddood ee socda ayaana la rajeynayaa in lagu dhawaaqo qofkii baddali lahaa.

Read More

Ergooyin ka socda qaar kamid ah beellaha degaanada Galmudug ayaa ayaa ku qulqulaya Magaalada Gaalkacyo oo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu kaga dhawaaqay dhismaha Xukuumadda cusub ee Galmudug. Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka degaanada Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray Koonfurta Gaalkacyo, kuwaas oo kasoo horjeestay xildhibaanadii shalay looga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb. Qaar ka mid ah Guddiga doorashooyinka Galmudug ee dhanka Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan Shaqooyinka loo igmaday, waxaana ay sheegeen in aysan aqoonsaneyn Xildhibaanada looga dhawaaqay Dhuusamareeb. Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geele Xaaf ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo ay…

Read More

Dowladda Iran ayaa xaqiijisay in Ciidanka kacaanka Iraan ay soo rideen Diyaaradii dhawaan ku dhacday dalkaasi ee Ukraine Airlines ka dib markii ay shaki ka muujiyeen in ay duqeyn rabto Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Iran. War goor dhow kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay u dhawaatay xero milatari oo xasaasi ah waxaana loo dejiyay khalad bini’aadanimo awgeed, sidaana waxa sheegay Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyada Iran. Dowladda waxay qiratay in diyaaradda lasoo riday oo Khaladkaasi ay gashay dowladda Iran. Diyaarad nooceedu yahay Boeing-737 oo ay saarnaayeen ku dhawaad 180 qof oo ku burburtay meel…

Read More

Madaxweyne Deni waxuu umagacaabayaa Garyaqaan Madoobe Cabdi Gurey oo kasoo Jeeda Gobolka Sanaag,Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland. Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in la shaacin doono kala dirista dhamaan Gudiga Garsoorka Maxkamada sare ee Ciidamada. Maxkamada sare ee Ciidamada Puntland waxaa hareeyay eedaymo musuq oo is xigxigay bilihii udanbeeyay. Madaxii Amniyaadka Alshabaab oo gacanta lagu dhigay ayay Maxkamada sare ee Ciidamadu baabi’isay xukun dil ah oo Maxkamada darajada koowaad ay ku riday,waxayna ugu badashay 2-sano oo xarig ah. Jibril Qoobey.

Read More

Asmara wuu ka dagay Madaxweyne Farmaajo si uu usoo qanciyo Asiyas Afawerki. Dhamaan xubnihii lagu tuhmayay hawsha socota way ku weheliyaan safarka Madaxweynaha sida wararku sheegayaa. Xubnahaas waxaa ka mid ah…. -Agaasimaha Madaxtooyada. -Safiirka Somaliya ee Midowga Yurub -Wakiilka Gaarka ah ee qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas Gacanka Cadan Balal Cusmaan. Jibril Qoobey

Read More

Xildhibaanada cusub ee Barlamaanka maamulka Galmudug Shaacintoodu waxay kusoo aaday Madaxweyne Xaaf oo kalsoonidii kala laabtay gudiga farsamada,isla markaana magacaabay Gudi doorasho. Xildhibaanada ay liiskooda shaaciyeen Gudiga Farsamada iyo Maamul udhisida Galmudug waxay dhan yihiin 83-Xildhibaan. Lix Xildhibaan,ayaa ka maqan liiska lasii daayay,kuwaasoo Gudigu ay sheegeen in ay sida ugu Dhakhsiyaha badan usoo raacin doonaan. Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug waxay ka kooban yihiin 89-Xubnood Halkan ka akhriso.

Read More