Madaxweyne Deni waxuu umagacaabayaa Garyaqaan Madoobe Cabdi Gurey oo kasoo Jeeda Gobolka Sanaag,Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland. Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in la shaacin doono kala dirista dhamaan Gudiga Garsoorka Maxkamada sare ee Ciidamada. Maxkamada sare ee Ciidamada Puntland waxaa hareeyay eedaymo musuq oo is xigxigay bilihii udanbeeyay. Madaxii Amniyaadka Alshabaab oo gacanta lagu dhigay ayay Maxkamada sare ee Ciidamadu baabi’isay xukun dil ah oo Maxkamada darajada koowaad ay ku riday,waxayna ugu badashay 2-sano oo xarig ah. Jibril Qoobey.
Author: Jibril Qoobey
Asmara wuu ka dagay Madaxweyne Farmaajo si uu usoo qanciyo Asiyas Afawerki. Dhamaan xubnihii lagu tuhmayay hawsha socota way ku weheliyaan safarka Madaxweynaha sida wararku sheegayaa. Xubnahaas waxaa ka mid ah…. -Agaasimaha Madaxtooyada. -Safiirka Somaliya ee Midowga Yurub -Wakiilka Gaarka ah ee qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas Gacanka Cadan Balal Cusmaan. Jibril Qoobey
Xildhibaanada cusub ee Barlamaanka maamulka Galmudug Shaacintoodu waxay kusoo aaday Madaxweyne Xaaf oo kalsoonidii kala laabtay gudiga farsamada,isla markaana magacaabay Gudi doorasho. Xildhibaanada ay liiskooda shaaciyeen Gudiga Farsamada iyo Maamul udhisida Galmudug waxay dhan yihiin 83-Xildhibaan. Lix Xildhibaan,ayaa ka maqan liiska lasii daayay,kuwaasoo Gudigu ay sheegeen in ay sida ugu Dhakhsiyaha badan usoo raacin doonaan. Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug waxay ka kooban yihiin 89-Xubnood Halkan ka akhriso.
Kongarayska Maraykanka waxay soo saareen qaraar xakamaynaya Madaxweynaha awoodiisa ku aadzn dagaal lagu qaado Iran. Inta badan Xubnaha Kongarayska oo ubadan Dimuqraadi,ayaa isku raacay qaraarka. Madaxweynuhu go’aan dagaal ma gaari karo isagoon ogaysiin Kongarayska sida qaraarku dhigayo. Balse xakamaynta Madaxweynaha kuma jirto hadii Iran dagaal soo qaado oo waa umadax banaan yahay go’aanka difaaca dalka sida qaraarku faahfaahinayo. Aqalka sanadka ayay tahay in ay ansixiyaan qaraarkan,inkastoo ay aqlabiyada Aqalka ay haystaan Jamhuuriyiinta. Dimuqraadiyiinta soo abaabulay qaraarkan waxay ka taxadarayaan laba arimood oo kala ah.. B.In Madaxweyne Trump uga faa’idaysto dagaalka Iran arimaha doorashada. T.Wal-wal ay ka qabaan hogaaminta Trump ee…
Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay kusii jeedaan Qardho oo ay ka socoto qabanqaabada soo dhawayntiisa. Kadib Qardho wuxuu usii gudbi doonaa Bosaso Madaxweyne Deni. Jibril Qoobey.
Halkan ka Daawo muuqaalka
Ra’isalwasaaraha Kanada waxuu sheegay in diyaaradii Rakaabka ee ku dul burburtay hawada Tehran lagana lahaa Dalka Ukrain duulimaadkeedu ahaa Flt 715 ay eersatay Laba Gantaal oo Iraniyiintu lahaayeen.. Diyaarada way soo dhacday,waxaana qabsaday laba Gantaal oo ah nooca SA-15s ah oo ay Iran lahayd,sida aan ku helnay xog ururintayada iyo xogaha xulufadayada”sidaa waxaa yiri rw Kanada Trudeau. Ma cada in Iraniyiintu si ula kaca Gantaalada ugu rideen diyaarada iyo in khalad Radaar uu dhacay. Jibril Qoobey.
Labadii habeen ee udanbeeyay Hawada Muqdisho waxaa lagu arkayay diyaarado Helokobtar ah oo umuuqda kuwo amniga qayb ka qaadanaya. Diyaaradahan ma cada cida iska leh in ay Amisom,Unsom iyo cid kalaba tahay. Waxa kaliya ee la og yahay waxay tahay in Dowlada Fadaraalka weli awoodeedu halkaas gaarin. Jibril Qoobey.
Dowladda Puntland ayaa war-saxaafadeed at soo saartay si cad u qaadacday Hindise-Sharciyeedka Shidaalka Soomaaliya ee ay dhowaan ansixiyeen golayaasha Dowladda Federaalka ah, waxaana ay sheegtay inaan lagala tashan xeerkan oo ah masiiri ah. Halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta oo Khamiis ah xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Staffan Tillander. Guddomiyaha iyo Safiirka ayaa waxay ka wada hadleen Arrimaha Dooroshooyinka 2021 ee lafilayo in dalka ay ka dhacado, Iskaashiga Xiriirka labada dal iyo Taagerada Doowlada Sweden ee Soomaaliya. Kulanka ayaa ku soo idlaaday jawi is afgarad ah.
Wasiirka Arimaha Dibada ee Shiinaha Mr. Wang Yi, ayaa sheegay in Shiinuhu uu doonayo in Dowladda Jabuuti ay kaalin muhiim ah ka cayaarto arrimaha gobolka, caalamka, oo ay ku jirto Golaha amaanka. Mr. Wang Yi, ayaa hadalkan jeediyay xilli uu maanta ka hadlayay qasriga Madaxtooyadda Jabuuti oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Sidoo kale, Wasiirka arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa sheegay inay Jabuuti ku taageerayaan helista kursiga Golaha ammaanka QM, isagoona yiri “Waxaan taageereynaa in Jamhuuriyadda Jabuuti ay noqoto musharraxa gobolka Bariga Afrika ee kursiga aan joogtada ahayn ee golaha amniga. Wasiirka Arimaha Dibada ee…
The head of Chinese diplomacy, Mr. Wang Yi, made this statement after a hearing he had today, Thursday, late morning, at the palace of the Republic, with the head of state of Djibouti, his excellency Ismail Omar Guelleh. The Chinese availability to bring its knighting and blessing to the realization of greater visibility and presence of Djibouti in international bodies is part of the right of a diplomatic ethics of this country which, subscribed to the principle of equity among all nations From the world and, whatever their respective sizes. “we are committed to the principle of equality between all…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay jeediyay khudbad ku aadan sanad kaddib Doorashadiisii waxa u qabsoomay Xukuumadda uu hoggaamiyo ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin Xaalada guud ee Puntland, arrimaha khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka, xariga Siyaasiyiinta iyo Odayaash dhaliilay xukuumadiisa, Hanaanka Dilmuquraadiyadda Puntland iyo arrimaha Xaduudaha. Madaxweyne Deni ayaa khudbadiisa xoogga ku saaray arrimaha Dilmuquraadiyadda Puntland, dhaqaalaha, tababarka Ciidanka iyo hirgelinta xerooyin cusub, diiwaan-gelinta shaqaalaha Dowladda iyo qodobo kale, isagoona sheegay inay dhamaan qodobadaas ay Xukuumadiisu ka gaartay guulo la taaban karro. Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiisay saxaafadda oo ku aadanaa…
DEKADDA GARACAD: OGEYSIIS Fursad Maalgashi Dhismaha Dekadda Garacad | Maalgasho Dekadda Garacad oo Markabku yaanu kaa Tagin.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay Xaalada Siyaasada dalka iyo wada shaqayn la’aanta Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo saamayn ku yeelatay Arimaha amaanka dalka iyo hanaanka doorashooyinka taas oo ilaa hada aan wax hormar ah laga samaynin. Dhinaca kale Gudiga dakhliga ayaa laga dhagaystay Warbixin la xiriirta Xaalada dhaqaalaha iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo Madaxweynahu uu faray in hanaanka canshuuraha iyo dakhli abuurida la dardar galiyo Sanadkan bilowga ah. Wasaarada Xanaanada xoolahana waxaa laga dhagaystay…
Saddex nin ayaa la qabtay iyagoo isku dayaya inay xoog ku galaan xerada tababarka ciidamada Ingiriiska ee ku taal Kenya, axadii lasoo dhaafay, oo aheyd maalin kaddib markii la weeraray saldhiga Ciidanka Mareykanka ee Degaanka Lamu ee Dalka Kenya, sida ay warisay warbaahinta kenya. Raggan oo la qabtay oo la xiray ayaa loola dhaqmay, sidii tuhmanayaal Argagixiso, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka ee Associated Press, oo xiganeysa booliska gudaha. Saddex ka tirsan ciidamada militariga Mareykanka ayaa lagu dilay, halka qaar ka mid ah diyaaradaha Mareykanka iyo gawaarida, lagu burburiyey intii uu socday weerarkii lagu qaaday axadii lasoo…
Three men have been arrested for trying to force their way into a British army training camp in Kenya on the same day three US servicemen died in a terror attack on a military base in the country. Officers took the trio into custody on Sunday and, according to an internal police report seen by the Associated Press, they are being treated as “terrorist suspects”. They were detained after an attempt to enter a British camp in Laikipia, which happened at around the same time extremists from the Islamist militant group al Shabaab attacked a US airfield in Lamu county.…
Boris Johnson—the front runner in the race to become the next prime minister of the U.K.—has said he would not support U.S. military operations against Iran as the international community watches Tehran nervously for signs of nuclear proliferation. Speaking alongside rival and Foreign Secretary Jeremy Hunt at the final leadership debate on Monday, Johnson said he would not support strikes against Iran if he becomes prime minister at the end of this month. Johnson is widely expected to defeat Hunt in the race to become the next Conservative Party leader—and thus prime minister—when the result of the contest is announced on July…
Warbixin ay soo saareen gudiga Qaramada Midoobey u qaabilsan lasocodka xayiraadaha ayaa sheegay in Xuutiyiinta dalka Yemen aysan fulin weerar sanadkii hore lagu qaaday xarumaha ugu waawayn ee soo saara saliida Boqortooyada Sucuudiga, sida ay warisay wakaalada wararka ee Reuters. Mareykanka, Midowga Yurub, iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa dowladda Iran ku eedeeyay weerarka lagu qaaday xarumaha saliida Aramco ee Abqiiq iyo Khureys. Masuuliyada weerarkan oo dhacay 14’kii bishii September ee sanadkii hore ayaa waxaa sheegtay falaagada Xuutiyiinta ee ka dagaalama gudaha dalka Yemen. Iyadoona dowladda Iran dhankeeda ay iska fogeesay in wax lug ah ay ku lahayd weerarkaas
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wadahadal ay lagasho dhigeeda Iran iyadoona wadahadaladaasi aanan shuruud looga dhigeenin xiisada cadaawada ku saleesan ee waqti xaadirkan u dhaxeeso labada wadan. Warqad ay dowladda Mareykanka u qortay Qaramada Midoobey ayay ku sheegtay in weerarkii lagu dilay General Qaasim Suleemaani uu ahaa isdifaac nafsi ah oo ay sameeyeen. Iran ayaa habeen hore gantaalo aargoosi ah ku tuurtay xarumo miltari uu Mareykanku ku leeyahay gudaha dalka Ciraaq. Taas oo sidoo kale Iran ay Qaramada Midoobey u sheegtay in ay ahayd isdifaacid. Dilka General Suleemaani’ga xiisadan ay ka dhalatay ayaa ahaa ninka labaad…
Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah boqorka beelaha daarood ayaa lagu soo dhaweeyey qaybta VIP-Da ee madaarka magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga imaaraadka carabta. Soo dhaweynta boqorka waxaa ka qaybqaatay isimado, waayeelka, waxharadka, Aqoon yahanka iyo Masuuliyiin xilal hore kasoo qabtay Puntland. Sidoo kale, waxaa soo dhawayntiisa ka qaybgalay qunsulka Soomaaliya eeagaalada Dubai iyo ku-xigeenkisa. Boqorka ayaa joogi doona maalmo Dubai,waxaana loo samayn doonaa xaflad lagu soo dhawaynayo Boqor Burhaan.
Ciidanka Daraawiish-a dowlad goboleedka Jbbaland ayaa Howlgal qorsheeysan ka fuliyay degaano duleedka ka ah Magaalada Kisamayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Howlgalku ayaa ciidanku ka sameeyeen degaanka Yaaq-bishaaro ee duleedka galbeed magaalada Kismaayo, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Afhayeenka Hey’adaha Amniga Jubbaland Cabdinuur Mooge ayaa Warbaahinta xaqiijiayey in howlgalkaas lagu diley afar ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena gacanta lagusoo dhigay afar qori oo ay wateen. Howlgalkaan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Al-Shababa looga saari lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka ee Mamaulka Jubbaland.
Wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. James Swan ayaa maanta gaaray Magaalada Hargeyso ee xarunta Maamulka Somaliland, waxaana uu kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Somaliland iyo Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa ka wada-hadlay xaalada Guud ee Somaliland, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka Baarlamaanka oo dood adag oo u dhexeysa Biixi iyo Xibsiyadda Mucaaradka ah ka taagan tahay iyo soo celinta wada-hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) oo markii kulanku soo dhammaaday saxaafadda la hadlay…
Wararka imaanaya magaalada boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland ayaa sheegaya in kooxo hubeysani ay dileen askari katirsan Ciidanka ilaalada waddooyinka Puntland. Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Mareero ee bartamaha Magaalada Boosaaso, kooxda dilka geysatay ayaana ka baxsatay goobta, oo ay daqiiqado kaddib ay gaareen Ciidanka amniga Dowladda Puntland. Lama oga sababta iyo cida ka dambeysay dilkan, balse waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaalada Boosaaso ay todobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacayeen falal ammaan-darro iyo weeraro ka dhanka Ciidanka iyo Masuuliyiinka Dowladda, wallow ay jiraan howlgallo ay magaaladaas ka wadaan Ciidanka amniga Puntland. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbaahintu su’aal ka weydiisay sababta uu u saxiixi waayay, fulinta xukunkii dilka ahaa lagu riday, saddexdii nin ee lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aaden. Madaxweyne Deni oo su’aashaasi ka jawaabaya, ayaa sheegay in saddexda maxkamadood ee Derejada kowaad, Rafcaanka iyo Maxkamadda Sare ee qaaday Kiiskii Caa’isha, ay dhammaantood isku raaceen hal xukun, taasi oo sida uu tilmaamay muujinaysa in xukunkoodu si caddaalad ah u dhacay. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in fulinta xukunnada ay ridaan Maxkamadaha Puntland, aysan wax door ah uga furneyn Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, balse ay go’aanka kama dambaysta ah…
Ciidamada amniga Dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay Xaafado ka tirsan degmada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir, howlgalkaas oo dad badan lagu qabqabtay. Howlgalka ayaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alfa Group waxaa ay ka sameeyeen Xaafada Xamar Jadiid ee degmada Warta-Nabada,waxaana la sheegay in ay Ciidamada Guryaha qaar baaritaano ku sameynayeen sigaar ah Guryo bartilmaameed u ahaa. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Alfa Group ay guri ku yaalla Xaafada Xamar Jadiid ka heleen waxyaabaha qarxa oo ay qarixiyeen, sidoo kalena ay xir xireen dad gurigaasi ku sugnaa. Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Oronjo ayaa sheegay in…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si cad uga soo horjeestay Sharciga Batroolka oo ay ansixiyeen Baarlamaanka labada Aqal ,kaas oo sidoo kale horey uga soo horjeesteen Xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doortay deegaannada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland xeerkaas marnaba aan lagala tashan, isla markaana Puntland aysan marnaba wax ka ogeyn ansixinta Baarlamaanka Federaalka labada Aqal ee Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in waxwalba ay u baahan yihiin in laga wada tashado, hayeeshee ay u muuqato in Sharcigaas uu yahay mid ay wataan dad dano gaar ah leh, sidaasi daraadeedna Puntland wax shaqo ah…
War-saxaafadeedkan soo baxay Xaafiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wargaliyey Beesha caalamka iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya in Madaxweyne Xaaf uu wakaalashada kala noqdey dowladda federaalka. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dawladda federaalka ku takrifashey wakaalashada uu madaxweynahu ku wareejiyay wasaarada Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale, warqadan waxaa lagu xusay in uu Madaxweynuhu magacaabay gudiga farsamada ee doorashada Galmudug. Isla markaana ay Dowladdu qalqal siyaasadeed ka wado Galmudug.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay ka hadlayay sannad-guuradii kowaad ee ka soo wareegtay doorashadiisi 8- January 2019, ayaa ku baaqay in xukuumadda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalku ay shir isu’gu yimaadan, si loo dhammeeyo khilaafaadka jira. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay, in ay marti-geliso shir weyne Wada-tashi ah oo madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, si ay uga wada-hadlaan, kagana tashadaan arrimaha muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxwynaha ayaa xusay in arrimaha u baahan in laga wada-hadlo ay kamid yihiin; doorashada Madaxtinimada Dowladda Federaalka ee 2020/2021-da, dhammaystirka…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay in Iran ay u muuqato “inay dabceyso” kadib markii weerar gantaallo ay ku qaadday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Iraq, halkaasi oo wax khasaare nafeed ah aysan ka dhalan. “Dhammaan ciidamadeena waa bad qabaan, islamarkaana waxyeelo yar ayaa gaartay saldhigyada. Ciidamadeenna weyn wax walba diyaar ayey u yihiin,” ayuu Trump ku yiri khudbad uu shacabka Mareykanka uga jeediyey Aqalka Cad. “Iran waxay u muuqataa inay dabceyso, taasi oo ah wax u wanaagsan dhinacyada ay arrintan khuseyso iyo dunida oo dhan. Cid Mareykan ama Iraqi ah kuma dhiman weerarka,” ayuu yiri madaxweyne Trump. Trump ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi ‘Deni’ ayaa sheegay inay furanayaan urur siyaasadeed Xukuumadda ku matala hanaanka dimuqraadiyaynta Puntland ee xisbiyada badan. Siciid Deni ayaa markii uhoraysay kadhawaajiyay xiliga ladaahfurayo ururka, waxaa uusheegay in Bisha 2aad ee sanadkan lagu dhawaaqi doona magaca urur siyaasadeedka xukuumadda talada haysa haatan iyo qorshihiisa. ”Waxaan idiin sheegayaa in bisha 2aad aan ku dhawaaqi doono urur siyaasadeedka Dawladda, iyo magaciisa haatana uu socdo qorshihiisii” ayuu yiri, madaxweyne Deni oo kahadlayay Xaflad lagusoo bandhigayay waxqabadka Xukuumadda uu hogaamiyo oo sanad jirsatay. Kaqayb galayaasha xafladda iyo bulshada qaybaheeda kale ayuu ugu baaqay inay kula midoobaan ururka oo uu…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo goor-dhaweyd jeediyay khudbad ku aadan sanad kaddib Doorashadiisii waxa u qabsoomay Xukuumadda uu hoggaamiyo ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin Xaalada guud ee Puntland, arrimaha khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka, xariga Siyaasiyiinta iyo Odayaash dhaliilay xukuumadiisa, Hanaanka Dilmuquraadiyadda Puntland iyo arrimaha Xaduudaha. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay guulo waa weyn gaartay sanadkii tagay, isagoona sheegay in kor loo qaaday amniga, dhaqaalaha, adeegyada bulshada, sida Waxbarashada, Caafimaadka, korontada iyo Biyaha, isagoona tilmaamay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay fulisay mashaariic balaaran. Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka hadlayay dhaliilaha loo jeediyo Xukuumadda…
Xaflad lagu soo bandhigayo waxa u qabsoomay sanad kaddib Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni ayaa haatan ka socota Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo warbaahinta maanta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa soo bandhigay waxqabadkeeda sanadkii tagay ee 2019. Wasiir Ilyaas ayaa sheegay in qorshihii u dagsanaa Wasaaradda duulista hawada sanadkii tagay ee 2019, uu ahaa mid guulaystay, ayna wasaaraddu dhamaan tagtay garoomada Puntland. Sidoo kale, Wasiirka Duulista Hawada ayaa sheegay inay dardar-galiyeen shaqooyinka iyo dhismaha Garoomada Puntland, ayna soo kordhiyeen garoomo cusub oo duliymaad bilaabay sida garoonka diyaarahada Degmada caluula ee Gobalka Gardafuu. Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegtay in isbadal balaaran ay…
Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliya Generaal Maxamed Sheekh Cabdulaahi Xiirow ayaa tababar u soo xiray cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka oo mudo 2 bil ah tababar uga socday Dugsiga Tababarka ciidanka Dowlada Ingiriiska ay kuleedahay Baydhabo. Waxaa tababarkan mudada uu socday bixinayay Sarakiil katirsan ciidanka Dowladda Ingiriiska, Ciidankan ayaa lagu wadaa inay qeyb ka noqdaan howlgaladda lagu xaqiijinayo Amniga dalka gaar ahaan goboladda Koonfur Galbeed oo haatan Wadooyinkooda ay go’doomiyeen Al-Shabaab. Xiritaanka tababarka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiradda Amniga, Warfaafinta, Tamarta iyo Biyaha Sarakiisha ciidanka Booliska Mileteriga iyo Marti Sharaf kale. Cutubyadan Maanta Tababarka…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay safiirka Finland ee Soomaaliya Erik Lundberg iyo wafdi uu hoggaaminayo. Waxay ka wada hadleen Xaaladda Guud ee Soomaaliya, si gaar ah Puntland iyo mashaariicda horumarin ee Dowladda Finland ka taageerto, sida arrimaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dhallinyarada.
Turkey ayaa 35 shaqaale militari ah gaysay Libya, hase yeeshee kama qeyb qaadan doonaan wax dagaal ah, sida uu sheegay madaxweyne Erdogan oo ay soo xigatay warbaahinta gudaha. “Askarta ma dagaalami doonaan. Askar kale oo goor dambe la geyn doono Libya iyagana sidoo kale ma geli doonaan wax dagaal ah,” ayuu Erdogan u sheegay xisbigiisa talada haya, sida uu ku warramay wargeyska Hurriyet Daily. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegan in askartan ay shaqooyin tababar iyo wada-shaqeyn ah la qaban doonaan dowladda Libya ee QM ay aqoonsan tahay. Erdogan ayaa hadalkan ka jeediyey kulan heer sare ah, oo albaabada ay u xiran yihiin,…
Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobalka Bari ayaa xukunno ku riday eedeysanayaal kala duwan, kuwaas oo dhac iyo furasho u geystay dad shacab ah oo ku nool Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland. Eedeysanayaasha qaarkood oo u badnaa dhalinyaro ayaa Ciidanka ammaanku kusoo qabteen iyagoo gacanta kula jira fal-dambiyeedyada, furanaya moobilo, waxaana Maxkamadda ku sugnaa dadkii ay dhaca iyo furashada u geysteen. Sidoo kale, Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobalka Bari ayaa dib u dhigtay xukunka 7 eedeysane, kuwaas oo aan lasoo dhamistiray cadeymaha dambiyadda loo heysto. Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobalka Bari Abuukar Cabdinuur Jaamac, ayaa ku dhawaaqay xukunka…
Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Mudug Jaamac Maxamed Axmed (Jaamac Sandaqad), ayaa ku eedeeyay ciidanka daraawiish-ta Dowladda Puntland falalka amaan-darro ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo. Taliye Jaamac Sandaqad ayaa sheegay in ciidanka Daraawiish-tu ay u awood sheegteen ciidanka Booliska, ayna iyagu soo galiyaan magaalada Gaalkacyo khamrida iyo waxyaabaha kale ee maandooriyayaasha ah. Sidoo kale, Waxaa uu sheegay in ciidanka daraawiish-tu ay dhawaan weerar ku qaadeen Maxkamadda Gobalka Mudug xilli ay socotay Maxkamadeyn eedeysanayaal lagu qabtay iyagoo magaalada soo galinaya khamri. Dhanka kale, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Mudug Jaamac Maxamed Axmed (Jaamac Sandaqad), ayaa sheegay inay buuxaan xabsiyadda Magaalada Gaalkacyo, iyadoona ciidanka…
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegtay in laba saldhig oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, kuna yaala gudaha dalka Ciraaq lagu weeraray gantaalo. Telefishenka Dowladda Iran ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday saldhigyada Mareykanka uu ahaa mid loogu aargudayay dilka Qasem Suleimani oo shalay la aasay. Mareykanka ayaa sheegay in Iran ay bartilmaameedsatay saldhigyo uu ku leeyahay Irbil iyo Al Asad ee gudaha dalka Ciraaq. Ilaa iyo hadda ma cadda in uu jiro khasaaro ka dhashay weeraradaas iyo haddii uu jiro inta uu la eg yahay. Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei oo ka hadlay weerarkii saldhigyada Maraykanka ayaa yiri…
Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland iyo Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa maanta kala saxiixday heshiis Saddex sano ah, kaas oo ay Hay’addu ku sii caawinayso Isbitaalka Guud ee Gobalka Mudug. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Farax Xassan iyo Madaxa MSF ee Soomaaliya Gautam chatterjee, ayaa heshiiska ku kala saxiixday Magaalada Garoowe, kaddib shir labo maalmood ah oo wasaaradda ay uga socday madaxda wasaaradda iyo madaxda hay’adda MSF. Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo ka hadlay heshiiskan ayaa u mahadceliyay Hay’adda MSF iyo la shaqaynta ay la lee dahay Wasaaradda, waxaa sidoo kale oo uu soo…
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa uu booqasho ku tegay Xarunta Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka. Kulan gaar ah ayuu halkaasi waxaa uu kula qaatey guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey), iyaga oo kawada hadlay u diyaar garowga arimaha doorashooyinka soo socda. Guddoomiye Cumar filish ayaa uga mahad celiyey Guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka Qaranka siwada wanagsan oo ay u soo dhaweysay,isaga oo sheegay in ka maamul ahaanuu Guddiga la Shaqeyn doono. Kulan gaar ah ayuu halkaasi waxaa uu kula qaatey guddoomiyaha…
Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei oo ka hadlay weerarkii saldhigyada Maraykanka ayaa yiri “xalay Maraykanka wejiga ayaan ka dharbaaxnay”. Sidoo kale wuxuu ka hadlay xiisadda taagan wuxuuna Maraykanka u sheegay in uu daan-daansiga joojiyo wuxuuna yiri “marka ay xaaladdan timaada tillaaba milateri oo kaliya xal maahan”. Waxa uu sheegay in Iran ka aargoosatay Maraykanka, “dagaal diyaar uma nihin ee waxaan difaaceynaa nafteenna ayuu hadalkiisa raaciyey. “Iraaniyiintu yeel ma yaan in dhiiggii Sulaymaani uu cidlo dhulka ugu daato, waana loo aarguday” ayuu yiri Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei. Hadalka Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa…
Waxaa ka furmay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Shirweynaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Finland (FinnSom) iyadoo ay ka qeybgalayaan Masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Dowladda Finland. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha & Isbidalka Cimilada ee Puntland Ismaaciil Diiriye Gamaadiid ayaa sheegay in Xukuumadda ay soo dhaweynayso Shirweynaha maanta ka furmay garowe, isagoo sheegay in jaaliyadda Finland ay lafdhabar u yihiin Caawinta Bulshada Soomaaliyeed. Safiirka Dowladda Finland ee Soomaaliya Amb. Erik Lundberg oo ka qeyb-galaya shirweynahan ayaa sheegay iney tahay markii ugu horeysay ee uu yimaado Garoowe, waxaana uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshihiisa. Amb. Erik…
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay qaraxii barqanimadii maanta ka dhacay meel u dhaw Bar-koontorool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaas oo ku dhaw taalada Sayidka ee Magaalada Muqdisho. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan (Saalax Dheere) oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in gaariga qarxay uu ahaa mid lagu soo dhejiyey waxyaabaha qarxa, balse uusan aheyn mid lagu soo raray gaariga, in kasta oo uusan shaacin magaca shakhsiga lahaa gaariga uu sheegay. Mr. Saalax dheere ayaa sidoo kale sheegay in xilliga garaiga uu qarxayey uu ku jiray safka baarista,…
Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo ku qarxay koontoroolka Sayidka oo lagu hubiyo Gawaarida aada dhinaca Madaxtooyada. Xilliga qaraxa uu dhacayay ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegen in Koontoroolka uu gaariga ku qarxay ay yaalleen Gawaari badan oo sugayey in la hubiyo taas oo keentay in uu khasaaro ka dhasho. Sawiro laga soo qaaday halka uu qaraxa ka dhacay ayaa lagu arkayey Gaadiid farabadan oo bur burey,kuwaas oo ahaa kuwa koontoroolka ku sugnaa,waxaana Gaadiidka gurmadka ee ambalaasta ay wadaan gurmad hadii ay jiraan dad ku waxyeeloobay qaraxaas.
Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ay shaaciyeen inay dhawaan dhaceyso doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo uu ka geeriyoodey Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka. Doorashada Kursigaan oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo ayaa Guddiga waxaa ay sheegen in uu baneeyey Ex-Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ku geeriyoodey weerarkii lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada 23-kii Bishii Maarso ee sanadkii 2019,isaga oo sidoo kale ahaa Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda. Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ay sheegeen in doorashada Kursiga ka banaan Golaha Shacabka ay Magaalada Kismaayo ka dhaceyso 12-ka Bishaan,isla markaana looga baahan yahay…
Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay Iran ay in ka badan 10 madfac xalay ku garaacday laba saldhig oo uu millatariga Mareykanka ku leeyahay dalka Ciraaq. Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Mareykanka ee loo yaqaano Pentagon-ka, ayaa sheegay in gantaallada baalistiga lagu garaacay saldhigyada al-Assad iyo Irbil ee ciidamada cirka Mareykanka. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in saldhig saddexaad oo lagu magacaabo Camp Taji oo 27 km u jira magaalada Baghdad isna la duqeeyay. Bayaan kasoo baxay Ciidamada Ilaalada kacaanka Iran ayaa lagu sheegay in uu si guul ah ku dhamaaday weerar ay sheegeen in ay ku qaadeen saldhigyo…
Diyaaradda Ukrain Airlines ayaa saaka ku burburtay hawada sare ee dalka Iiraan, ka dib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Imam Khomeini ee caasimadda Tehran. Diyaaraddan ayaa sida lagu waramay waxay siday 200 oo qof oo rakaab ah iyo shaqaalihii waday, iyadoo nooceedu ahaa Boeing 737. Diyaaradda ayaa ku socotay caasimadda dalka Ukrain ee Kiev, Burburka diyaaradaan ayaan la ogayn in ay xiriir la leedahay xiisada ka aloosan Barigga Madaxad hey’adda laanqeyrta bisha cas ee dalka Iran ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay adag tahay in qof uu ka badbaado diyaaradda dhacday Xaalada dalka iyo dad iran ayaa…
Donald Trump waxuu sheegay in xaaladda ay wanaagsan tahay, saldhigyo Mareykanka uu leeyahayna lagu weeraray gudaha dalka Ciraaq, qiimeynna ay ku sameynayaan sida ay wax u dhaceen, dibna ay kasoo sheegi doonaan. Warkan,ayuu ju shaacitay bartiisa uu ku leeyahay Twitter-ka
“Waan ka war qabnaa weerarka lagu qaaday saldhigyadeena Ciraaq, madaxweynaha waa lagu wargeliyay arrintan, si dhaw ayuuna ula socdaa oo wuxuu darsayaa xaaladda isagoo latashanaya lataliyeyaashiisa dhanka ammaanka”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka.
“Iran waxay weerarkan qaaday iyadoo eegeysa axdi qarameedka 51, waxayna duqeysay saldhigyadii sida fuleynimada ahaa looga soo weeraray muwaadiniinteena, mana raadineyno dagaal ee waxaan difaaceynaa nafsadeena”, ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka. Wasiirku waxuu udigay Dowladaha xulufada la’ah Maraykanka ee uu Saldhigyada ku leeyahay.
Xaalad kacsan,ayaa ka jirta guud ahaan Puntland,taasoo ka dhalatay sii dayntii ay maanta Maxkamada Ciidamada sii daysay Madaxii Amniyaadka Alshabaab iyo 12-kale oo ah xubno muhiim ah. Maxkamada Racfaanka,ayaa kooxdan Dil toogasho ah horay ugu xukuntay,balse waxaa sifo aan xeerka waafaqsanayn ku laalay xukunkeedii Maxkamada Ciidamada Puntland. Xeer Nabar-10,Qodobka 2-aad farqadiisa 1-aad ee Xeerka la dagaalanka argagixisada ee la sameeyay 2011waxuu dhigayaa Qof ku cadaato in uu ka mid yahay Alshabaab Dil toogasha ah. Sidoo kale Xeerka la dagaalanka argagixisada ee Nambar 10-Qodobka 2-aad,Farqadiisa 2-aad waxuu amrayaa in ugu yaraan 10-sano ilaa xabsi daa’in lagu xukumo qofkii ay ku cadaato…
Wasiirka cadaaladda XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay guddigii loo xilsaaray kiiska maxaabiis dhawaan ka baxsatay xabsiga dhexe ee Xamar. Waxaa uu sheegay in Guddiggaan ay ku howlan yihiin sidii baaritaano loogu sameyn lahaa dadkii Xabsiga ka fakaday. Wasiirka ayaa xusay in wixii ka dhacay Xabsiga aheyd arin halis ah,islamarkaana kuwii Fududeeyay lala xisaabtami doono sidda ugu dhaqsiyaha badan. Saddex maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in dhawaan baxsadeen, sida ay sheegayaan warar laga helay Xabsiga dhexe ee Magaalada muqdisho. Xubnaha baxsaday ayaa sidoo kale wararka ay sheegayaan inay ka tirsan…
Xaalad kacsan,ayaa ka jirta guud ahaan Puntland,taasoo ka dhalatay sii dayntii ay maanta Maxkamada Ciidamada sii daysay Madaxii Amniyaadka Alshabaab iyo 9-kale oo ah xubno muhiim ah. Maxkamada Racfaanka,ayaa kooxdan Dil toogasho ah horay ugu xukuntay,balse waxaa sifo aan xeerka waafaqsanayn ku laalay xukunkeedii Maxkamada Ciidamada Puntland. Xeer Nabar-10,Qodobka 2-aad farqadiisa 1-aad ee Xeerka la dagaalanka argagixisada ee la sameeyay 2011waxuu dhigayaa Qof ku cadaato in uu ka mid yahay Alshabaab Dil toogasha ah. Sidoo kale Xeerka la dagaalanka argagixisada ee Nambar 10-Qodobka 2-aad,Farqadiisa 2-aad waxuu amrayaa in ugu yaraan 10-sano ilaa xabsi daa’in lagu xukumo qofkii ay ku cadaato…
Xildhibaan Yuusuf Xaaji oo kamid Baarlamaanka Kenya iyo Gudoomiyaha Gaarisa ee Goabalka Waqooyi Bari ayaa baahijay safarkoodii Magaalada Muqdisho. Xildhibaan Yuusuf Xaaji iyo Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa, ayaa la filayay inay todobaadkan yimaadan Muqdisho, kaddib casuumaad uu u fudiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Baaqashada Labada Masuul ayaa timid kaddib markii ay wax badan ka ogaadeen qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee la kulankooda oo ku aadan arrimaha Jubbaland iyo inay heshiis la heshiisiiyaan Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay beel wadaagan. Xildhibaan Yuusuf Xaaji iyo Guddoomiyaha Gaarisa ayaa la sheegay inay Madaxweyne Farmaajo u sheegeen inay adag tahay inay tagaan Muqdisho…
Wararka la imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa sheegay in weerar Bam-gacmeed ah lagu qaaday guriga Wasiiru-dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Yuusuf Maxamed Waceys Dhado. Wararka ayaa sheegaya in hal askari uu ku dhaawacmay bam-gacmeedkan lagu tuuray guriga Wasiir dhadho. Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa gaaray Guriga Wasiirka ee Bamka lagu weeraray, iyagoona haatan ka wada howlgallo agagaarkiisa. Wasiiru-dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Yuusuf Maxamed Waceys Dhado, ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha Gobalka Bari, isagoona sidoo kale kamid ganacsatada waa weyn ee Magaalada Boosaaso. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Visa on sell! Paid bulk of money and get rejected with no justification! Since the Turkish embassy compound is opened in Mogadishu-Somalia, a good number of Somali citizens requested entry visa to the republic of turkey for different purposes including (business, student, tourism etc). The initial months of embassy operations – the visa applicants where going through process from making appointment, checking their eligibility and confirmation of required documents for both ordinary and official passport holders, Somali citizens who meets visa requirements where obtain visa as a form of a decal endorsed in the applicant’s passport. the process was aligned…
Naadiya Maxamaed ayaa shalay Isniintii loo dhaariyey xilka xubin Golaha degaanka ah, waxayna noqonaysaa qofkii ugu da’da yaraa iyo qofkii u horeeyay ee Muslim ah, qofkii ugu horeeyay ee madow ah iyo qofkii u horeeyay ee Soomaali ah oo xubin ka mid ah noqda golaha deegaanka ee xaafada dacalka ku haysa Minneapolis ee St Louis Park. Dadwaynaha dagan xafadaa ayaa aad u soo dhaweeyey doorashada Naadiya oo dhacday bishii Nofenbar 2019, shalay dhaarinteediina dadka Soomaaliyeedee dagan xafadaa ayaa aad ugu farxsanaa kulankana ka soo qaybgalay. Doorashada Naadiya oo 23 jir ah waxay dhiiragalin u tahay dhalinta Soomaali Americanka ee ku…
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Jubbada hoose waxaa ay sheegeen in ay ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab. Howlgalkan oo ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha Mareykanka ayaa waxaa ay duqeyn la beegsadeen fariisimo ay ku sugnaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab iyaga oo sheegay in ay gaarsiiyeen khasaare xoog leh. Duqeyn sidoo kale diyaaradaha Mareykanka ay ku fuliyeen degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Dhexe,halkaas oo saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen in ay dhalinyrao ku tababarayen Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalka oo ahaaa mid qorsheysan dhamaanba goobaha la bartilmaameedsaday…