Ugu yaraan 10 qof oo u badan askarta dowladda ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay bar koontarool oo ku hortaalla Tiyaatarka Qaranka, waxayna u badnaayeen illaalada guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Banaadir Maxamad Tuulax oo marayay meesha uu qaraxu ka dhacay. Waxa la sheegayaa in isaga laftigiisa uu dhaawac ka soo gaaray Labo qarax oo gaari loo adeegsaday ayaa saakay kadhacay magaalada Muqidisho. Kan hore ayaa ka dhacay illinka Tiyaatarka Qaranka. Qaraxa labaad ayaa qiyaastii muddo soddon daqiiqo kaddib ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon. Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay. Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas`uuliyadda qaraxyadaas,hoos ka…
Author: Jibril Qoobey
Halkan ka daawo muuqaalka
Dhawaan ayay ahayd markii Itoobiya ay uyeeratay safiirkeedii Hargaysa fadhiyay uguna wakiilka ahaa Somaliland . Balse markale ayay Dowlada Itoobiya umagacawday Safiir cusub jamhuuriyada la magacbaxday Somaliland. Safiirka cusub ee Itoobiya uga wakiilka noqondoona Somaaliland,ayaa lagu magacaabaa Shamasudiin,kaasoo dalal kala duwan oo caalamka ah kasoo noqday Safiir oo ay ku jirto jamhuuriyda Jabuti. Itoobiya,ayaa ula macaamiisha Somaliland sidii dal ka madax banaan Jamhuuriyada Fadaraaliga ah ee Somaliya,waxaana Hargaysa u fadhiyay labaatankii sano ee lasoo dhaafay Safiir buuxa oo heerkiisu sareeyo. Halka Adis-ababa ay Somaliland ku leedahay Xaafiis heerkiisu sareeyo oo uu ka dul babado Calankeedu,isla markaana gaadiidka safaaradeeda ay qaataan…
Si buuxda ayay iskugu afgarteen in labada dhinac uwada shaqeeyaan sidii ay horay ugu wada shaqayn jireen madaxdii ka horaysay,Dowlada Somalida ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka Itoobiya iyo Jamhuuriyada iskeed isku magacawday ee Somaliland. Majirin cid dhexdhexaadisay ,sidoo kale ukala dabqaadaysay,iyadoo dhinac walbaaba maqaamkiisa iyo magaciisa lagu tixgalinayo,ayaa hadana laysla gartay in danta Umada dariska ah laga wada shaqeeyo. Somaliland iyo Itoobiya,ayaa leh xuduud dheer oo waliba muhiim ah ayna tahay in layska kaashado ilaalinteeda iyo ka faa’idaysigeeda.Arimaha ugu muhiimsan ee looga xaajooday kulankan,ayaa waxaa laga xusi karaa dhawr qodob oo kala ha:- B.Arimaha amniga. T.Arimaha Ganacsiga. J.Arimaha Socdaalka.…
The bank and the Government of Somalia today agreed to a loan of $200million for the rebuilt of Mogadishu port. The bank will have exclusive fishing rights over the coast of Somalia and maintain part ownership of the port untill when the loan has been paid in full” Sida lagu soo qoray barta Twitter-ka ee Exim Bank China Dowlada Fadaraalka Somaliya waxay heshiis ay la gashay,ay ku siin doonaan dhaqaale gaaraya 200 oo Milyan Dolar.oo lagu dhisi doono Dekeda Muqdisho. Bankiga bixinaya dhaqaalahan ee ay Dowladu heshiiska la gashay,ayaa asna dhankiisa heli doona ruqsad kaluumaysi oo uu kaga kaluumaysan karo…
Waxaan iidnla wadaagaynaa baraarug kooban oo ku aadan fogaanshaha Farmaajo ee shacabka iyo maamulka Puntland uu ka fog yahay iyo sida uu ugu wajahan yahay dhan walba oo danaha Puntland ah fogaanshahaas. Dhaqaalaha” 1. Wuxuu ka hor yimid heshiiskii balaarinta Dekedda Boosaaso 2. Wuxuu ka hor yimid Dhismaha Dekedda Garacad3. Wuxuu diiday in Puntland loo gudbiyo lacagtii EU ku deeqday ee kabidda miisaaniyadda (Surge support)4. Wuxuu xanibay Hay’ado badan oo caalami ah oo Puntland ka waday arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Biyo gelinta Siyaasadda” 1. Wuxuu ka baxay balankii Issimada Puntland ee wadashaqeynta iyo taageerada 2. Wuxuu faragelin ku sameeyey Baarlamanka iyo Hogaanka…
Musharixiinta xilka madaxtinimada dowladda Puntland ayaa soo saaray talo soo jeedin ay ku codsanayaan in laga qeyb galiyo magacaabidda guddiga xalinta khilaafadka barlamaanka iyo ansixinta xildhibaanada. Qaar kamid ah murashixiinta oo hadda shir jaraa’id ku leh hotel Grand ee magaalada Garowe ayaa sheegay in loo baahan yahay in guddiga xalinta khilaafaadku noqon kuwo garab kaliya uu soo magacaabo. Waxay sheegeen Puntland inay u baahan tahay inay ka dhacdo doorasho xallaal ah, taasoo ay sheegeen inay ku xiran tahay sida madaxweynuhu u wajaho tilaabooyinka ugu horeeya ee guddiga khilaafaadku ugu horeeyaan. Musharixiinta waxay soo saareen talo soo jeedin hoos ku xusan.…
Bosaso Idilnews:- Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland iyo isgaarsiinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa ku eedeeyay qeybo kamid ah warbaahinada Puntland inay si gaar ah u buunbuuniyaan dhacdooyinka lidiga ku ah ammaanka Puntland iyo ficilada kooxaha argigixisada. Wasiirka warfaafinta oo ka qeyb galayay barnaamij doodeed ku saabsanaa amniga Bosaso, ayaa sheegay inay saxaafadu si ka baxsan qaanuunka saxaaafada u adeegsanayaan tabinta dhacdooyinka amniga la xiriira, iyagoo dadweynaha ku abuuraya argagax iyo cabsi galin aan sal iyo raad lahayn. Wasiirka ayaa tilmaamay inay saxaafadu iska indho tirayaan ahmiyada nabad gelyada Puntland ka jirta, taasoo looga baahnaa inay bulshada ku baraarujiyaan wanaageeda, laakiin…
Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka George HW Bush , ayaa lagusoo waramayaa inuu geeriyooday jimcihii xalay, sida ay xaqiijiyeen xubno kamid ah qoyskiisa. George HW Bush, oo ku jiray da’da 94 jir, ayaa geeridiisa waxaa bartiisa twitterka ku shaaciyay wiilkiisa George W Bush, oo isagana ahaa madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka. Xaaskiisii Barbara Bush, ayaa sagaal bilood kahor laga joogaa geeriyadeeda. George H.W. Bush, madaxweynihii 41-aad ee dalka Maraykanka ayaa dalkaas soo xukumayay sanadihii 1989 iyo 1993, waxaana lagu xasuusta ololihii uu Saddam Hussein kaga saaray dalka Kuwait. Dowladda Maraykanka ayaa qaban qaabinaysa aas qaran oo loo sameyndoono Bush.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng, Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camey ayaa raali gelin buuxda ka bixiyay hadalo gef ah oo uu dhawaan warbaahinta kasii daayay, hadaladaas oo ahaa kuwo meel ka dhac ku ah madaxweynayaasha dowladdaha xubinta ka ah dowladda federalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay shirka golaha wasiiradda ee dowladda Puntland, ayaa nuquludiisa ugu dambeeyay waxaa lagu muujiyay in madaxweyne ku xigeenku bixiyay raali gelin ku saabsanayd wareysi uu kaga hadlayay khilaafka dowladda federalka iyo dowladdaha xubinta ka ah. Warsidaha Idilnews ayaa fahansan in madaxweyne ku xigeenku cambaarayn xoogan uu kala kulmay hadaladii uu warbaahinta kasii daayay oo lagasoo qaadan…
Saranseer Nin reer Mudug ah oo Saranseer ku magacdheeraa, ayaa la sheegey in xaaskiisa ay aad u dhibi jirtey oo harsi iyo hoyaad u diiddey. Intuu xaafadda ku suganyahay, wuxuu oridiisa kala kulmi jirey canaan, aflaggaaddo, qaylo, daryeelxumo, cuntoxumo, nasiinola’aan iyo jiifxumo. Hase ahaatee, intuu guriga ka maqanyahay ayuu afadiisa ka nafisaa oo lurka iyo walbahaarku ka hadhaan. Kolkuu xaafadda ku sii socdo oo uu sii hoyanayo ayuu, xaajada ka horreeysa ee uu la kulmi doono ka sii walaacaa, maxaad, sideed iyo xaggeed caawa kaga ammaan heshaa is-weyddiiyaa. Maalin maalmaha ka mid ah, goor uu shaqadiisii ka soo rawaxay, ayuu…
Garanwaa Waa waayada ka mid ah Saancaddaale ayaa geed Garanwaa la yidhaahdo tallaalay. Garanwaa (prosopis juliflora) degdeg ayuu u baxay oo yeeshey laamo dhaadheer, caleemo doog iyo diraac cagaaran, qodxo iyo xididdo xoog leh. Geed abaareed weeye oo gunta hoose biyaha ka doonta. Dhirtii kale ee kala jaadjaadka ahaa, nacfiga badnaa, dabeeciga ahaa, geed-guriga ahaa ayuu degaankii ka xaalufiyey. Dhammaan dhulkii, miyi iyo magaalaba, ayuu ku faafay. Oggolaanwaa geedo kale in ay ka ag baxaan. Midho dadku cuno ma laha. Xooluhu aad uma jecla. Dhib mooyee, ma jiro wax laga dheefo. Waa keligii-noole. Waa gafane jaqa dhiigga naflayda. Dadkii iyo…
Tiitole-tiigsade Degmo ka mid ah degmooyinka Soomaalidu degto ayaa maammulkeedii dawladda hoose amar ku soo rogey in dadweynaha halkaa ku dhaqan is-diiwaangeliyo oo qof kasta yeesho Kaadhka Aqoonsiga (Identity Card). Waxaa lagu wargeliyey in cid walba laga qaadayo sawirro wejiga, faraha iyo indhaha ah. Aroortii dambe ayaa rag fara badan bartii kaadhadhka laga bixinayay saf dheer u soo galay. Ruux walba waxaa la su’aalay tiitolaha (title) magaciisa ka horreeya. Cawl Cawaale oo safka kaga jirey ninka tobnaad ayaa maqlay raggii ka horreeyey oo tiitole aan waxba ka jirinnin sheeganaya, sida: Doktoor, Borofesoor, Injinyeer, Jeneraal, Mujaahid, Aqoonyahan, Dhaqaaleyahan, Cayaaryahan iyo mid…
Murtida Maanta [Thought of the Day] Beddelidda dunida ayuu qof walba ku fekeraa, hayeeshee beddelidda naftiisa qofna kuma fekero. Leo Tolstoy Everyone thinks of changing the world, but no one thinks of changing himself. Tifaftiraha idilnews1@gmail.com 01.05.2018
Murtida Maanta [Thought of the Day] Heli kari maysid timaaddo toolmoon, haddaad had iyo goor tagto tebeyso. Charles Kettering You can’t have a better tomorrow if you are thinking about yesterday all the time. Tifaftiraha ididilnews1@gmail.com 30.04.2018
Sidee Loola Heshiin? Hoo nimaan ku tarayn Hiilna kuu galahayn, Hantidaad u yeeshiyo Intaad maal u hibeeysey Kuugu haynnin abaal Hawana aad uga buuxdo, Hanad baan ahay fiican Iyo rag adaa u horreeya Hiyigiisu tusaayo, Daruurta haadi korkeenna Iyo cirkaas haaminhayaa. Haddaad hoos u ogaatana Hungo aan waxba dhaamin Oo halna aan ku tarayn Hilibna kiin isku keeney, Sidee loola heshiin? Cismaan Yuusuf Keenadiid [Geeraar]
Murtida Maanta [Thought of the Day] Goob kasta oo ay buugag ku gubaan, sidoo kale ugu dambeeyntii, aadane ayay ku gubi doonaan. Heinrich Heine Wherever they burn books they will also, in the end, burn human beings. Tifaftiraha idilnews1@gmail.com 26.04.2018
Murtida Maanta [Thought of the Day] Noloshu way gaabantahay, cilmigu wuu qoto dheeryahay; fursadda garwaaqsigeedu waa wax fog, tijaabadu waa wax halis ah, garsooriddu waa wax adag. HIPPOCRATES Life is short, science is long; opportunity is elusive, experiment is dangerous, judgement is difficult. Tifaftiraha idilnews1@gmail.com 25.04.2018
Murtida Maanta [Thought of The Day] Haddii aanu halgan jirinnin, horumar ma jiro. Frederick Douglass If there is no struggle, there is no progress. Tifaftiraha idilnews1@gmail.com 24.04.2018
Waraabe Walamsade Waxaa gosha Waamo ku noolaa waraabe la magacbaxay “Wax-ma-hambeeye”. Waaguu dhallinta yaraa ayuu iska dareemey in uu awood iyo karti gaar ah leeyahay. In uu xawayaanka kale indhasarcaadin karo oo been u sheegi karo. Kolkuu soo yara koray oo xoog yeeshey ayuu kob duurjoogtii kale biyo iyo baad la’aan uga wada yaacday malcamad ka furtay. Halkii ayuu ka billaabay in uu dhallaan xayn ah quraan-dhurwaa u dhigo oo ka dhaadhiciyo in isagu yahay qofkuu Waaq doortay taladana u dhiibtey. Hantidii madrasadu lahayd, xoolihii waalidka carruurta dhalay, agoonta dhaxalkeedii dhammaan afka ayuu u dhigtey – oo waa dhurwaaye, waxba…
Warsame” Wiil yaroo saddex jir ah oo Warsame la yidhaahdo iyo hooyadii ayaa rugta caafimaadka ku sugnaa oo dhakhtarka dhawrayay. Dabadeed Warsame ayaa arkay haweeney uur leh oo kob dhowr tallaabo u jirta fadhida. Kolkaa ayuu xaggeedii u soo yara dhaqaaqay oo u yimid. “Maxay calooshaadu u weyntahay?” – ayuu weyddiiyey. “Ilmo ayaa ku jira.” – ayay qoftii dumarka ahayd ku warcelisey. “Ilmuhu ma calooshaaday ku jiraan?” – ayuu weyddiiyey, isagoo indhihiisii xoog u kala qaaday. “Haa, maandhow, caynkaa weeye.” – ayay tidhi. “Ma canug wanaagsan baa?” – ayuu weyddiiyey, isagoo garanla’ wax uu ku nisbeeyo. “Allah, haa!…
Murtida Maanta [Thought of the Day] Gebi ahaan waxaan doonayo waa waxbaarasho, cid aan ka baqayana ma jirto. Malala Yousafzai All I want is an education, and I am afraid of no one. Tifaftiraha idilnews1@gmail.com 10.04.2018
Murtida Maanta [Thought of the Day] Noloshu muddo gaaban weeye, adigayna kugu xidhantahay in aad macaan ka dhigto. Sarah Louise Delany Life is short, and it is up to you to make it sweet. Tifaftiraha idilnews1@gmail.com 12.04.2018
Murtida Maanta [Thought of The Day] Noloshu dhabtii wax sahlan weeye, innaga ayaase ku adkaysanna in aynnu murginno oo adayg ka dhigno. Confucius Life is really simple, but we insist on making it complicated. Tifaftiraha idilnews1@gmail.com 09.04.2018
Murtida Maanta [Thought of the Day] Qofka halgama waa ka habboonyahay midka aan waligiiba isku hawlinnin. Swami Vivekananda He who struggles is better than he who never attempts. Tifaftiraha idilnews1@gmail.com 11.04.2018
Xilagube iyo Xareeda Say iyo ooridii iyo carruutii ay dhaleen ayaa tuulo yar ku wada noolaa. Halkaa ayay dhowr neef oo xoolo ah, makhaayad iyo dukaan yar ku haysteen. “Gacaliye, Gugii baa soo dhowe, dayrka aqalka inaga moos daadka roobka yaanu aqallada, xoolaha iyo carruurta la tegine.” – ayay Xareeda odaygeedii ka codsatay. Xilligii daruuruhu curan jireen ama la fili jirey wali laba toddobaad ayaa ka hadhsan. “Gacaliso, waa hagaage, bal maanta wax uun aan ku qayilo ii yara dhiib. Hawshaa aniga igu hallee, ‘dhag, dhag!’ baan goor dhow ka siinayaa.” – ayuu ku warceliyey. Qado ayay siisey, intii…
Waraabe Walamsade Waxaa gosha Waamo ku noolaa waraabe la magacbaxay “Wax-ma-hambeeye”. Waaguu dhallinta yaraa ayuu iska dareemey in uu awood iyo karti gaar ah leeyahay. In uu xawayaanka kale indhasarcaadin karo oo been u sheegi karo. Kolkuu soo yara koray oo xoog yeeshey ayuu kob duurjoogtii kale biyo iyo baad la’aan uga wada yaacday malcamad ka furtay. Halkii ayuu ka billaabay in uu dhallaan xayn ah quraan-dhurwaa u dhigo oo ka dhaadhiciyo in isagu yahay qofkuu Waaq doortay taladana u dhiibtey. Hantidii madrasadu lahayd, xoolihii waalidka carruurta dhalay, agoonta dhaxalkeedii dhammaan afka ayuu u dhigtey – oo waa dhurwaaye, waxba…
Xogwaraysi Tigaad iyo Tiriig waa saaxiibbo labaatan jirro guurdoon ah, hayeeshee, ka baqaya rag iyaga aan u qalminnin in ay u guri galaan. Dabadeed waa lays waraystay oo guur iyo hawlihiisa ayaa laysku soo hadalqaaday. “Sideedaba horta guur muxuu yahay?” – Tigaad ayaa su’aashaa saaxiibteed weyddiisey. “Waa nin iyo haweeney oo laba kaatun faraha isu geliyey.” – ayay Tiriig ku jawaabtay. “Sideedaba maxay jacaylka iyo guurku ku kala duwanyihiin?” “Jacaylku waa indhala’yahay, guurkuna indhaha ayuu qofka u furaa.” – ayay Tiriig ku warcelisey. “Haddaba guurka ugu macaani waa kee?” – Tigaad oo weyddiintu ka dhab tahay ayaa saaxiibteed su’aashay. “Waa…
Kooxda garbaduubka u haysata Madaxweyne Farmaajo oo markan si qaawan u bilaabay olale ay rabaan in ay ku fashiliyaan Nidaamka Fadaraalka ah. Waxay qalalaase iyo kala qaybin ka dhex bilaabeen Maamulka Hir-shabelle ilaa ay ugu danbayntii tuureen Madaxweynihii maamulkaas Cosoble,isla markaana saareen mid ay iyagu wataan oo danahooda ku fushtaan. Waxay hada usoo gudbeen Cadaado oo ay ka bilaabeen qalalalasiihii ay ku burburiyeen maamulkii Hir-shabelle,iyagoo durba abaabulay kala qaybinta Baarlamaanka ah ,taasoo keentay in xildhibaano koox ah ay sheegtaan in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf,balse waxaa si adag uga hortagay taageerayaasha Xaaf oo fashiliyay isku daygaa been…
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 September 2017 magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland kulan is xogwaraysi ah kula yeeshay nabadoonada iyo waxgaradka gobolada Sanaag iyo Hayland. Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, taliyaha ciidamada qalabka sida Sareeyo Guud. Saciid Maxamed Xirsi, saraakiisha ciidamada gobolada Sanaag iyo Hayland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. kulanka oo ahaa mid looga hadlayey xaalada guud ee amniga gobolada sanaag iyo Hayland ayaa waxaa sigaara diirada loogu saaray cidhib tirka kooxaha Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya…
War ka soo baxay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan bin C/casiis ayaa loogu fasaxay haweenka in ay laysanka gaariga dalban karaan,wuxuuna Boqorku sheegay in ayan jirin diin u diideysa haweenka in ay gawaarida kaxaystaan. Sacuudiga ayaa ahaa dalka kaliya ee adduunka haweenku mamnuuc ka yihiin in ay wadan karaan gawaarida, waana dhaqan muddo dheer ka soo jiray Sacuudiga, iyadoo la faray wasaarado badan sidii go’aankan loo dhaqagelin lahaa. Go’aanka ay soo saartay Sacuudiga oo haweenka dalkaasi loogu fasaxay baabuur wadida ayaa waxa uu dhaqangeli doona sanadka dambe bisha June.
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay saddex kalena wey ku dhaawacmeen dagaal saaka deegaanka Jibagale oo ku yaala duleedka Garowe ku dhexmarey Maleeshiyaad Hubeysan. Maleeshiyaadka Dagaalamay ayaa la sheegay in Dagaalkoodu uu Salka ku hayo Dhul la isku hayo oo ku yaalla Aagga lagu dagaalamay. Sanadihii u dambeeyay waxaa kusii xoogaysanaya magaalada Garowe dilalka ay geysanayaan kooxaha isku haya Dhulka ,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland. Dadkii ku dhaawacmay Dagaalka ayaa la geeyay Isbitaalka Guud ee Magaalada garowe,halkaas oo Xaaladdooda lagula Tacaalayo.
Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado,ayaa sheegaya in ay halkaas gaareen xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya, oo isku dayaya inay xalliyaan khilaafaadka siyaasadeed. Maalintii shalay ayaa qaar ka mid ah xildhibaannada Galmudug waxay sheegeen inay xilkii ka qaadeen madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaase arrintaasi gaashaanka ku dhuftay taageerayaasha Madaxweynaha maamulkaasi. Xildhibaannada maanta tagay Cadaado ayaa la kulmay dhinacyada ku kala aragti duwan siyaasadda ee isku haya siyaasada maamulka Cadaado. Khilaafka maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado, ayaa kasoo billowday kadib markii xubnaha maamulka ugu sarreeya iyo xildhibaanada ay isku khilaafeen mowqifka maamulka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/K1G6gCCjuo0
Gabagabada kulanka ayaa hadalo kooban waxaa ka jeediyay Wasiiradda Maaliyaddaha Dowladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka, iyagoo ka hadlay faa’iidada ay leeyahay isku xirnaanta dawladaha xubnaha ak ah dawlada Fadaraalka iyo Dowlada dhexe ee dhanka dhaqalaha iyo in la wadaago kheyraadka guud ee Dalka iyo deeqaha Dibada laga helo.. Shirkaan ayaa waxaa soo xiray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, isagoo sheegay in qodobo dhowr ah laga soo saaray kulankii ay ku yeesheen Magaaladda Garoowe ee Xarunta Puntland, waxaana uu xusay in Heshiis guud laga qaatay in si siman loo qaado canshuuraha ay qaadaan Dowladda dhexe…
Wasiirka Wasaaradda Amniga Dawladda Puntland Axmed Cabullaahi Yuusuf Dawladd oo maanta shir jaraa,iid qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howgalo ciidamada Amaanku ka bilaabeen magaalada Boosaaso kuwaas oo lagu baadi goobayo Hubka aan sharciga aheyn ee shacabka lagu dhex haysto. Goobaha Ganacsi iyo Hay’adaha ayuu wasiirku ugu baaqay inay sharciyeystaan hubka ay hantidooda ku ilaashanayaan si loo hayo diiwaanka saxda ee hubka ka baxsan gacanta dawladda. Sidoo kale wuxuu shacabka u sheegay Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullahi Yuusuf Dawlad wixii ka weyn qoriga loo yaqaano AK 47 inaan loo ogolaanayn inay gacanta ay ku haystaan oo ay isticmaalaan . …
Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islan, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xassan Sheekh adan, Galmudug Axmed Ducaale Gelle-Xaaf , Hirshabeele,Maxamed Cabdi Waare waxay Maanta oo taariikhdu tahay 27 bishii sabtember 2017 si wadajir ah u soo saareen warmurtiyeed ku aadan xaaladaha siyaasadeed ee sii murgaysa ee wadanku wajahayo taas oo hadii ay si socoto horseedi karta gaabis ku yimaada iskaashiga dowlada dhexe iyo kuwa Dowlad Goboleeyada kadibna ka dhalan karto in laga mashquulo waxyaabo badan oo mudnaanta u lahaa wadanka oo ay ugu horeyso la dagaalanka aragagxisada . Shanta Madaxweyne Dowlad goboleed ayaa…
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed faroole oo maalmahan ku sugnaa Garowe ayaa shalay ka qaybgalay xaflad lagu soo bandhigayay Barnaamijka qaabayanta caaismada, Madaxweynaha oo ka hadlay madasha ayaa bogaadiyay barnaamijka,isla markaana gubaabiyay maamulka,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/5ur05zHdq6s
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda dhexe ee Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu taageeray go’aanka ay gaadheen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, waxayna xukuumadda dhexe ku baaqday in la ixtiraamo sharciga. Warsaxaafadeedka ayaa ugu horrayn lagu sheegay in Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay ka walaacsan tahay Xasaradaha Amni iyo kuwa siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday Xarunta KMG ee CADAADO ee fariisinka u ah maamulka Galmudug. Qoraalka ayaa lagu cambaareeyey, xayiraadda la saaray Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo weliba ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka, waxaana lagu baaqay in xorriyaddooda si degdeg ah loogu soo celiyo. …
Isla xalay waxaa magaalada Cadaado ka qabsoomay kulan kale oo ay yeesheen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, waxay ku dedafeeyeen oo waxba kama jiraan ku tilmaameen go’aankii ay soo saareen xildhibaannada ka horreeyey. Xildhibaan Xareed Cali Xareed oo ah Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa VOA u sheegay in kulanka uu xalay guddoomiyey ay ka qaybgaleen 48 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug. Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad Xildhibaan Xareed ayaa sheegay inuu gacanta ku hayo mooshin laga keenay Guddoomiyaha Golaha, isaga oo sheegay inay si dhakhso ah dooddiisa u gudo geli doonaan. Guddoomiye Xareed ayaa…
Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado,ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Xildhibaannadan oo ku shiray hotel ku yaalla magaaladan ayaa ku dooday in Madaxweynuhu sharciga ku tuntay, waxayna tilmaameen inay ahaayeen 55 Mudane, halkaas oo 52 ka mid ahi ay ogolaadeen xil ka qaadista. Xildhibaannadan ayaa sheegay inay sidoo kale mooshin xil ka qaadis ah ka keeneen Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaanka Galmudug,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/i8E03ZyXPK8
Koox hubeysan oo wadatay gaari yar ayaa toogasho ku dilay xoghayaha guud ee Ururka Haweenka Qaranka Canab Cabdullaahi Xaashi iyo Axmed Jaamac Xirsi ( Badwi ) oo ay dhashay Batuulo Axmed Gabale oo ah gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Dilka ayaa ka dhacay isgoyska VIA ROMA ee degmada Xamarweyne. Labada ruux ee la toogtay ayaa watay gaari Surf ah iyada oo ay labaduba ay goobta ku nafwaayeen.. Saraakiisha amniga oo goobta yimid ayaa sheegay in gaariga nuuca loo yaqan Isbaasiyo oo ay saarnaayeen rag hubeysan ay dilka gaysteen, goobtana ay ka baxsadeen.
Shir deg-deg ah oo ay manta 26/09/2017 isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Galmudug oo uu shir gudoominayay Madaxweyne Axmad Ducaale Geele Xaaf, ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado. Shirkan ayaa looga hadlayay arrimahan: – Go’aankii Madaxweynuhu ka qaatay khilaafka Dowladaha Khaliijka ee uu ku taageeray Isbahaysiga ay horkacayaan Dowladaha Sucuudiga iyo Emaratka. – Amniga degaanada Galmudug guud ahaan gaar ahaan ka Caasimadda ku meel-gaarka ah ee Cadaado. – Dardar gelinta howlaha horyaala Golaha Wasiirada. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa warbixin dheer ka siiyay Golaha Wasiirada go’aankii uu ka qaatay khilaafka dowladaha khaliijka ee uu ku taageeray Isbahaysiga dowladaha Sacuudiga, Emaaraatka Carabta, Masar…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horreysay fool ka fool u kulmay. Labada hogaamiye waxay ku kulmeen shir madaxeedka G20 oo maanta ka furmay magaalada dalka Jarmalka ku taalla ee Hamburg. Waxaa lagu wadaa inay ka wada hadlaaan sidii ay boorka uga jafi lahaayeen xiriirka labadooda dal oo sii xumaaday markii Moscow lagu eedeeyay inay faragelin ku sameysay doorashada Mareykanka. Wali ma cadda in warbaahinta loo oggolaan doono inay ka qeybgasha shirkaasi iyo in ay shir jaraa’id qaban doonaan labada hogaamiye. Ruushka ayaa lagu eedeeyay inuu farageliyay doorashadii Mareykanka si uu…
Afarta dal ee Carbeed ee hogaaaminaya go’doominta ka dhanka ah Qadar ayaa diidmada Dooxa ee dalabkooda ku macneeyay halis ammaanka gobolka ka dhan ah. War ay si wadajir ah u soo saareen Scuudi Carabiya, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayay sidoo kale kaga digeen tallaabooyin dheeri ah. Afartaas dal ayaa xiriirkii u jaray Qadar bishii hore, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha jihaaddoonka ah. Qadar oo toddobaadkan horraantiisii diiday dalabka ay soo gudbiyeen dalalkan uu Sacuudigu hor kacayo ayaa iska fogaysay eedaymaha loo soo jeediyay. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa…
Shir ballaaran oo lagu wargalinayey bixinta canshuuraha in ka badan 157 shirkadood oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali oo ku dhex ganacsada xerada Xalane ayaa lagu qabtay garoonka Aden Cadde. Waxaan shirka ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda XFS, Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirada Ganacsiga, Wasiirka Gadiidka Cirka iyo Dhulka, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeeynta. Iyo Wasiirada Dekedaha. Ugu horreyntii Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa soo bandhigay alaabo ka kooban raashin, Mac-macaan, Khudrad iyo Caano oo ay shirkadaha ka shaqeeyaa Xalane ay canshuur dhaaf ku soo galiyeen dalka. “Waxaan haynaa cadaymo kala…
Maydadka ayaa laga soo saaray jikada iyo goobta la isku booqdo ee xabsiga sida uu sheegay Roberto Álvarez oo ah afhayeenka arrimaha ammaanka ee dawladda. Ma jirto wax astaan ah oo tilmaamaya in hub la adeegsaday ayuuna hadalkiisa sii raaciyay. Baaritaanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa shaqaalaha xabsiga. “Arrintan waxaa kiciyay muran soo jiray oo dhexmaray kooxaha iska soo horjeeda ee xabsiga ku jira” ayuu hadalka ku daray. Booliiska faderaalka iyo milatariga ayaa jaray bannaanka xabsiga Las Cruces oo la sheegay in ay maxaabiibtu buux dhaafiyeen ayna ku jiraan in kabadan 2,000 oo maxbuus. …
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/7MQ8hOSrBFg
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/cpwTxvuJCBU
Lixdan Arday ayaa maanta ka qalanjabiyay jaamacada PSU faraceeda magaalada Gaalkacyo. Ardaydan ayaa ka qalanjabiyay kuliyadaha kala duwan ee jaamacada laga dhigto. Maamulka Jaamacada PSU,maamulka Gobolka mudug,masuuliyiin kale oo ka tirsan Puntland iyo marti sharaf ayaa kasoo qaybaglay xaflada qalanjabinta Ardaydan maanta qalanjabisay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/VJpfToPaNNE
Maalmihii udanbeeyay waxaa ka taagnaa Magaalooyinka waa weyn ee Gobolada Dhexe sida Beledweyne,Caabudwaaq iyo Guriceel xasarad ku aadan diidmo la diiday qaadashada lacagta Shiling Somaliga ah. Go’aanka lagu diiday lacagta Shilin Somaliga ah ayaa waxaa soo saaray kooxda argagixisada ah ee Alshabaab,waxayna amar ku siiyeen Ganacsatada Beledweyne in aysan qaadan lacagta shilin Somaliga ah,gaar ahaan mid ay ku sheegeen in ay Puntland soo daabacdo. Alshabaab ayaa ka taliya inta badan deegaamada Gobolka Hiiraan ,taasoo ku khasbaysa ganacsatada reer Beledweyne in ay fuliyaan amarada ay soo saraan alshabaab. Amarka alshabaab ayaa kusii fiday deegaamada kale ee Gobolada Dhexe…
Bannaanbaxyo ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacayo,kuwaas oo ka dhashay diidmada lacagta shilin Soomaaliga Waxaa istaagay isku socodkii magaalada kadib markii Gaadiidka dadweynaha ay joojiyeen shaqaada,sidoo kale waxaa iyaguna xiray Gancasigii Bakhaaradii iyo xarumihii Ganacsiga ee magaalada. Banaanbaxyadan ka dhacay Gaalkacyo ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalooyin kale oo ka tirsan Somaliya ay ka dhaceen mudaaharaadyo looga soo horjeedo diidmada lacagta Shilin Somaliga ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/W2Q74reqMNQ
Mid ka mid ah waxgaradka iyo Ganacsatada Gobolka Mudug oo lagu magacaabo ALLAHA u Naxariistee C/risaaq Muuse Nuur yare oo loona yaqaanay (Cali Jaxeer) ayaa ku geeriyooday goor dhawayd Qarax gaarigiisa loogu xiray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Cali Jaxeer ayaa kamid ahaa Ganacsatada Gobolka,waxayna walaalo ahaayeen Gudoomiye xigeenkii hore ee Gobolka Mudug Dabakariix,qaraxa gaari loogu xiray ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay,balse waxaa falalkan dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ah lagu yaqaan fulintooda kooxaha argagixisada ah ee alshabaab. Gaalkacyo xaaladeeda amni ayaa aad u liidata xiligan lajoogo,waxaana shalay askari ka tirsan Booliska Mudug uu ku dilay…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/cJ4Xa3kx0Ds
Wasaaradda Amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa amar ay soo saartay waxay ku sheegtay in loo baahanyahay inay isi soo diiwaan galiyaan Shirkadaha Ilaaladooda. Sidoo kale Wasaaradda Amniga waxay fartay dadka heesta Gawaarida aanan Xabada Karin inay ka soo diiwaan galiyaan Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/UhNLko-r5X0
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay tallaabo muhiim ah hore ugu qaadday sidii loo soo wareejin laha amaamulka hawada kadib markii manata dalka la keenay raadaar cusub oo qayb ka noqon doona mamaulka iyo gacan ku haynta hawada dalka oo in ka badan 20 sano laga maamulayey dalka Kenya. Dawladdu waxay sheegtay inay billwoday dhismaha qalabkan sida uu sheegay wasiirka duulista iyo gaadiidka Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar. Talaabadan ayaa ah mid guul ah soona dadajinaysa in dawlada somaliya ay si degdeg ah ula soo wareegto gacan ku haynta hawadeeeda,hoos ka dhagayso codka, Halkan ka…
Maxkamadda milatariga ee Puntland ayaa xukunno ku riday 11 qof oo ku eedaysnaa falal argagixiso, waxaana qaarkood lagu xukumay dil toogasho ah. Go’aannadan ayaa kasoo baxay xukun maxkamadeed oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso,hoos ka dhagayso codka wariye Faadumo Yaasiin Jaamac. Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan.
Bannaanbaxyo rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Caabudwaaq iyo Gaalkacayo dhinaceeda Koonfureed ee maamul Goboleedka Galmudug, kuwaas oo ka dhashay diidmada lacagta shilin Soomaaliga. Banaanbaxa maanta ayaa yimid kadib markii ganacsatada la sheegay inay diideen inay furaan goobaha ganacsiga iyaga oo diiddan inay wax u iibiyaan lacago la sheegya inay been abuur yihiin. Maalmihii ugu dambeeyey ayaa magaalooyin badan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya, waxaa laga diidayey isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga. Faahfaahinta bannaanbaxan waxaa inoo haya weriyahayaga Cabdi Kaafi Yuusuf Aadan oo ku sugan magaalada Caabudwaaq. Halkan ka dhagayso codka wariyaha
Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, ayaa looga hadlay arrimaha kala ah Nabadgelyada dalka, La xisaabtanka Hay’adaha Soo Saara Warbixinada, Raadkii ay abaaruhu ku reebeen Gobolada Puntland, Dagaalka ay Kooxda Al-shabaab ku Hayaan Lacagta Shilin Soomaaliga ah iyo Warbixino. Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland. Halkan ka akhriso:-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Adan Cadde ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku-xigeenada koowaad iyo labaad ee Golaha shacabka, Xildhibaanno iyo howl wadeenada Golaha Shacabka. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen ayaa kulan gaar ah oo ay kaga hadlayeen dar dar gelinta howlaha golaha shacabka oo kalfadhigiisa labaad dhawaan la filayo in uu furmo Muqdisho ku yeeshay qeybta nasashada ee Garoonka. Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Guddoomiye…