Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tiitole-tiigsade
    Somalia

    Tiitole-tiigsade

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 31, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Tiitole-tiigsade

    Degmo ka mid ah degmooyinka Soomaalidu degto ayaa maammulkeedii dawladda hoose amar ku soo rogey in dadweynaha halkaa ku dhaqan is-diiwaangeliyo oo qof kasta yeesho Kaadhka Aqoonsiga (Identity Card). Waxaa lagu wargeliyey in cid walba laga qaadayo sawirro wejiga, faraha iyo indhaha ah. 

    Aroortii dambe ayaa rag fara badan bartii kaadhadhka laga bixinayay saf dheer u soo galay. Ruux walba waxaa la su’aalay tiitolaha (title) magaciisa ka horreeya. 

    Cawl Cawaale oo safka kaga jirey ninka tobnaad ayaa maqlay raggii ka horreeyey oo tiitole aan waxba ka jirinnin sheeganaya, sida: Doktoor, Borofesoor, Injinyeer, Jeneraal, Mujaahid, Aqoonyahan, Dhaqaaleyahan, Cayaaryahan iyo mid sheegtey Dagaalyahan, iwm.

    Cawl Cawaale ayaa doorkiisii la soo gaadhay. “Muxuu tiitolahaagu yahay?” – ayaa la weyddiiyey. “Caqliyahan,” – ayuu ku warceliyey.

     

    Gobaad Cumar Guuleed

    London, 12.05.2018

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo la bilaabayo

    November 20, 2026

    Xog:-Qorshe Xasan rabay in uu ku kala qaybiyo Mucaaradka oo fashilmay

    November 20, 2026

    Puntland maxay Imaaraadka ka heshaa oo faa’iido ah?

    November 20, 2026
    Latest Posts

    Mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo la bilaabayo

    Xog:-Qorshe Xasan rabay in uu ku kala qaybiyo Mucaaradka oo fashilmay

    Puntland maxay Imaaraadka ka heshaa oo faa’iido ah?

    Puntland–UAE Strategic Partnership: Key Outcomes

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyayaal degmo

    Ilhan Omar oo guul taariikhi ah ka gaartay doorashada Mareykanka

    Miisaaniyadda 2027 ee Puntland oo noqotay $308,213,973

    Uganda oo shaacisay war naxdin geliyay maamulka Xassan Shiikh

    Mareykanka oo bilaabay tababarka Ciidamo gaar ah oo Puntland yeelanayso – (Sidee loo qoray?)

    Askar katirsan Ciidamada Uganda oo ka duulay Muqdisho










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.