Kulankii Shalay dhexmaray Wasiirada Xasan Shiikh iyo Wakiilada BC,waxaa lagu waydiiyay Hal Qodob oo ahaa…..
Maxaad haysaan qorshe?
Waxay ku jawaabeen Wasiirada Xasan……
“Anaga,waxaa wax nala leh PL iyo JL oo haysta mudo xileed sharciya oo siyaasadeed,mucaaradka kale,waa Dad Kursi doon ah,balse aan haysan awood sharci,waana tixgelinay oo waa dhagaysanay”.
Iyagoo hadalkooda sii wata Wasiirada Xasan ayay yiraahdeen….
” PL iyo JL,waxaan ka sugaynaa aragtidooda doorashada qaran,waxaan anagu hada sii wadnaa,waa midii hoose oo Dimuqraadi ah”.
Wakiilada BC,waxay ugu jawaab celiyeen…..
“Halkan,waxaan ujoognaa ka shaqaynta deganaanshaha siyaasadeed ee Somaliya mana rabno in xaaladu qasanto,waxaan idinka filaynaa ka hor 15- ka May in aad gaartaan dhamaan qaybaha Somalida heshiis doorasho”.
Wakiilada BC oo hadalkooda sii wata,waxay yiraahdeen……
” Anaga,waxaan qoranay in Baarlamaanka mudo xileedkiisa laysla ogol yahay ay ku eg tahay Caawa saq dhexe”.
BC,waxay bixisaa 70% Miisaaniyada ay ku shaqayso DFS,waxaana miiska hada usaaran go’aamo muhiim ah……
- Waxay hakinayaan Lacagtii DFS ay toos usiinayeen ilaa heshiis siyaasadeed dhacayo.
- Waxay toos usiinayaan PL,SL iyo JL Lacagta kabida ee Baanka aduunka iyo mashaariicda.
- Waxaa Bisha December mudada loo kordhinayaa Ciidamada Midowga Afrika,waana loo fasaxay Lacagtii maalgelinta.
- Waxaa hoos loo dhigayaa maqaamkii Diblomaasiyadeed ee Madaxda DFS ee wakhtigu ka dhamaaday.
