Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dooni siday 90-Qof oo Qaxooti Soomaaliya oo soo gaaray Dekeda Berbera
    Somalia

    Dooni siday 90-Qof oo Qaxooti Soomaaliya oo soo gaaray Dekeda Berbera

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 16, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Doon siday illaa Sagaashan qof oo qaxooti Soomaali ah oo ay ku jiraan 12 qof oo ka mid ah dadkii ka badbaaday doontii Xeebta Yemen diyaaraduhu ku doqeeyeen Bishii 3aad ee sanadkan oo intooddii badnayd ku geeriyoodeen weerarkaasi xaga cirka kaga yimid ayaa soo gaaray Dekadda Berbera.
     
    Qaxootigan oo 12 qof oo dhaawac ahi la socdaan ayaa laga soo dajiyey,isla markaana la dajiyey goobo ay xukuumaddu ugu tallogashay inay saddex cisho ku nastaan, taas oo ay iska kaashadeen xukuumadda, unicef iyo IOM.
     
    “ Dadkan qaxootiga ahi waxay ka yimaadeen Yemen, waxa ku jira shan qof oo jajaban oo ay biro ku jiraan, saddex qofna ay go’an yihiin xubnaha jidhkooda, waxa kale oo jirta gabadh ku indho beeshay oo doontii la wareeray la socotay, inta kale way wanaagsan yihiin, wixii kale ee xanuunsaday xaaladoodda waanu la tacaali doonnaa”ayuu yiri Cabdiqaadir Axmed oo ka socday hay’adda IOM oo ka warbixinayey dadkan qaxootiga ah
     
    Dadkan ka soo badbaaday weerarkaasi arxan darradda ahaa ee ay gaysteen diyaarado loo malaynayo inay ahaayeen diyaaradaha isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo ee dagaal kula jira xuutiyiinta Yemen ayaa intii ka badbaaday soo gaartay magaaladda Berbera, waxaana dadkaasi la gaarsiin doonaa qof walba deegaankiisa.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.