Marka la qiimeynayo dhismaha iyo meelaynta talis Ciidan Badeed,waxaa muhiim ah in la eego isku xirka Xeebta Badda furan, iyo Waddooyinka sahayda ee dhulka.
Goobta Taliska,waxaa laga ilaaliyaa dhaqdhaqaaqa Maraakiibta iyo Doonyaha soo gala Biyaha Xeebta,iyadoo la adeegsanayo indho-indhayn joogto ah iyo qalabka Raadaarka/isgaarsiinta.
Saldhig Badeed ma’aha mid ka madaxbannaan dhulka ,wuxuu u baahan yahay xariiq difaac Dhuleed,baro Koontarool iyo Wadooyin amaan ah oo isku xira gudaha dalka iyo Xeebta.
Qaab dhismeedka Talisku wuxuu mideeyaa hoggaanka isgaarsiinta iyo ilaalinta sirta hawlgallada iyo naqshadaha dhismaha.
Taliskan Turkigu ka dhisayo Xamar,waa mid Istiraatijiya marka la qiimeeyo halka uu ku yaal iyo sida loo dhisayo.
Saan xogta ku helay,waxaa loo dhamaystirayaa Agabka muhiimka ah oo ay ugu horeeyaan Ganaatalada difaaca,Difaaca Drons-ka iyo Raadaar ilaa 600- km waxka qaban kara.
Taliskan hadaan la musuq maasuqin oo sida loo qorsheeyay loo dhiso,waa istiraatiiji.
