Xisbiga KAAH,waa ku fashilmay maamulka Magaalada Galkacyo oo Duqii Afraad oo Xisbiga ka yimaada,ayaa noqday waxmatare.
Haatan Duqii ugu liitay oo aysanba ubilownayn siyaasada,ayaa Magaalada hogaaminaya.
Mw Deni Berri,ayuu ku wajahan yahay Magaalada ee Xisbigiisu talaabo haka qaado Duqa fashilmay oo ha keenaan Qof uqalma Booska ama Xisbiyada kale ha siiyaan fursad.
Galkacyo aadbay ucamiran tahay oo noloshu ujaban tahay marka la barbardhigo sicir bararka ka jira Garowe,Hargaysa iyo Jigjiga.
Magaaladu,waxay leedahay Qurba-joog waxtar ah oo wax badan kusoo ceshay sida….
- Dekeda Garacad oo Boqolaal Milyan ku baxday.
2.Garoonka diyaaradaha oo hada ay ku baxayso Tobanaan Milyan,kaasoo keenaya shaqo abuur iyo Lacag Cash ah oo Magaalada gasha.
3.Gudiyo ka shaqeeya qaaraan usoo ururinta Bilicda Magaalada oo shaqo fiican qabtay ilaa iyo hada.
Magaaladu,waxay Sanadkii soo xaraysan kartaa Canshuur gaaraysa $3-Milyan,iyadoo hirgelin karta Hal Mashruuc oo macno leh Sanad walba haday hesho maamul karti leh oo daacad ah.
Xisbiga KAAH hogaamintiisa Gobolka Mudug,wuxuu si fiican ugu guulaysatay dhanka amniga.
