Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gudiga joogtada ah ee Baarlamaanka fadaraalka oo si deg-deg ah ugu yeeray RW khayre
    Somalia

    Gudiga joogtada ah ee Baarlamaanka fadaraalka oo si deg-deg ah ugu yeeray RW khayre

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 11, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa xilligan shir deg deg ah uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo loo yeeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
     
    Shirka oo uu albaabada u xiran yahay ayaa su’aalo lagu weydiinayaa Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan arrimo ku saabsan kacdoon hoose oo ay wado Xukuumadda oo ay ku kicineyso bulshada iyo hadalkii ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud ee ka dhanka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka.
     
    Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka ay hadalka Sheekh Nuur Baaruud aad uga caroodeen, ayna keentay in Guddoonka ku wargeliyaan in arrintan si deg deg ah wax looga qabto, taasoo keentay in kulan deg deg ah la isugu yeero Guddiyada joogtada Baarlamaanka, si arrintan looga hadlo, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha loo yeero si uu jawaabo uga bixiyo.
     
    Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga yaabaa inuu raalli gelin ka bixiyo hadalka ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ee ka dhanka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka.
     
    Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo labo habeen ka hor ka hadlay xaflad ka dhacday xarunta Gen. Kaahiye ayaa sheegay in Xildhibaanada wada mooshin lagu duminayo Xukuumadda ay meelaha ay joogaan ugu galayaan, isla markaana iyaga iyo shacabka ay garaacayaan, taasoo madaxdii uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha ay u sacbiyeen, una istaageen.
     
    Hadalkan ayaa ahaa mid xiisad dhaliyay, isla markaana qaar ka mid ah Xildhibaanada ay aad uga fal celiyeen, iyagoo ku eedeeyay Sheekha inuu faraha la galay howl baarlamaan, isla markaana halis geliyay nolosha Xildhibaanada Baarlamaanka.
     
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.