Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Gaas oo Caaqil Shuuqe u magacaabay xubin Gudiga Doorashada KMG Puntland
    Somalia

    Madaxweyne Gaas oo Caaqil Shuuqe u magacaabay xubin Gudiga Doorashada KMG Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 9, 2017Updated:July 9, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dikreeto ku taariikheysan 27 bishii June 2017 ayuu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ugu magacaabay xubin ka mid noqonaysa guddiga doorashooyinka kumeelgaarka ee hanaanka asxaabta badan Puntland Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye (Shuuqe).

    Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa u cuskadey magacaabista Caaqil Shuuqe ka dib markii uu arkey dastuurka Puntland, Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo.

    Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye Shuuqe ayaa soo noqday Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Sidoo kalena wuxuu madax kasoo noqday guddiyo dib u heshiisiin oo gudaha iyo dibada dalka kasoo qabtey shaqooyin nabadeyn.

    Warar madax banaan ayaa sheegaya in Caaqil Shuuqe isu diyaarinayo qabashada Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Kumeelgaarka ee Puntland oo uu mar sii horeysay iska casilay Ex Gudoomiye Axmed Maxamed Cali (Ahmed Kismaayo ).

     

    Xigasho Wariye Abshir Dhiirane

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.