Dowladda Puntland ayaa ku guuleysatay loollan adag oo taabanayay amniga Puntland, kaas oo ay la gashay bilihii u dambeeyay maamulka Xassan Shiikh ee muddo-dhaafka ku jooga Xafiiska.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa qaaday tallaabooyin looga jawaabayay maleeshiyaad hubeysan oo loo diiwaangeliyay hab iyqabiil, kuwaas oo qorshahoodu ahaa in ay fuliyaan falal amni darro, oo halis gelinayo ammaanka deegaanka, si loo fashiliyo dagaallada lagula jiro argagixisada.
Maleeshiyaadkan oo ay abaabulkooda lacago kooban kusoo qaateen siyaasiyiin u badan kooxda Aaran-Jaan, oo barakac ku jooga Muqdisho – ayaa qorshahoodu fashilmay kaddib go’aano amni oo kasoo baxay Gollaha Wasiirada Puntland.
Go’aanada ayaa lagu joojiyay in maleeshiyaadka hubaysan ee aan ahayn ciidamada dowladdu gaadiid dagaal la dhexmari karin deegaanada Puntland, halka xubnaha qeybta ka ahna laga mamnuucay in ay soo galaan gudaha deegaanka.
Tan ayaa soo dadajisay in uu kala daato qorshihii maleeshiyaadkan ay ku doonayeen in ay isku muujiyaan, si xubnaha jooga Muqdisho ay ugu gudbiyaan Xassan Shiikh sawir ah in ay awood jirta oo isaga qabanaysa danihiisa ka hirgaliyeen deegaanada Puntland.
IDILNEWS
