Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-14 maleeshiyada alshabaab ah oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada amniga Puntland
    Somalia

    Sawiro:-14 maleeshiyada alshabaab ah oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada amniga Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 11, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    War ka soo baxay Ciidamada amniag Puntalnd ee loo yaqaan PSF,ayaa lagu sheegay in Ciidanku gacanta ku dhigeen 14 dhalinyaro ah oo ay ku jiraan ajaanib kuwaas oo ka tirsan al-Shabaab.
     
    kuna socdey in ay kamid noqdaan malaysiyada al-Shabaab ee ku sugan buuraha Calmadow.
     
    Maleeshiyadan ka tirsan alshabaab ayaa waxaa qabtey dad reer guuraa ah oo deggan duleedka caasimada Puntland ee Garoowe, waxayna dadku deegaanku markii danbe ku wareejiyeen Ciidamada amniga ee PSF.
     
    ”Waxaa ciidamada amniga ee PSF u suurto gashay inay gacanta ku soo dhigaan 14 Alshabab ah oo u socda Buuraha calmadow ayagoo marayey duleedka magalada Caasumada ee garowe.
     
    Waxaa mahad iska leh Allah oo noo suura geliyey qabashadoodii way mahadsanyihiin dhamaan laahaama kale ee amniga oo nala shaqeeyey. Shacabkeena sharafta badan ee reer Puntland iyo soomaaliya waxaanu ku dhiiragelinaynaa inay sidaas iyo si la mid ah ciidanka ula shaqeeyaan”ayaa lagu yiri warka lagu soo daabacay barta FC-ga ee ciidamada amniga Puntland ee PSF.
     
    Maleeshiyada ayaa ku wajahnaa Buuraha Calmadow waxaana qorshohoodu ahaa in ay qayb ka noqdaan maleeshiyada alshabaab ee ka dagaalama Buurahaas sida laga soo xigtay Ciidamada amniga ee PSF.
     
    Maleeshiyadan ayaa dadka deegaanka iskugu sheegay markii hore in ay yihiin Tahriibayaal itoobiyaan ah.
     
    Waxaa ka jira gudaha Puntland tahriibyaal si xoog leh ugu qulqulaya,kuwaasoo inta badan ka dhuunta ciidamada amniga,waxaana marar badan tahriiibayaashaas ku dhex dhuunta oo isku ekaysiiya maleeshiyaadka kooxaha argagixisada.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.